Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2340 |
May 02,2010 Jumaada Al-Awal 18,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wakaalada Biyaha Burco Oo La Fashiiliyey Lacagayow Lagula Baxay Been Abuur Warbixin Axmed Aadan Yuusuf Weriyaha Haatuf Ee Burco Burco, May 2, 2010 (Haatuf) - Wakalada Biyaha Burco oo ka mid ah meelaha ugu dakhliga badan goobaha Dawlada ee magaalada Burco ayaa hadana sanadahii u danbeeyay waxay noqotay meel aan dakhligaa soo galaa waxba ka tarin baahiyaha wakaaladaas, iyada oo saddex sano ka hor Shaqaalaha wakaaladu marka ay Bishu dhamaanto la siin jiray mushaharadooda ayaa hadda waxa mushaharkoodu marayaa Bishii 8-daad, oo anaay wax mushaharo ah qaadan, iyada oo aanay waqtigana muuqan mushaharo diyaar ah oo ay sugayaan. dhinaca kale magaalada Burco oo ay waraabin jireen 5 shan Ceel ayaa hada waxa fadhiya labadii ceel ee ugu biyaha badanaa oo ay daynabooyinkii ka gubteen kuwaas oo ayaamihi u danbeeyay fadhiyay, taas oo magaaladana ay la soo dariistay xaalad biyo yaaraan ahi, hase yeeshe waxa soo baxay dhacdooyin kale oo fool-xun oo ku saabsan in lacago been Abuur ah lagula baxay Shaqaalaha magacyadooda iyo meherado wakaalada la leh xidhiidh, dhacdooyinkaas oo ay hada gacanta ku hayaan Hay'adaha badhiista ee magaalada Burco ayaa isla markaana Maxkamada Gobolka Togdheer ay soo xidhxidhay qaar ka mid ah dadkii arrimahaa ku lugta lahaa, kuwaas oo isugu jira qaar ka mid ah Shaqaalaha wakaalada iyo dad ganacsato ah oo wakaalada la macaamili jiray, Ragan ayaa markii ay Maxkamada Gobolku soo xidhay waxa sii daayay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Biin, oo isaga ay isku faamli yihiin mid ka mid ah labada nin ee ay Maxkamadu soo xidhay. arintaas sii daynta ah ayaa waxa ay ka cadhaysiisay qaar ka mid ah Shaqaalihii wakaalada ee ay lacagtooda been abuurka ku saareen labadan nin oo mid yahay Agaasimihi maaliyada ninka kalena yahay ganacsadaha loo saaray lacagtaas shaqaalaha ku qorayd oo ay shaqaaluhu lahayeen, lacagtan hada foojaradeeda cadaanka ah la hayo oo ah lacag dhan 7,673,620 (Todaba milyan lix boqol todabaatan iyo sadex kun iyo lix boqol iyo labaatan)S/land, kuna baxday jeega 641094 isla markaana baxday 9/9/2009 ayaa waxa amray bixinteeda Maareeyihii hore ee Wakaalada C/risaaq Maxamed Muuse,waxana lahaa lacagatan Shaqaalaha qaybta Ceelasha shaqaalahaas ayaa qoraal ay na soo gadhsiiyeen oo ay arintaa kaga hadleen waxa ay sheegeen in arintooda ay masuuliyiinta sare ee Xukumada ka codsanayaan in ay u eegaan arintaas si cadaalaada waxna looga qabto iyada oo ay Badhasaabka Gobolkana kaga cawdeen in uu sii dayay nimankii lacagtooda been abuurka ku qaatay isla markaana ay arintaas oo kiis culus ah ay Shaqadoodi sii wataan nimankaas. |