Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2329

April 19,2010                                                              Jumaada Al-Awal 05,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Muwaadin Ka Digay Weerarka Afafka Shisheeye KuHayaan Af-Soomaaliga Ay Keenayso Dhaqan IyoDhaqaale Gadoon

Axmed Maxamed Ciise oo ka mid ah aqoonayhanada reer Somaliland ayaa ka dayriyay dabar go’ a lagu hayo Afkeena Soomaaliga, islamrkaana sheegay in dadkii Af-Somaaliga ay dhashay ay dambiga marka hore leeyihiin iyagu oo uu ku sababeeyay inay masuul ka yihiin burburka luqadii afsoomaliga wakhtigan xaadirka ah ku yimidhaddii afsoomaaliga dadku ilaalshan waayaan muddo dhow uu gebi ahaanba meesha ka bixi doono, waxaanu ku taliyey in xukuumad ahaan iyo aqoonyano, culimaa’udiin, waxgarad la iska kaashado sidii afka loo ilaalin lahaa silamrkaana talooyin loogu jeedin lahaa sidii dadka loogu soo celin lahaa afsoomaaliga ina sii lumaya.

Ugu horana isaga oo ka waramaya sida afsoomaaligu inooga sii baa’ayo waxa u yidhi “inagoo ka hadlayna gurmadka iyo dhawaaqa in afsoomaaligii oo wakhtigan xaadirka weeraro lagu hayo in loo gurmado, waxa weeyaan meelo badan baa laga weeraray waxaad ku arkaysaa dadkii oo meelaha cuntooyinka lagu iibiyo sida hudheelada oo kale aad timaadid oo dadkii cuntooyinka iibinayay ay kugu sheegayaan cuntooyinkii ay hayeen afaf shisheeye, oo kolka aad tidhaahdid maxaad haysaa? Waxay kuugu jawaabayaan Fry Fish  iyo Scanal Fish iwm, ayay ku odhanayaan oo aan afsoomaali loo waayin oo hiddo-ba loo lahaa qaabka wax loo sameeyo ama loo kariyo oo aynu dhaqan u lahaan jiray, hae yeeshee dadkii ay imika fududaysteen oo ay iska daayeen afkoodii oo afaf kale ay adeegsadaan, waxay ku odhanayaan waxaan hayaa Fray Fish oo afsoomaaliga ku ah Kalluun shiilan, Scandal fish oo afsoomaaliga ku ah Kaluun huursan, Finger fish  oo afsoomaaliga ku ah Kaluun areeriban , Stack fish oo afsoomaaliga ku ah kaluun saafan. Suqaar waa dhibco, roos waa hilib casaan shiil ah, Xaniid waa hilib hogaysan, fadarayshin waa isku dhex jir. Kolkaa afkii sidaas ayuu inooga lumay, eray kasta oo la yidhaahdo ku baadha waa loo helayaa, hase yeeshee waa laga tagay

Isaga oo ka hadlaya goobaha ganacsiga ama meheradaha ganacsiga iyo sida afsoomaaliga loo lumiyay waxa uu yidhi “”waxaad arkaysaa meelaha ganacsiga ee Hargeysa ama Burco ama tuulyoonka oo lagu qoro magacyo shisheeye oo waliba ku qaran afaf shisheeye sida Hollyo wood oo kale dee hargeysa ku ma taalo ceeb bay inagu tahay iyadoon loo waayin magac u dhigma ama suugaan tilmaamaya , hees, gabay oo aan lo waayin, waxay ku qorayaan qolooyinka lacagaha soo gudbiya ee xawaaladaha {Mony Transfer You Can Trust} halkay ka odhan lahaayeen waa adeeg hufan oo amaano leh oo gacmo ku jira adeeg ku  fidinaaya Degdega oo aan marnaba gacan ilaa gacan gaadhsiinaya wixii hantiya aad soo dhigatay. Sidoo kale xayaysiisyadu waa af Ingiriisi waxa ka mid ah, magacyada lala baxay Super Market oo aan lo waayin afsoomaali , waxay ahayd in lala baxo  marka la tilmaamyo meesha raashinka xarunta raashinka, oo kale Saylad weynta cuntadu taalo, saylad yarta qalabka isgfaadhsiintu taalo, wax aan ku haboonayn in lala baxo  iyadoon loo waayin afsoomaali magacyada loo bixinayo sida Sagal, Xaraf, Dhaymoole, Dhalaal-weyne, Khaatumo, Dararweyne, Naaso-hablood, Dooxada cagaaran, iyadoo aan magac lo waayin ama meel qurun badan ama meel caan ah oo lala baxo magacyada dhulkeena laakiin maaha inaynu la baxno magacyo aynaan dhaqan iyo hiddaba wadaagin in lagu faano waa ceeb.

Nin masuula oo maalin hadlayay oo wasaarada macdanta iyo biyaha ah wuxuu sheegayay shirkado ay heshiis la galeen baadhista khayraaadka dhulka hoostiisa iyo bada, wuxuu yidhi amase dadkii ka qayb galay shirkaas uu ku bilaabay erayo af ingiriisi ah sidii uu la hadlayo dad ingiriisa, judhii horeba markii dadku maqleen way yaabeen markaasaa dhegaha la fidiyay.

Waxa kale oo aad ka yaabaysaa hay’adaha ama Ngo-yada dalka ku sugan laftoodu way ka qayb qaataan burburinta luqada Soomaaliga tusaale, siminaar bay bixiyaan waxa siminaarkaas ka qayb gala dad waaweyn oo waayeel ah oo intooda badani aanay af ingiriiga garanayn, ninka casharada tababarka bixinayaa markuu hor yimaado markiiba wuxuu kula hadlayaa af ingiriisi. Waxaad u fiirsataa meheradeena ganacsiga qaarkood waxay la baxaan magacyo qalaad, isgaadhsiinta waynu ka warhaynaa adeega mobile-ka waa ka qayb luqad burburka. Ta kale dadkeenii baa afafka qalaad marka ay ku hadlaan u qaata in afkani yahay ka kaliya kenuna aanu waxba la ahayn uu yahay waxba yahay, afna af kale kama wanaagsana Ilaahay agtiisa oo isaga ayaa ummadiisa u qaybiyey in la isku dhex galo oo la maacaamilo laakiin luqadu cilmi maaha ee cilmigaa ummad waliba luqadeeda ku qortaan. Hadaba waxaan talo soo jeedinayaa in inta aanu inaga dabar go’in luqadeenu in la ilaashado haddii kale waxa inagu dhacay aafo qaran oo aan dawo loo heli doonin dhaqan iyo dhaqaale gadoon aynaan kasoo kaban karina wuu inagu habsan doonaa haloo gurmado luqadeena dadkiisu daman yihiin inta caqliga saliimka ah Ilaahay”.