Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2312

March 30,2010                                                               Rabi Al-Thani 14,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Guurka Iyo Da'da, Dood Wajiyo Badan Leh

Ahmed M.Elmi-Shawky

Dadku kala aragti duwan, dumarka qaar baa la dhacsan in dumarku hore u guursadaan, qaar kalena way ka soo horjeedaan. Waa xaajo tuur lihi nin la toosan, qofba dhinac buu ka arkaa. Bulshooyinkuna kala dhaqan duwan, waxa laga yaabaa in inbadan oo idinka mid ahi ay arkeen hablo aad u da'yar oo 8 jiro iyo wax ka sii yar mar marka qaar oo la guursado, sidoo kale waxa laga yaabaa inaad aragteen hablo da'dii guurka gaadhay oo laga hor taagan yahay inay guursadaan mudo badana aan guur helin ilaa noloshooda qayb badani tagto. Dalalka carabta labada arrimoodba waa ka jiraan, bal tusaale aynu soo qaadano laba dal oo jaar ah , waa Yemen iyo Sucuudiga. Dalka Yemen, waxa badanaa dhacda in hablo aad u yaryar la guursado, dalka Sucuudigana waxa badanka dhacda in habluhu guurka ka raagaan. Ma wada aha dhamaan laakiin waa arrimo aad uga caan baxay labadan dal, waxana ku weheliya dalal badan oo qaarkood xataa aanay carabba ahayn. Dalka Namibiya ayaa isna waxa dhacda in hablo aad u yaryar la guursado. Kollay arrinku waa kaaf iyo kala dheeri, laakiin waxa cad in labada dhacdo tay doontoba ha noqotee in ujeedo ka danbayso.

Talada iyo dookha guur waxa badanka xukuma waalidka , waxana dalal badan hablaha la duudsiyaa xaqooda ah inay ninka ay rabto guursato. Inantu ma hesho fursad ay waalidkeed kaga hor istaagto in qof aanay raali ka ahayn la siiyo, inantu markaas waxay ku khasbanaataa in qofka waalidkeed u qoondeeyo inay guursato, hase yeeshee guurka noocan ahi ma sii waaro badanka, laakiinse waaalidka qaar dan kama leh mustaqbalka ee waxay eexaysanayan maal adduun.

Dalka Yemen, inan 8 jir oo la yidhaahdo Nujuud ayaa la siiyay nin ka wayn oo dhawr iyo soddon jir ah. Dhibaato aan yarayn ayaa ka dhalatay arrintani, waxana warku gaadhay miyi iyo magaaloba, inantiina waxay hor tagtay maxkamad iyada oo dalbanaysa in laga furo ninkan ka da'da wayn. Maxkamadu way tixgelisay go'aankaas inanta, waxana ugu danbayn muran badan ka dib inantii laga furay ninkii, hase yeeshee qoysas badani arrinkan lama dhicin. Badanaa dhaqanka Yementa waa ceeb in arrimaha qoyska sida furiinka iyo guurkuba debeda u baxaan oo la maqlo, sidaas darteed dad badani go'aanka maxkamada waxay u arkeen mid aad u fool xun. Arrinku halkaas kuma joogsan,dawlada ayaa wada xeer cusub oo da'da hablaha la guursanayo ka dhigaya 18 sano iyo wixii ka wayn.Xeerkan ayaa la hor dhigayaa baarlamaanka si ay u ansixiyaan, laakiinse dood culus ayaa ka dhalatay. Culimada ayaa dood xooggan madasha keenay, ra'yul caamkuna waa ku kala jabay. Culimada diintu waxa qaar badani ku doodayaan in aanay haboonayn in la xadido da'da hablaha lagu guursanayo, waayo bay yidhaahdeen Nebigeenu (NNKH) Caaisha wuxu guursaday iyada oo 9 sano jirta. Waxay culimadani leeyihiin yaan waxba la xadidin. Sidoo kale waxay arrinka ku macnaynayaan mid kasoo horjeeda dhaqanka Islaamka oo reer galbeed dabada ka wado.Haweenka ayaa laftoodu ku raacsan culimada arrinkan, gabadh ka mid ah haweenka Yementa ayaa tidhi: "Anigu waxan ku guursaday 15 sano jir. Waxan dhalay 7 caruur ah. Hablahaygana marka ay da'da aan ku guursaday gaadhaan ayaan u guurinayaa. Dhaqanka reer galbeedka dhan iska dhiga, oo sida rasuulku (scw) yeelay sameeya".

Dhanka kale culimada caafimaadka ayaa wax ka tilmaamay bal in hablahan yar yar ee la guursanayaa saamayn caafimaad leeyihiin. Waxay sheegeen in hablaha da'doodu yar tahay sida 8 ilaa 13 jir ay la kulmaan xaalado caafimaad oo ka dhasha guurka, waxa taas u weheliya xaalado nafsi, waxayse tilmaamayaan in hablaha qaar guurkoodu noqdo mid guulaysta oo aan wax dhibaato ahi ka dhalan. Waxay dhakhaatiirtu sheegayan in qaar badan oo hablahan ahi aanay maskax iyo jidh ahaanba ugu bislaan in ay guursadaan, sidaas darteedna ay haboon tahay in waalidku hablahooda waqti ku haboon u guuriyaan.

Dalka Sucuudiga iyo dalal badan oo kale oo carabta iyo dunida kaleba ah, waxa iyagana ka jirta arrimo ku saabsan dib u dhac ku yimaada da'da guurka. Hablo badan ayaa dib uga dhaca da'da guurka oo guriga ku raaga. Waxa taas keena badanka waalidka oo hablahooda la raadsada rag lacag leh, mudo ayayna qaadataa in odaygu helo nin lacag badan uu ka heli karo oo inantiisa guursan kara. Hablahani sidoo kale ma laha ikhtiyaar ay ku xushaan ninka ay nolosha la wadaagayaan mustaqbalka. Arrinkuse waa mid hadda u muuqda in wax ka bedel badani ku socdaan, waxana meelo badan ka jira hanuunin iyo olole dadka loogu iftiiminayo dhibta iyo dheefta arrintani leedahay. Waalid badan ayaa hadda helaya tilmaamo saxa oo khuseeya guurka hablahooda.

Ugu danbayn, hadii hablaha qaar ka cabanayaan guur kusoo degdegay, qaar kalena waxay ka irdhaysan yihiin guur ka raagay. Waa duni iyo waayaheed, labada xaaladoodba waxa laga yaaba inay dal keliya iyo bulsho keliya ka wada jiraan. Dooddu ma aha mid dalal badan ku cusub, fasirka arrinkanina waa mid qoloba dhan u jiido, hase yeeshee waxa arrinkani xidhiidh la leeyahay dhibaatooyin ay ka cawdaan dumar badani, kuwaas oo aan wax talo ku lahayn ninka ay mustaqbalka nolosha wadaagayaan.

Ahmed M.Elmi-Shawky

Sanca, Yemen