Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2324

April 13,2010                                                               Rabi Al-Thani 28,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Wasirka Ciyaaraha Oo Kulmiye Ku Eedeeyey Rabshadihii Shalay Ka Dhacay Garoonka Kubada Cagta Ee Hargeysa Stadium,Taliyaha Booliska Oo Afka Ka Xidhay Iyo Kulmiye Oo Deedefeeyey

“Waar Nagala Tag Haatuf Iyo Caliyo Lahaane” Saqadhi Dubad

Hargeisa, April 13, 2010 (Haatuf)  - wasiirka Ciyaaraha Somaliland Maxamud Siciid Maxamed ayaa xisbiga KULMIYE ku eedeeyey inuu masuul ka ahaa rabshadihii shalay galab garoonka Statium-ka ee caasimada ku dhexmaray ciidanka booliska iyo ciyaartoygii tartanka kubada cagta ee xisbiga KULMIYE Sabtidii todobaadkan uga furay garoonka Statiumka kaas oo iska hor imaad dhexmaray booliska oo ka hor istaagay ciyaartoygaasi garoonka ay rasaastii ay ku rideen boolisku ciyaartoyga ay xabad ka mid ahi ku dhacday caaqil Cabdi Iimaan Jaamac oo ku sugnaa xiligaasi meherad kaga beegan garoonka koonfur bari.

Wasiirka ciyaaraha ayaa isagu doraad sharci daro ku tilmaamay koobkaa kubada cagta ee KULMIYE u dhigay ciyaartoyga shanta dagmo ee caasimada, oo uu sheegay inuu gabi ahaanba amar ku bixiyey in la joojiyo tartankaasi KULMIYE qabtay, hase yeeshee la sheegay in rabshadu ka bilaaban tay markii ciidamo boolis ah oo xoogle la keenay garoonka, isla markaana ay ciyaartoygii ku balansanaa inay ciyaaraan ka horjoogsadeen inay garoonka gudo galaan, sidaas darteedna la sheegay in dhalinyaradii ka gadooday ka dibna ay dhagaxaan ku tuureen booliska ciidankuna la sheegay in tacshiirado rasaas ah ay ooda kaga qaadeen, ka dibna ay halkaasi ku haleeshay rasaastii ay ridayeen ciidamada boolisku Caaqil Cabdi Iimaan Jaamac.

Taliyaha ciidanka booliska Maxamed Saqadhi Dubad oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay waxna kaga waydiinay sida ay rabshadu ku bilaabantay iyo waxyaalaha keenay iska hor imaadka ciidanka iyo ciyaartoyga ayaa isagu noogu jawaabay si qayrul masuuliyad daro ah isla markaana xanaaq ka muuqdo waxaana ka mid ahaa erayadii taliye Saqadhi “waar nagala tag Haatuf iyo caliyo lahaane”, intaas ka dibna wuu nagu xidhay telefoonkii.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Ololaha doorashada Xisbiga Kulmiye ee gobollada Galbeedka, Baashe Cabdi Gaboobe ayaa isagu  nasiib-daro ku tilmaamay talaabada ciidan ee ay  xukuumaddu ku hor-istaagtay tartankan kubada cagta ee ay u fureen shanta dagmo ee caasimada, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii 

“Askar fara badan ayaa xoog u isticmaalay dhalinyaradii, shalayna waakii hanjabayay Wasiirku, ciyaar baa ayaamahanba socotay oo ay u tageen dhalinyaradu garoonka, taas oo Sabtidii bilaabantay. Hadii aanu nahay Xisbiga Kulmiye ee tartankan maal-geliyay, Xidhiidhka kubada cagta ayaanu ka soo qaadanay warqad ogolaansho ah, taasoo aan ka codsanay, warqad bay na siiyeen, markii aanu furnay tartanka, iyaga ayaanu ku wareejinay maamulka iyo qaabka ay u dhacayaan ciyaaruhu. Annagu shaqoba kuma lihin, markaanu xidhiidhkii kubada cagta warqad u qornay iyaga ayaa shaqadii nagala wareegay oo qorshaha ciyaarahan leh, annagu waanu furnay, Wasiirku haduu joojinayo isagay jirtaa, annagu kabka ayaanu bixinaynay iyo kharashka, ujeedadayaduna waxay ahayd in aanu  qayb ka qaadano in dhalinyarada laga jiheeyo dhaqamada xun xun, balwadaha iyo Tahriibka, waxaanaan donaynay inay ku mashquulaan ciyaaraha.”

Dhinaca kale wasiirka ciyaaraha Maxamud Siciid Maxamed ayaa isagu xisbiga KULMIYE ku eedeeyey inuu masuul ka ahaa rabshadaha ka dhacay garoonka isla markaana ku tilmaamay  in isagu amarkaasi lagu joojiyey tartankaas uu lahaa, wasiirka oo u waramay xalay idaacada radio Hargeysa ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa wasiirka

Barnaamikii ciyaaraha ee anagu aanu wadnay oo ujeedadayadu tahay sida xilgudashadayada qaranku tahay si aanu dhalinyarada ugu mashquulino ayaa waxa qas ku sameeyay Xisbiga Kulmiye oo shaqadayadii farageliyay dabadeedna waxay yidhaadeen waxaanu khasab ku qabanaynaa waxay ku sheegeen tartan oo aanu dhalinyaro tartansiinaynaa oo Staduim-ka Hargeysa ku qabanayno, caynkaa markaanu ogaanay ayaan joojiyey oo aan amar  ku bixiyay in la joojiyo, xidhiidhadii oo dhan baanu wadahadalay wax sharciya oo ay haystaana  ma jiro, waana wax laga xishoodo xisbi mucaarid ah oo leh dalka doorashaan ka rabaa inuu dhaliyarada kala qaybqaybiyo, oo ku abaabulo qabyaalad, rabshadaas maanta dhacdayna Kulmiye ayaa ka masuul ah oo lagala xisaabtamayaa, rasaastaa ciidanka bilaysku rideen waxa igu maqaalo ah nin caaqil ah baa ku dhaawacnay isaguna hada waa ladan yahay oo dhakhtarka ayaa la dhigay”

Dhinaca kale ilo xogogaal ah ayaa wargeysaka Haatuf u xaqiijiyey in ciidamada boolisku ay qabteen afar xubnood oo la sheegay in lagu eedeeyey abaabulka rabshadahaasi, iyadoo dhinaca kalena caaqil Cabdi Iimaan Jaamac oo ay xabadu kaga dhacday daanka midig kana baxday qoorta, wakhtigan xaadirka ah lagu dawaynayo cusbitaalka guud ee caasimada.