Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2346

May 09,2010                                                              Jumaada Al-Awal 24,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Iska key Illow!

(Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah)

Xilli ay tahay maqribkii oo kale, baa Asadkii guriga iga soo raadiyay, kadibna waxa uu i weydiiyay waxa igu dhacay, balse anoo ka kor baxaya, waxna u qarinaya, ayaan ku iri "war gabdha, soo taad aragtay inay xishood la hagoogatay, marka waxaan is iri bal sheekada lamaanaha ha qasin", isagii baa hadalka qaatay oo i yiri haddana "nin yahow, waxaanba is iri labadan qof ma horey bay isku garan jireen", "oo sidee baan ku iri?", markaasuu i yiri "horta marka hore waxaan ka yaabay, sida aad u kala xishooteen, tan kalena, markii aad naga soo tagtayba aniga iyo ayada wax wada hadalo qaas ah oo na dhex maray wayba yaraayeen, oo intaas adi bay i kaa weydiineysay, wiilkan yaa waaye, xaguu degan yahay, Xamza, maxaa loogu daraa? iyo su'aalo kale, ayay raaxada igaga celisay?.

Ninkii saxiibkee ahaa ee Asad, naxdintii buuba igu sii kordhiyay, oo waxaan is iri "armuu faalooyinkaaga oo dhan siiyay, oo isagiina wax soo ogaaday', markaasaan ku dhahay "haye ma u sheegtay marka?", "maya" buu igu yiri, waxaana uu ii daba dhigay "adoon kula tashin miyaan wax walba iska sheegaa, sidee kaa noqotay ma jaahil baad i mooday?, kadib ayuu saaxiibkey waxa uu igu yiri "nin yahow tuhunka aan qabo wax ma ka jiraa, oo gabadhan horey miyaad isku garaneyseen?, "maya, weligeenba isma arag oo galabtaaba igugu horeysay" baan ku iri, ", intaa kadib Asad, waxaad mooday inuu wax walba labadeena waji uu ka aqristay, waxaana ka dareemay tuhun aad u weyn, kadibna waxa ii igu yiri "ogow, hadaad wax iga qariso maalin ay ahaataba waan soo saari doonaa", anna waxaan ku dhahay "oo haddayba jiraan waxaan kaa qarinayo soo saar", waa yahay iyo waayahay, baana ku kala tagnay.

Markuu iga tagay, kadib ayaan cabsi dareemay, waxana ogaaa in wax walba uu ku ogaan karo oo kaliya, isaga oo magaceyga oo saddexan iyo xaafadeeda u sheego Istar, kadib ayaan ka fekeray sidii aan uga baaqsan lahaa inaan niyad jab saaxiibkey ku abuuro, waayo hadayba Istar ogaato inaan weli noolahay oo aan wehel la ahay nin kale insayn ogolaaneyn baaa is tusay, waxaana go'aan saday inaan inta uu arooskooda ka dhacayo aan UK isaga maqnaado

Waxaan go'aan ku gaaray inaan aado oo aan inta uu arooska Istar iyo Asad ka dhacayo isaga maqnaado Dalka UK , si aan uga baaqsado inaan caqabad ku noqdo arooskooda, waayo nolosheeda ayaa horey u bur burtay mana jecleyn inaan tan saaxiibkey Asad baa bi'iyo, sidaasi, ayaana go'aan ku gaaray.

Intii aan aniga ku maqnaa qorshaha aan ku qaban qaabaniyay safarkeyga dalka Ingiriiska, ayaa saaxiibkey Asadna, waxa uu ku maqnaa raadinta arrimaha aniga iyo Istar. si kastaba waxaan ku guuleystay in muddo afar maalmood gudahood ah aan ku diyaariyo safarka, waxaana xitaa ka qariyay Asad, waayo waxaan ogaa inay iman doonaan su'aalo badan, uuna sinnaba u ogolaan lahayn.

Subax ay tahay arbaco, khamiisna aan is lee yahay bal dhoof, ayaa saaxiibkey Asad hurdada iga toosiyay xilli ay saacadda sii mareyso sideedii subaxnimo, intaan dhinac isku gediyay ayaan eegay mise waaba Asad, markaasaan inta soo fariistay ku iri "saaka, adigii hurdada saaxiibka u ahaa baaba i toosinayee, maxaa jira?", waxba hadal badan iima gelinee waxa uu warka iigu koobiyay "orod biyo isku soo shub, isna diyaari", "waa yahay" intaan dhahay, ayaan haf kasoo iri sariirta, qubeys iyo is diyaarin kadib ayuu igu yiri "ina keen", waxaana uu ii kaxeeyay oo uu i geeyay gurigooda kadib waxaa na dhex martay sheeko dheer oo u dhacday sidan:-

Asad: horta Xamzow xalay ka hor waxaan kuu heestay saaxiib wanaagsan, laakiin waa kaa hoos baxday, maxaad waxaan oo dhan igaga qarisay?

Aniga: Hee saaxiibow, maxaa dhacay?, maxaan kaa qariyay?

Asad; Waxaad iga qarisay noloshaada dhabta ah iyo wacadaraha aad aduunka kusoo martay

Aniga: oo sidee?, oo hadda miyaadan wax ka ogeyn nolosheeda?

Asad:maxaad igaga qarisay, wixii horey idiin dhex maray adiga iyo Istar Jaamac Dheere, ama haddaan si kale u iraahdo Istarta aan guursan rabo.

Lasoco………..