Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2342 |
May 04,2010 Jumaada Al-Awal 20,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xildhibaan Faadumo Ileeye Oo Guurtida Uga Digtay Inay Fara Gelinta Heshiiska Saddexda Xisbi Iyo Komishanka “Anigu Ma Qabo In Laga Hor Yimaado Lixdii Qodob Ee Saddexda Xisbi Kaga Heshiiyeen Khilaafkii Doorashada, Waxaynu Saaranahay Dooni Badweyn Maraysa Oo Labada Dhinac Dabayl Xoogani Kaga Socoto” Xildhibaan Faadumo Ileeye Hargeysa, April 4, 2010 (Haatuf) - Xildhibaan Faadumo Ileeye Jaamac oo ka mid ah haweenayda kaliya ee madiga ku ah golaha guurtida, ayaa usoo jeedisay golahooda inaanay wax faro-galina ku samaynin heshiiska saddexda xisbi qaran iyo komishanka dorashoyinku iskula gaadheen qabsoomida doorashada madaxtooyada, oo golahooda guurtidu wakhtigan xaadirka ah si weyn ugu kala qaybsan yahay mawduuc ku saabsan u yeedhida komishanka doorashooyinka. Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo wargeyska Haatuf shalay xog-waran kala yeeshay fadhigoodii dooda xaasaasiga ahayd ay yeesheen ee lagu kala qaybsamay shalay, oo xildhibaan Faadumo Ileeye wax kaga weydiinay mawduuca golahooda ee ku wajahan u yeedhida komishanka doorashooyinka, ayaa iyada oo ka hadlaysa waxa tidhi “Runtii doodayadu waxay ku saabsanayd hawlahayagii qaran laakiinse waxa ugu muhiimsanayd, xildhibaan C/llaahi Sheekh oo isagu ka hadlay sharciyada iyo doorka ay guurtidu ku leedahay doorashooyinka oo uu tilmaamay in komishanku ay hawlaha kale soo xidhaan, guurtida balse aanay kala soo xidhiidhin laakiinse anigu waxaan jecelahay inaanay doodayadaasi oqon mid xiisad kicisa waayo fidmo hurda ninka toosiyaa isagaa ka masuul ah, nimankan kursiga ku tartamayana waxaan odhan lahaa muddo dheer ayuu dalku ku jiray khilaafaad siyaasadeed iyo muran ku saabsan hirgalinta doorashooyinka, arkaa anigu waxaan ku talin lahaa wixii ay ku heshiiyeen axsaabta siyaasadu iyo komishanku inaan cidina ka hor iman” S: Waxa la sheegay inuu jiro mooshin lagu dalbanayo in komishanku golaha hor yimaadaan oo mudanayaal soo jeediyeen, arinkaana lagu kala qaybsan yahay arrinkaas maxaa ka jira? J: Haa, mudanayaal soo jeediyay in komishanka loo yeedho way jiraan waxayse daba taagan yihiin qodob hore u sharciyoobay oo ay leeyihiin nalama soo hor marinin, mudanayaal kalena waxay soo jeediyeen in hareeraha laga joogsado geedi socodka heshiiska doorashada, aniguse waxaan leeyahay doon baynu saaranahay badweyn maraysa oo labada dhinacba dabaylo xoogani kaga socoto, sidii looga badbaadin lahaana waxa loo baahan yahay in Bisinka laga qabsado, anaguse waxaan soo jeedinayaa inaan laga hor iman heshiiska saddexda xisbi qaran iyo komishanka ay iskula gaadheen doorashada madaxtooyada. S: Sideed u aragtaa go’aanka komishanku ay ku sheegeen in doorashada madaxtooyada ay ku qabanayaan bisha June 2010? J: Anigu runtii waxaan u arkaa in wakhti cidhiidhi ahi jiro, balse wixii dan la mooday ee lagu heshiiyey ma xuma. S: Ma waxaad aaminsan tahay inaan goluhu faro galin heshiiska komishanka iyo saddexda xisbi qaran ee doorashada? J: Anigu waxaan qabaa in saddexda iyo komishanka heshiiskooda lala jaan-qaado. |