Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2328

April 18,2010                                                              Jumaada Al-Awal 04,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Tilmaamaha Lagu Xusho Xaaska Wanaagsan

Afka: - Afka hadaynu soo qaadano waa muhiim in xaas wal oo wanaagsan laga helo cunto dhadhan wanaagsan. dhinaca dhadhanka iyo cunto macaanka gabadhu ugu talo gashay saygeeda iyo ehelka kale ee la noolba waa inay ahaato mid marka uu dhadhamiyo uu aad ugu farxo dhadhankeeda, una cuno si niyad sami ku dheehantay.

Waxa aan muran ka taagnayn in ragu caruurta ka daran yihiin dhinaca dhadhanka cuntada oo haddii aanay maalinba cunto yaroo macaan, dhadhan fiicana leh helin, waxa laga yaaba inay niyad jabaan oo is yidhaahdaan meel kale oo cunto macaan raadso sida hudheelada iyo waxii la mida.

Hadaba waxa lagu yaqaana xaaska wanaagsan inay odaygeeda iyo dhamaanba dadka guriga kula nool u samayso cunto dhadhan fiican oo cajabisa oo nooc nooc ah si aan looga daalin cunsiteeda.

4-Sanka: - Sanka marka aynu ka hadlayno waxa uu isna ka mid yahay dareemayaasha ama laxaadadaa aynu soo sheegnay ee Illaahay inagu manaystay.

Hadaba waa maxay waxa aynu u soo qaadanay sanka? waa dhinaca urta oo ah qayb aad u muhiim ah oo aan laga maarmin, iyadoo bini,aadamka oo dhami ka siman yihiin jecel yihiina urta udgoon ayaa hadana waxa la xaqiijiyey in ragu yihiin kuwa ugu jecel urta udgoon. Sidaa darteed waxay ka mid tahay arimaha ama tilmaamaha ay leedahay xaaska wanaagsan ee marwada ahi in la arko gurigeeda iyo nafteeda oo mar walba udgoon.

Waayo waxay qayb ka qaadanaysaa raali ahaanshaha ninkeeda, waxaanu dareemayaa inuu joogo meel uga duwan meelaha kale sida xafiisyada shaqada iyo suuqyada kaleba. waxa uu dareemayaa raaxo iyo farxad markuu soo galo xaaskii iyo gurigii oo udgoonkoodu is qariyey. xataa dadka ku soo booqda ayaa jawi wanaagsan kala kulmaya.

Sidaa awgeed urta fiicani ama udgoonku waa tiir ka mida tiirarka suura galiya inuu qoysku sii jiro oo xididaysto, Iyadoo rag iyo dumarba laga rabo inay ku dadaalaan udgoonka iyo nadaafada oo aanay tani dumarka oo qudha u gaar ahayn. Hadaba isku soo wada duuboo Afartan arrimood ee lagu raali galinayo Afar ka mida lixda laxaad ee Illaahay ina siiyey waxay adkeeyaan jiritaanka qoyska,

Tusaale ahaan waxa la yidhi wax jiray nin wax uu yidhi “Marka aan suuqa u soo baxo ee aan arko hablo aad u qurux badan subax walba, waxaan go,aansadaa inaan xaaskaygii marka aan ku noqdo aan furo. balse marka aan gurigii ugu tago ee aan arko xaaskaygii oo si qurux badan u sii labisatay, udgoonkeeda aan wax loo dhigaa jirin, waliba ay ii soo dhigto cunto caynba cayn ah oo macaan oo aan aad uga dhaco, ayaan ka is-taakhfurulaystaa go,aankii, go,aan kasta oo aan subaxii gaadhana waxaan jabiyaa qadada.”

Waa arrin aad u yaab badan waxaanay ku tusaysaa in raggu ka ag dhawaadan hadba meesha qurux badan. Hadaba guntii iyo gabo-gabadii is qiimee hadaad tahay xaas wanaagsan oo marwo ah afartan teebaad ku fiicantay.