Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2341

May 03,2010                                                              Jumaada Al-Awal 19,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Iska key Illow!

(Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah)

kugu weynayo maxay ii tareysaa".

Waxa ay xaqiiqdii noqotay sheeko aan si aad ah uga naxay, iyo arrin fajaciso igu noqotay, "waa yahay Istar, waad mahadsan tahay, anna waan sii baxayaa, macsalaama, hadduu ilaah yiraahdo habeen dambe ayaan kuu imanaa" inta ku iri, ayaan isaga soo tagay.

Qorshaha cusub ee dhaqtarka baas uula yimid, waxa ay igu sii kordhiyeen culeeskii saarnaaa nolosheeda, anoo xitaa aan garaneyn sida uu dareenkeygu ahaa, ayaan gurigeena isaga oo laabtay, hadaan guriga imid, ayaan bilaabay inaan dhameeyo sheekadii qabyada ii ahayd ee ku saabsaneyd aniga dhalashadeeda, waxaan arkay walaakey Anas, oo meel oohin la fadhiyo, isaga ayaan xog wareysigii ka bilaabay oon ku iri "Aboowe, maxaad la oyneysaa", intuu hab i siiyay oo uu isku key duubay ayuu i dhahay "aniga aabe waa nacay, labadeena ayuu na kala fogeynayaa', markaasaan ku iri 'aamus walaal, cid aniga iyo adiga na kala fogeyn karta ma jirto, ee maxaad ogtahay ii sheeg".

Anas ayaa markaa bilaabay inuu waxa uu og yahay igaga sheekeeyo isaga oo ku bilaabaya "aboowe macaan, markaad baxday, kadib ayaa ayeeyo aabe dhashay ee Caasho, waxay ayeeyo hooyo dhashay ee Xaliimo ku tiri (wiilkeyga arrin xun ayuu sameeyay, ma ahayn inuu arrintan shaaca ka qaado), markaasay ayay Xaliimo dhahday oo maxaa dhacay bal wax ii sheeg), kadibna ayay caasho ayaa dhahday (wiilkan Xamza ah, Xaaji Maxamed iyo Maryan, ma dhalin, iyaga oo in ka badan 10 sano is qaba oo aan wax isku dhalin ayay wiilkan heleen isaga oo 3 maalmood dhalan oo wadada lasoo dhigay magaalada Hargeysa, kadibna si aan arrintan loo ogaan ayay Muqdisho, usoo degeen nasiib wanaag markii wiilkan ay heleenba waxaa calool galay oo isku xigsaday afar wiil oo iyaga ay dhaleen saddex hadda maqan iyo Anas marka Xaajiga inuu arrintan shaaca ka qaado ma ahayn), ayeeyo Xaliimana waxay dhahday (wax xun buu sameeyay) marka aboowe, adiga waxaas waxba ha u arkin.

Sheekadii Anas, xaqiiqdii jahwareer ayay igu riday, anoo iska fekeraya oo meel iska fadhiya ayaa aabe ii yimid, oo igu yiri "weli ma madax adeegii ayaad meel la fadhidaa", markaasaan dhahay "wax walba oo dhaca Hani ma guursanayo", isagiina hadal kale ima weydiin'e, waxa uu war igaga bilaabay "igaga baxay guriga".

Intaan kadib intaan boorso dhar kasooo buuxsaday, ayaan horey usoo qaatay lacag aan heestay oo igaga hartay gurigii aan iska iibiyay iyo tii aan ugu tala galay Istar iyo baasaboorkeygii ingiriiska, waxaana kadib go'aan ku gaaray inaan dalka isaga tago oo aan UK ku laabto, islamarkaana aan nolol cusub halkaasi ka raadiyo, waxaan kale oo go'aan ku gaaray inaan Istar ku iraahdo Iska key illow!, maadaama caafimaadkeeda uu wax walba ka weyn yahay haduu dhaqtarka sidaa taagan yahayna ay isaga iska guursato, waa laga yaabaa in dad badan ay ku fekeri lahaayeen inaan qaldanahay, balse wax walba waxaan u sameeyay jaceylka aan ayada u qabay, iyo inaan doonayay inay indhaheeda u wanaagsanaadaan, aniga oo sidaasi go'aan ku qaba, ayaan usoo dhaqaaqay xaafadda Istar, si aan waxa dhacay oo dhan uga sheekeeyo..........

Aniga oo qorshahaasi ku taagan ayaan u dhaqaaqay xaafaddii ay ku nooleyd farxaddii nolosheeda ee Istar, hadaan waxooga socday, ayaa waxaa ila xumaaday qorshaha aan watay, waxaana ii sawirmay in Istar aysan siday dootaba ha ahaatee marnaba aqbali doonin inaan isa seegno, aniguba sidaa ma jecleyn, ee mararka qaar danta ayaa waxaadan rabin kugu qasbeysa inaad sameyso, si kastaba waxaan is tusay in hindisaheega hadaan Istar ula tago uu un fashil ku idlaan doono, markaasaan fekeray, waxaana ii soo baxay qorshe kale oo ahaa inaan Istar waxba u sheegin oo aan inta dhaqtarka u geeyo isaga tago, warqadna u dhaafo si ay dib dambe uga ogaato waxa i qabsaday, sidaasaan is tusay.

Aniga oo arrintaasi ka goos qaadanaya, ayaan ku leexday dukaan markaas ii dhowaa Warqad iyo qalin inta ka iibsaday, ayaan isaga soo baxay kadibna waxaan dib ugu soo dhacay gaarigeyga, intaan meel waxoogaa hoos lahayd ku baakimay, ayaan warqadii qoraal ugu fariistay waxaana u dhigay sidan.

Dear Istar.

Qaalideydii waayahay ay na kala geeyeenee waxaan hawada u dhaxeysa Britain iyo Somalia ku soo marinayaa salaan kalgaceyl tan ugu qiimaha iyo qaayaha badan, oo ay isu diraan dad isku haminayay oo isa seegay.

Intaa kadib Waxaan aad ugu faraxsanahay in aragaaga uu dib usoo laabtay, sida aan filayo oo aad warqaddan aqrineyso, waana wax aan weligey ku haminayay oo aan markan is lee yahay way rumoobeeen.

Marwada Sharafta lahaay, waxaan warqadan qoray maalinkii aniga iyo adiga na isugu kaaya dambeysay, ee aan isla kulano, maalinkii Jaceylkeena uu soo geba geboobay, maalinkii aan go'aan ku gaaray inaan kaa fogaado, aniga oo farxadaada eegaya iyo inaad hesho wax qalbigaaga tabayo ee ah in aragaaga aad dib u hesho.

Lasoco…...