Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2349

May 12,2010                                                              Jumaada Al-Awal 28,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

DALJIRE: “Waqtigaa Ordaya Wareegtaaban Ku Joojay......”

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal  duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha.  Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna  inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Si wanaagsan baynu Madaxweynaha Qaranaka Mudane Dahir Rayaale Kaahin u soo dhoweynaynaa. Sacabka tuma.

Doolaal:Waaryee. Waar maxaad u jeeddaa waa ninka? Awalba soomaad dhoweyn jirine maxaad maanta u jeeddaa?

Dubbe:Bal waakaase sina ha lagaaga nabad galo. Hadaba dhankaanuu kuu raacnaa. Soo dhoweyn ma oggolid, soo dhoweyn la,aan ma oggolid. Yaab!

Doolaal: “Timir laf baa ku jirta” ayaa la yidhi. Muraadkaaga sheego ninyow soo dhoweyn layne.

Dubbe:Horta madaxweynaha waan soo dhoweynayaa. Safarkiisu waa intii caadiga ahayd ee albaab baab soo garaaca. Al baabadii dalkoo dhan buu xidhay mid aynaan arkayn buu ina leeyahahy waan soo garaacay. Waar horta kuwan aad wada arjuntay ee aad dalkii jeel weyn ka dhigtay naga fur fur.

Doolaal: Maxaan sheegayay. Haye. Waakaase eeg.

Dubbe:Horta maanta laba kelmadood uu yidhi waan ka mafsuuday. Allah ninku ninkaan aqaanay ahaa. Wuxuu yidhi. “amiirka Imaaraad Carabta la sii kulan baan is lahaa ee dalkuu ka maqnaa.” Weligiin miyaa aragteen Madaxweyne dal booqasho ku taga oo yidhaahda Madaxweynihii kale ee aan is lahaa la kulan baan  ayaan soo waayay. Waa Daahir Raayle. Waa yaabe hadduu ninkiina soo waayay wasiirkii Boosahuna ka lumay maxaa dan ah ee uu inoo soo qabtay? Ninkaasi Waa ninka haddana doorasho doonaya ee raba inuu sided sanadood kale kolba yidhaahdo Madaxweynihii aan u tegey baan soo waayay. Ta kale wuxuu yidhi. “waqtigii ay ii keenaan Komishanku ee ay ii soo gudbiyaan waan saxeexayaa. Taasi marmarsiiyo dambe shayn maayo.” Hadalkaasi muxuu idiinla egyahay? Miyaanu qiraal ahayn inuu weligiiba ka marmarsoonayay doorashada?

Doolaal:Wax cusub maaha inaydin hoos u dhigtaan guusha wax ku oolka ah ee Madaxweynuhu soo gaadho. Iska wada “caadaadiin ee ceebtiin maaha eh.”

Dubbe:waayahay ee isaga inagaba dayo khabiirkiisii Cawil ayuu nin iiga sheekeeyay sida uu Ina Rayaale wax uga dhaadhiciyo. Waa Cawil oo wuxuu ku shaqaystaa arbush badow. Faan yar. Amaan yar oo uu qofka kale yar amaano oo been ah. Mnaafaqad yar. Been yar oo hebel baan arkay iyo anigoo hebel la fadhiya. Believe you me, waa runtay. Waakan isagoo ina Rayaale ka dhaadhicinaya in wagtiga gebigiisaba la joojiyo  oo aanu halkaa dhaafin.

Rayaale: Yaakhii waqtigii baan la colloobay. Wuu ordayaa uun. Weliba ta yare e sikinada sheegta ayaan aad ula sii collooaby...tig tig tig tig tig taasuumbay haysaa. Xaggee baas ee ay ku ordi?

