|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2312 |
March 30,2010 Rabi Al-Thani 14,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Shabakado Sixiroolayaala Oo Ka Dilaacay Hargeysa Iyo Dadwayne Lacago Badan Lagaga Dhacay Hargeysa, March 30, 2010 (Haatuf) - Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa waxa maalimahan danbe ku soo badanaysay dadka sixiroolayaasha ah ee dadka xoolaha haysta kaga dhacaya baabal khiyaamada Sixirka oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey qaar ka mid ah dadka ganacsatada ah ee ka shaqaysta caasimada dalka siiba sarif layaasha la sheegay markii la sixray in lacagtii ay haysteen oo dhan laga furtay iyagoo aan xiskoodu markaa dhamayn. Dhacadadan sixirka ah ayaa waxa ay ku dhacday laba nin oo Maherado Sariiflayaal ah ku haysta Badhtamaha magaalda Hargeysa oo lacagaha Qalaad kala badala, labadan nin ayaa waxa ay shegeen in mid kasta Gooniddiisa loo Sixray oo hantidii uu haytay laga dhacay hantidaas oo gadhaysa ilaa $700 iyo lacago kale oo iskugu jira Lacago bira iyo Shillin Somaliland. Haddaba sida lagu sheegay shabakada Waaheen News Axmed Sh.Maxmuud Suufi oo meherad ku agtaala Wasaarada Duulista iyo hawda horteeda haysta oo ka mid ah dadkii la sixiray ee hantiddiisa la dhacay ayaa waxa uu sheegay in uu ku baarugay isaga oo lacagtii dolarka ahayd ee uu haystay iyo lacag kale oo itoobiyaan ah laga dhacay isaga oo sheegay in qof uu soo daba istaagay kadibna waxa la mariyeey sidaasin lagu dhacay. Isaga oo amuurtaasi ka waramayan waxa uu yidhi “Waxa markaasi laga dhacay lacag gadhaysa $350 iyo lacag aad u farro badan oo Itoobiyaan ah iyo Hal mobil marka haddii aan ku sheego sida laygu dhacay Waxa idul yimid nin aanan garaneyan kadiban meeshadii ayaan fadhiistay maqalkiina waan furay inyar dabadeedan waxaan is arkay uun aniga oo idhaha marmaranaya oo yaaban Dhulkan Fadhiya waxaan eegay lacagtaydii waanan wayey marka Ciidna maan arkaynin ” Axmed Sh.Maxmuud Suufi Dhinca kale nin isaguna Sariifle ah ayaa isaguna shalay la dhacay ka dib markii la Sixiray ninkan oo la yidhahado Sidiiq C/laahi Yusuuf ayaa waxa uu noo sheegay in laga dhacay hantidii uu haystay ka dib markii nin sixiroole ahi uu soo daba istaagay oo uu indhaha qabtay ka dibna uu u dhiibay Bac madow oo ayku jiiran Xashiish iyo waxyaale kale oo layku dardaray kadibna uu yidhi ii haya sidaas daraadeedan lacagtii uu haytay oo gadhaysatay $350 iyo 850,000 shillin somaliland ah laga dhacay oo uu haatan aanu lacagtiisi waxba ka haynin oo uu farro madhan yahay. |