Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2335 |
April 26,2010 Jumaada Al-Awal 12,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Chelsea Oo Fanatay Figta Horyaalka, Guul Wacana Ka Gaadhay Burnley Iyo Liverpool Oo Dadaalkeedii Xoojisay Kooxda liverpool ayaa xalay guul laxaadle ka gaadhay kooxda Bunley kulan oo loo marti haa kooxda Burnley ayaa waxa goolasha kooxda Liverpool u aftaxay kabtankooda Steven Gerrard, waxana uu goolkaa dhaliyay daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta maadamaa oo ay qabtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay barbaro ay labada kooxood isla mari waayeen 0-0 Gerrard oo ay dusha ka saaran tahay masuuliyda kooxda Liverpool oo habeen iyo maalinba ka fikira sidii uu kooxda uga mid dhigi lahaa afarata kooxdoo ee haryaalka ugu sareeya, ayaa waxa hada uu gool labaad dhaliyay daqiiqadii 59-aad in kastoo markan aad moodo in ay Liverpool dalooshatay shabaga kooxda Burnley ayaa hada waxa gool afraad kooxda Liverpool u saxeexay xidiga reer Argentina, ee Rodriguez. Wakhtiga ciyaartu markii uu marayay, 74- daqiiqo sidaa kumay joojin goolashii kooxda Liverpool ee hadana waxa gool afraad u dhaliyay xidiga reer Holland ee Babel, daqiiqadii ugu dabaysay ciyaarta kooxda Burnley ayaa waxa ay hada ku sugantay kaalinta labaad ee xaga kala hoosaynta kooxda horyaalka ingiriiska Dhanka kalana kooxda Chelsea oo wali sii xasuusan cadhadii ay todobaadkii hore baday kooxda Tottenham ayaa waxa ay xalay si aan la malayn Karin ay u jiidhay kooxda Stoke City oo ku soo booqatay garoonkeeda Stamford Bridge, kooxda Chelsea oo xalay gaadhay guul lagu xasuusan doono horyaalka ingiriiska ayaa waxa ay 7-0 kaga adkaatay kooxda Stoke City goolasha kooxda Chelsea ayaa waxa ooda ka qaaday xidiga reer Ivory Coast ee Solomon Kolou, daqiiqadii 24-aad ee qaybtii hore todoba daqiiqo dabadeedna waxa uu raaciyay gool labaad, waxana sii adkeeyay goolashisa oo gool rikoodhe ah dhaliayay daqiiqadii 44-aad Frank lampard, markii la iskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxa halkoodii kasii socday goolashii ay kooxda Chelsea ku gurasay goolka kooxda Stoke City waxana gool afraad dhaliay Kolou oo ay xalay raali ka noqdeen goolashu, mar kale ayaa hadana waxa shabakha kooxda Stoke dhaqaajay xidiga reer England ee Frank Lampard, waxana sidoo kale yidhi walee kama qadno goolkan aanay cidi difaacanayn xidigaha ay kamid yihiin Sturridge iyo Malouda, oo min hal gool kala dhaliyay. Waxana ay sidaa kooxda Chelsea ku fanatay figta horyaalka ingiriiska oo ay ka riixday kooxda Manchester United. Kooxda Aston Villa ayaa iyana waxa ay guul ka gaadhay kooxda Birmingham Everton-na waxa ay 2-1 ku jiidhay kooxda Fulham. |