Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo
Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee
Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga
Afrika
Kulmiye oo cadeeyey
mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
Madaxweyne Obama Oo
Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub
Xukuumadda Madaxweyne
Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay
Koox Suxufiyiin Ah Oo
Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka
Iyo Nabada
Sirdoonka Iyo Habka Uu U
Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo
Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009
Dhalinyaradu Marnaba Ma
Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda
Dawladdu Xayaysiiska Caano
Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso
Wadooyin Ay Iska Kaashadeen
Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka
Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey
Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka
Curtay Somaliland
Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad
Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna
Galay
|
|
Dugsiga Hoose Dhexe Ee
Sheekh Ibraahim Oo Ay Dhigtaan Ardayda Ugu Badan Dugsiyada Burco Oo
Burbursan
Burco, April 26, 2010 (Haatuf) - Dugsiga Shiikh Ibraahin
Burco oo ah Dugsii balaadhan isuguna jiira H/Dhexe iyo ilaa dugsii Sare
ayna dhigtaan Ardayda ugu badaan School-lada Burco ayaa waqtigaan qaybo
Iskuulka ka mid ahi waxay u baahan yihiin dayactir iyo qalabayn dhinaca
kuraasida iyo Miisaska ah,iyada oo khasatana meelaha dayactirka u baahan
ay yihiin dhismayaasha H/dhexe ee Iskuulka oo la dhiisay sanadkii
1964.waxana sidaas sheegay maamulaha Dugsigaas C/raxmaan Axmed Cawed mar
uu shalay isugu yeedhay Waalidiinta Ardayda iyo Gudiida School-kaas
kuwaas oo ay isaga warameen xalada Iskuulka iyo Ardaydaa waxana uu
maamuluhu hadalkiisa ku biilabay.
"Waxa aynu isugu nimi oo aanu Waalidiinta ugu yedhay sida aad la
socotaan Dugsigaan oo ay u dhan yihiin qaybihii waxbarasho marka laga
reebo Jaamacad mooye ay intii kale ku dhan yihiin.waxa ka jira culays
baladhan sababta oo ah waxa uu ka mid ayahay Iskuulkani kuwaa
Somaliland ugu Ardayda badaan oo waxa dhigtaa Arday ka badan 3000 sadeex
kun oo arday sidaas daraadeed waad garan kartaan ardaydaa intaa leg
hawshooda,waxa aynu isugu nimi waa laba arimood oo midi tahay
waxbarashadooda iyo Akhlaqiyaadka Ardayda iyo ta labaad oo ah in aanu
soo bandhigno bahiyaha Iskuulka maadama oo u yahay mid wax ka
qabashadiisa ay bulshadu door weyn ka ciyaarto.
Dugsigaan balaadhan ee aynu saka jogno waxa la dhiisay 1964 iyada oo
qaybta Dugsiga Sarena ay Shirkada Dahab-shiil dhistay.sidaas darteed
meelaha u baahan in wax laga qabto waxa ka mid ah qaybta H/dhexe oo u
baahan dayactir weyn waxa kale oo u baahan wax ka qabasho Kurasida iyo
Miisaska waxanuna bulshada awalba horumarka Iskuulka ka shaqayn jiray ka
codsanaynaa in ay arintaa doorkoda ka qataan iyada oo wasaaradu wixii
karankeeda ah ka qabta ayaanu bulshadana ku guubabinayna" dhinaca kale
Maamulaha Iskuulka ayaa Waalidka kula dardarmay in ay Caruurta guriga ku
soo wacyi galiyaan taas oo u sheegay in ay kala kulmaan Ardayda dagaal
badan oo wax yela agaabka Dugsiga,
Dhinaca kale Guddomiyaha Gudida Waalidinta ee Iskuulka Saleebaan Daroor
Cali,Jiif-Caaqil Xasan Maxamed Dhuuxyare iyo Cawil Xaaji Aadan oo halka
ka hadlay ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in durufaaha iskuulka
wax laga qabto iyaga oo xusay in culayska Ardayda badan ee Dugsiga
dhigta la garan karo in mar walba ay Kurasida iyo Miisasku u bahan
yihiin in dayactir lala daba joogo.
|