|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2348 |
May 11,2010 Jumaada Al-Awal 27,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Horta Ma Yari Oo Gaariye Ayaan Laba Sano Ka Yarahay, Mana Wayni Oo Iskeerse Uma Dhawi, Ilbaxna Ma Ihi Laakiin Xasan Ganay Waan Dhaamaa” Muuse Biixi Cabdi Guddoomiye ku xigeenka Kulmiye Hargeysa, May 11, 2010 (Haatuf) – Xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta ugu sareeya ee Xisbiga KULMIYE, ayaa shalay ka dhacday hoolka shirarka ee Cali Maarshaal. Waxa xafladan soo abaabulay Haweenka deegaanada Bulaxaar, Baliga-cas, wado makaahiil iyo hargeysa oo sameeyeen dhoole tuskii ugu waynaa ee haween reer Somaliland ahi u soo bandhigaan xisbi ka mid ah xisbiyada qaranka, waxaana madasha ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna musharaxa madaxwaynaha ee xisbigaas Axmed Maxamed Maxamud Siillaanyo waxaanu hadalka ku bilaabay “Waxaan u mahadnaqayaa hablahan sharafta leh ee soo abaabulay xafladan qiimaha badan ee xamaasadu ka muuqato. Sida runta ah hablahani maaha dad ku soo biiray xisbiga waa taageerayaasha xisbiga waxaana run ah inay si wanaagsan noola shaqeeyeen oo ay muujiyeen dareenka ay ku qabaan xisbiga KULMIYE. Anagu hadaanu xisbiga KULMIYE nahay caam ahaan oo taageeraada maanta halkaa ka muuqata ay muujinaysaa xisbiga KUMIYE waa xisbigii ugu horeeyey ee guddoomiye ku xigeen ka dhigay qof dumar ah marwo Siraad Cali Yuusuf, waxa kale oo ay dumar ka soo baxeen baarlamaanka iyo dawladaha hoose, waad ogaydeen oo waxa kale oo aanu isku daynay in aanu komishanka doorashooyinka u magacawno Ilhaan Maxamed Jaamac oo imika Obama casuumay oo shir kala qayb gashay. Xisbiga KULMIYE ahaan cida aanu culayska ugu wayn saarnaa barnaamikayagana ka muuqataa, kalsooniga ugu badana aanu ku qabnaa waa haweenka iyo dhalinyarada, sida runta ahna dadku maanta kalsoonida uu ku qabo KULMIYE xisbi kale oo uu ku qabaa ma jirto” Waxa isaguna madasha ka hadlay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxaanu hadalkiisii ku bilaabay “hadaan iskaga kiin waramo horta ma yari oo Gaariye ayuun baan laba sano ka yarahay, mana wayni oo Iskeerso uma dhawi, dabeecad ahaana ilbax ma yihi laakiin Xasan Ganay waan dhaamaa Ilbaxna sheegan maayoo Xamarji ku dayan maayo. Dadka hadalka qofba qayb ayuu ka yaqaan tusaale ahaan dadka heesa, dadka gabya hadalka qofba meel buu ka galaa, tusaalaan idiin siinayaa ninka Xasan Ganey la yidhaa aad buu u gabyaa, waxa uu ka gabyaana waa miyi, geed, roob iyo waxaanay garanayn reer magaalku, maanta oo dhan haduu gabyo, waxa aqalka reer magaalka yaala garan maayo, laakiin Faysal Cumar Mushteeg wixiisa oo dhami waa wada reer magaal waxa uu yaqaanaana waa wada alaab reer magaal”. Waxa isna madasha ka hadlay xoghayaha dhaqaalaha ee xisbiga KULMIYE Maxamed Cabdi Iskeerso waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Hablahan badan ee aynu wada arkayno waa xisbigeena dad inagu soo biirayna maaha, waxaanay diyaar u yihiin inay inala shaqeeyaan oo ay inala dardar galiyaan hawsha xisbiga, waxa run ah oo marag ma doon ah in maanta xisbiga KULMIYE yahay xisbiga ugu lexejeclada badan dalka, waynu ognahay xukuumada maanta jirta in ay nabadii ilaahay ka sokow ummadani samaysatay ay burburinayaan oo ay xabado rideen oo ay dadka laynayaan, oo ay meel walba taayiro ku gubayaan, waxaynu ognahay inay wadaan khilaafyo ay ku carqaladaynayaan hawlaha diwaangalinta. Waxaan halkan mahadnaq uga jeedinayaa hablahan soo abaabulay xafladan balaadhan, waxaanan idiinku hambalyeynayaa sharaf iyo gobonimada aad muujiseen”. Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex Mujaahid Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarji) ayaa isna xafladaa ka hadlay waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “waxa la inooga baahan yahay inaad inaga ilaalisaan in yidhaa deegaanadaa way isku dhawyihiin sadexda xisbi qaran waa in galin horeba galin hore la kala baxo oo xisbigeena KULMIYE la arkaa taageerada iyo kalsoonida aynu u hayno. Waxaanan idinku guubaabinayaa inaad abaabulka halkaa ka sii wadaan oo kaadh bixinta bishan 14-keeda bilaabaya aad si nabad ah uga qayb qaadataan dhamaantiin. Mida kale waa in bishaa dhexda suunka ku adkaysanaa, waana in socod iyo gaajo lagu kaambayn gareeyo oo geed hoostii loo galo, waxani waa qadiyadii ummada Siilaanyo looma danaynayo, Saylici looma danaynayo, Xamarji looma danaynayo, waxa loo danaynayaa waa dalkeena, ubadkeena iyo nolosheena”. Waxa isna hadalkooban ka jeediyey xoghayaha xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige waxaana yidhi “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa hablaha soo abaabulay xafladan quruxda badan, xisbiga KULMIYE waynu wada ognahay waxa kaalinta ugu wayn kaga jira haweenka, waxa aynu dhawaan galaynaa doorasho waxa ka soo horeeya kaadh badalidii markaa waxaan idinkula dardaarmayaa laba arimood mida koobaad waa in kaadhadhkiinii hore badashaan oo aad qaadataan kaadhadhka cusub, ta labaadna waa in aydaan u kala hadhin oo aad ololaysaan”. Waxa kale oo xaladaa hadal kooban ka jeediyey maayar ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Cabdi Fadal waxaanu yidhi “Waxa farxad wayn ii ah inaan munaasibadan qiimaha iyo qaayaha badan inaan ka soo qayb galo, waxaanan aad ugu hambalyeynayaa haweenka soo abaabulay munaasibadan qiimaha badan. Runtii maanta marxalada aynu marayno waa marxalad aad u xasaasi ah, waa cod bixitii iyo kaadh badalaadii, anigu xisbigaan ka soo baxay laakiin waxaan hayaa xil qaran oo kitaab baan gacanta saaray, markaa dhamaanteen waxa la inooga baahan yahay cadaalad iyo inaynu nabad galyada wada ilaashano”. Waxa kale oo iyagu ka hadlay munaasibadaa Guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex ee garabka haweenka Marwo Layla Cismaan, Sucaad C/laahi, Deeqa Xaashi Ducaale oo dhamaantood ka wada dheeraaaday sidii doorashada looga wada qayb qaadan lahaa, nadabadana loo wada ilaashan lahaa. |