Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2345

May 07,2010                                                              Jumaada Al-Awal 23,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Mareykanka: Nin 29 Sano Oo Uu Xidhnaa Dambi Aanu Sameyn

Dalka mareykanka nin 29 sanadood oo uu xidhnaa kadib la ogaaday in uu barii ka yahay danbigii uu u xidhaa mudadaa dheer ee 29 sano ah. ninkaa oo loo xidhay inuu kufsaday gabadh yar oo 11 jir ah magaalada Cleveland kadib markii baadhitaankii DNA du uu cadeeyey inuu falkaa sameeyey xiligaa,

 Jaraa,idka mareykanka ayaa qoray in ninkaa oo magaciisa la yidhaahdo Raymond Taulr oo 52 jir ah in la xidhay 24 /09/1981 iyadoo ninkaa la qabtay kadib markii uu boolisku ku ganaaxay khalad traffic ah oo uu sameeyey iyadoo boolisku markiiba uga shakiyey inuu yahay ninkii gabadhaa yar kufsaday,

 Ninkaa Taular ayaa xabsiga la dhigay xiligaa isagoo ku dooday inuu gurigiisa joogay xiliga gabadhaa la kufsaday isla markaana aanuu ahayn ninkii kufsaday laakiin baadhayaasha sheybaadhka ayaa sheegay inuu Taulr isagu kufsaday gabadhaa yar, Gabadha la kufsaday oo 11 jir ahayd xiligaa ayaa iyada iyo wiil yar oo ay ilma adeer yihiin waxaa baastoolad ku qabtay nin isla markaana ku qasbay inay galaan meel keyn ah halkaana ku kufsaday gabadhaa yar isagoo wiilkiina ku amray inuu dhulka fadhiisto oo aanuu hadal hadii kale uu dili doono labadoodaba,

 Lixdii sanadood ee ugu danbeeyey ayaa arintan lagu sameeyey baadhid aad u weyn iyadoo sheybaadhka magaalada Texas uu cadeeyey in ninkaa khalad lagu xidhay isla markaana uu khalad ahaa baadhitaankii DNA da ee xiligaa laga qaaday ninkaa isagoo shaybaadhka Texas uu sheegay in ninkaasi barii yahay ama aanuu isagu sameyn kufsigaa 29 sanadood oo uu xidhnaa kadib,

 Gabadhii qaadiga maxkamada ahayd ee xukunka ama go’aanka ninkaa lagu sii daayey u akhriyeysay Elaime Gallagher ayaa la sheegayaa inay ilmo ama oohin is hayn kari weyday markii ay ninkaa go,aanka u akhriyeysay maxkamada horteeda iyadoo ka xun khaladka ninkaa lagu xidhay isla markaana lagu dayacay noloshiisii oo dhan.