Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2340 |
May 02,2010 Jumaada Al-Awal 18,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wargeysyada ugu Waaweyn Britain Oo Teegeeradii Kala Noqdey Gordan Brown Uguna Baaqay Akhristayaashooda Inay U Codeeyaan Mucaaridka London, May 2, 2010 (W.Wararka) – Raysal wasaaraha dalka Britian Gordon Brown iyo xisbigiisa Labour-ka ayaa dhirbaaxo xoogleh kaga timid laba ka mid ah wargeysyada dalka Britian ugu waaweyn. Labada wargeys ee The Times iyo The Guardian, ayaa ku dhawaaqey in aanay wadi doonin taageerada aysiiyeen Brown iyo xisbigiisa Labour, arintan ayaa ku soo beegantay xilli ay wax yari ay ka hadhsan tahay doorashada madaxtinimada dalka Britain oo la filayo inay qabsoonto 6-ka bisha May oo afar maalmood oo kaliya ay ka xigaan u dareerida doorashadaasi. Wargeyska The Times oo taageeray doorashooyinkii 2001 iyo 2005 xisbiga Labour-ka ayaa sheegay hadda inay taageersan yihiin xisbiga Conservative-ka, Wargeyska ayaa ku sheegay qormadiisa in The Times in aanay taageerin xisbiga Conservative Party muddo 18 sano ah, waxaana ay daaha ka qaadeen in xisbiga Conservative Party uu la yimid fikrado cusub, taas oo uu wax kaga badalaayo dalka Britian. Wargeyska kale ee The Guardian oo inta badan u janjeedha dhinaca bidixda, isla markaana muddo dheer taageeri jirey xisbiga Labour-ka ayaa hadda sheegay inay kala noqdeen tageeradaas isla markaana ay doorashadan taageerayaan Liberal Democrat, hogaamiyaha xisbiga Liberal Democrat Mr. Nick Cleg ayaa sheegay inay iyagu maanta qaateen doorkii xisbiga Labour-ka, isla markaasna dad badan oo hore ugu codeyn jirey Labour-ka ay maanta u codeynayaan Liberal Democrat, Nick Cleg ayaa daaha ka qaadey in tartanka xafiiska Raysal wasaaraha uu u dhexeeyo isaga (Nick Cleg) iyo Mr.Cameron. Waxaa dad badan oo ka faaloonaya doorashada Britain ay aaminsan yihiin in natiijada doorashadu ay noqon doono mid aad isugu dhaw, isla markaana dawladdu noqon doonto mid wadaag ah oo ay soo dhisaan laba xisbi ee mucaaridku. |