Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2334 |
April 25,2010 Jumaada Al-Awal 11,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Iska key Illow! (Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah) Intaa kadib aniga xafiiska ayaan isaga baxay, wixii waqtigaasi ka dambeeyayna, maalinkaasi oo dhan Hani shaqada kumaan arag, waxaan u qaatay inaysan xafiiska kaba soo bixin, oo ay ciil iyo walaahow, halkaa isugu kali yeeshay, anna waqti isagama aan lumin raadinteeda'e, markii aan shaqadeeda dhameystay, ayaan iska soo baxay, waxaan aaday hoygeenii, Hooyo iyo Aabe iyo xubnaha kale ee qoyska oo fadhiyay deerka, ayaan salaamay, kadibna qolkeyga ayaan iska galay, qado cunid kadib waan iska seexday, galabkii markii aan ka kacayna, waxaan iska aaday baashaal iyo inaan asxaabteeda u sheeko tago, maalinkaas waqtiga saas baan ku lumiyay, waxaan oran karaa maalinkaasi waxa ay ahayd maalinkii ugu dambeeyay ee kaftan iyo sheeko ceynkaasi oo kale ah aan la wadaago saaxiibadey. Habeenkii markii aan guriga kusoo laabtay, oo casho iyo qoys la sheekeysi aan dhameystay kadib waxaa ii bilowmay xaalad nololeed oo cusub, waxaan guda galay feker baas oo qalbigeyga ka dhigay mid aan fadhin, waxaa igu soo laalaabanayay muuqaalka gabadha Istar ah, waxaan is tusinayay wanaageeda, marnaba wax xumaan ah oo ay leedahay iima muuqan, manaba aysan lahayn'e, waxaa aad qalbigeyga ugu sawirnaa meelo jirkeeda ka mid ah oo aan aad ula dhacay, sida bushimaheeda, suniyaha iyo qaabka uu isugu jaan go'an yahay jirkeeda, in badan ayaan isku dayay inaan is ilowsiiyo, balse noqon weyday, waxaad moodaaba inay awood qalbigeyga ku qabsatay, oo aay u diiday ka fekerka arrimo kale, waxaan is weydiiyay, waxa sidan ay nolosheyda ugu milantay, marbaan is iri "tolow ma kii baas ee Jaceylka ahaa baa ku galay", hadana isla aniga un baa isku jawaabay'e, waxaan is iri "maya Jaceyl maaha, ee waxaa badan wanaaga aad u heyso", hadana waxaan is tusay in qof kasta oo wanaag intaa la eg loo hayo, noloshana sidaa saameyn ugu yeesha uu macnaheeda yahay in la jecel yahay. Waan ku guul darreystay runtii inaan arrintaasi go'aan ka qaato, waxaana u daayay bal waayaha iyo waqtiga waxa ay xukmiyaaan. Maalmo ayaa nolosho ceynkaasi ah ku sugnaaa, waxaan xitaa iloobay dhibka iyo nolosha xun oo aan rumysnaa inay wehel u noqon doonto Hanidii aan u deyriyay, waxaana saameyntii ay nolosheyda ku yeelan lahayd Hani ka xoog badiyay tan Istar. hadii aan sidaa ahaa ayaamo oo fekerkii iyo isla hadalkii Istar igu sii batay, ayaa waxaa ugu dambeyntii igu dhashay, waxaan marnaba fileyn inay dhacayaan ama ay qalbigeyga ku dhalan doonaan kuwaasi oo ahaa........ ………Haddii aan sidaa ahaa ayaamo oo fekerkii iyo isla hadalkii Istar igu sii batay, ayaa waxaa ugu dambeyntii igu dhashay, wax aan marnaba fileyn inay dhacayaan ama ay qalbigeyga ku dhalan doonaan kuwaasi oo ahaa inaan bilaabay rabitaan aan u qaado gabdhii Istar ahayd. Xaalka maalmihii ugu horeeyay waxa uu igu ahaa mid bilow ah, waxaana isku dayay inaan is xakameeyo, balse taasi waa ay ii noqon weyday, waxaana maalinba maalinta ka dambeysay igu sii kordhayay rabitaankii ilaa aan ka gaaro heer aan is tuso in qof aan ayada ahayn uusan nolosheyda kaafin karin. Aniga oo xaaladdaasi ku sugan, ayaa waxaa igu yimid kullankii aan ku ballansaneyn aniga iyo Istar, waxaana kullankaasi uu u dhacay si ka duwan midkeenii hore, waayo midkan waxa uu noqday mid aamusnaan iyo xishood ku dhamaaday, waayo Istar markii hore ayayba xishoodka isaga dhalatay'e, anigii ahaa qeybiyaha Sheekada, ayaa howsheydii gabay. Intii lagu guda jiray kullanka, dhowr mar ayay I weydiisay waxa igu dhacay, waxaanse ugu hadal qariyay in waxooga uu madaxa I xanuunnayo. Hadii sheekadii ay habeenkaasi sidaa iyo caajis ku dhamaatay ayaan isaga soo tagay, aniga oo markan dheereestay kullankii xigay oo aan u qabtay 10 cisho kadib, si bal aan ana isu soo dejiyo. Xaaladeedii ayaa sii cakirantay, waxaana intaasi ii sii dheeraa culees aan kala kulmayay dhinaca Hani. Mar walba oo aan shaqada isku aragno, gees ayay iila bixi jirtay, ayada oo weli iga rajo qabta, balse waan ku gaacan seeray, ilaa ay iskeed isaga quusato. Xitaaa ballan qaadyo dhinaca dallacsiinta ah ayay I siisay ayada oo dhaheysa anaa aabe ka soo dhameynaya, balse warkaas waan iska dhego mariyay. Maalmo hadii ay xal iyo dabacsanaan wax iiga raadineysay, oo ay ku fashilantay ayay bilowday shaqadeedii kibirnimo, mar walba oo aan isku aragno xarunta shaqada, wejigeeda waxaaan ka dheehan jiray carro xoogan, iyo inayba ku qanacsaneyn xitaa inaan Wasaarada ka sii shaqeeyo. Waxay xitaa bilowday inay igu dhax ceebeysato shaqada, waayo waxay inoo ahayd madaxa shaqaalaha, markii shirarka guud ee shaqaalaha la isugu yimaado ayay qeylo iyo canaan dhegaha iiga shubi jirtay, ayada oo ka faa'iideysaneysa dabacsanaanteyda iyo shaqo gabis igu timid, markii aan rabitaanka u qaaday Istar. Waxba igama aysan dhibin cadaadiska ay I saartay'e howsheydii ayaan kasii watay. Cadaadiska dhinaca shaqada ee igaga imanayay Hani, iyo hamigeygii ku wajahnaaa Istar, ayaa nolosheyda ka dhigay mid jahwareersan oo feker iyo isla hadal un ku dhisan. Waxaa is beddelay hanaankii nolosheyda iyo dabeecadaheyga oo dhan, waxaana xaaladdaasi ku sugnaa maalmo badan. Rabitaankii ayaa igu sii xoogeystay, waxaana dareemay inaan Jaceyl u qaaday Istar, waxaanse qabay cabsi xoogan oo ku saabsan sida aan nolosha u wadaagi karno iyo sida waalidkey ay ku ogolaan doonaan in qof ceynkaaasi oo kale ah oo Indhaha la' aan nolosha la wadaago, aniga waxaasba iima muuqan, oo Jaceyl iyo sida aan wax uga garanayay bani aadannimada ayaa I ilowsiiyay, laakiin waxaan aad u ogaaa in caqabad ay igaga iman doonto dhinaca waalidka siiba dhinaca Aabe, oo ahaa nin aad u ad adag oo badanaaba jecel in sida uu isaga rabo un la yeelo. Si kastaba cabsidaasi iyo cadaadiska aan filyay inuu Aabe I saari doono igama aanay reebin damaceygii Istar galay, waayo waxaan aad ugu rajo weynaa in caafimaadka indhaheeda xal loo heli doono, hadii qarash badan lagu bixiyo taasina aad ayaan ugu kalsoonaa inay dhici doonoto. Lasoco………. |