Cawil. Believe you me keligaa maaha. Xalay baan nin u sheegayay. Runtii inaanu buug ka wada qorno baaban doonayay. Waqtigii  orodkiisii sidaas ayaa loola wada colloobay. Sannadkii wuu dhamaaday, miisaaaniyaddee keen. Muddadii way dhamaatay kordhiyaay. Korodhsiimadii way dhamaatay doorasho qabtaay. Wax la yeelo la garanmaayo.

Rayaale: markaa maxaa qorshe ah? Maxaan yeelnaa deed?

Cawil: Believe you me anaa qorshihii haya.Waqtigaba waynu joojinaynaa?

Rayaale: Sidee nacamtii?

Cawil:Wareegto aynu soo saaraynaa saacadaha aynu dalka ka mamnuucaynaa. Wax waqti la yidhaa cid sheegi kartaa ma jirto ayaynu odhnaynaa. Believe you me.

Rayaale: Ma garan?

Cawil: Horta ma taqaana  waqtiga waxa Af |Ingriisida la yidhaahdaa time. Aan kuu sheego. Markii aan safiirka ahaa ka dib waanigii jaamacadda Nairobi professor ka noqday intii aanan ka tegin ee aanan USAID  aanan wakiilka uga noqon Bariga Africa ayaan nin gaal ah oo aanu saaxiib ahayn, believe you me, aan ku  idhi horta maan buug ka wada qorno waxan la yidhaahdo time. Time markaad ka hadlayso, believe you me waa wax adag. Khibrad iyo aqoon dheeraada ayu u baahan yahay. Nin safiir u ahaa Norway oo aanu Nairobi ku kulanay habeen, ayaan arrintaa lafteeda la soo qaaday, believe you me, ninkii wuxuu yidhi aan buug ka wada qorno. Waxaan idhi......

Rayaale: Allah ninku cilmi weynaa. Marka time muxuu noqday dee?

Cawil: markii aanu inqilaabkii dhignay ayaan Xasan kayd(ahn) ku idhi aan buug wada qorno. Cilmiga ciidamada ama Milatariga waxakan Time ka la yidhaadaa waa nooc gooniya. Believe you me, wuxuu ka bilaabmaa 00:00 wuxuu ku dhamaadaa 24:00. cid kale sidaa uma taqaan. Qolyahan yaryar ma in si wanaagsan wax loo baray baad moodaysaa? Markii aan jaamacadda ciidamada ee Sandhurst ku jiray ayaa ninkii taliyaha noo ahaa ayaanu meel  isugu soo galnay. Waxaan idhi inaynu buug wada qorno ayaan doonayaa ciidamada ku saabsan. Believe you me, ninkii siduu arrinkii ula dhacay. Waagii dambe ayaan......

Rayaale:Inna wax dawadii madaxwareerka ah ma haysaa?

Cawil:Sug. Axmed yare ayaan u sheegayaa. Waagii ....horta markii hore culuunta dhakhtarnimada ee Dentist loo yaqaan ayaan baro is lahaa, inkasta oo uu axmed Siilaanyo yidhi waxay ahayd Oral Hygiene ama kuwa dadka u cadaya ee huurada ka biiya itaanay dhakhtarka ilkaha arag. Arrintaa aad baan uga xumaaday. Axmed siilaanyo saaxiib baanu nahay. Madaxweyne waa nin u qalma hadduu helo waan la shaqaynayaa, believe you me, aan buug siyaasada Somaliland ka wada qorno ayaan ku idhi..... berigaa haddaan dhamaysan lahaa jaamacadda ilkaha oo aanan Time ka iskaga lumin ciidanka, iminka ilkahaa aad Germany la tegeyso maad la tagteen. Believe you me,anigaa dhag ka siin lahaa. Time and tide wait for no man. Believe you me.

Rayaale: Axmed Siilaanyo Madaxweyne maahin. Anigaa madaxweyne ah. iminka sidee baynu waqtigii u joojinaynaa dee? Intii iminka aad hadlaysay isna wuu roorrayaa uune.

Cawil:Waa runtaa Madaxweyne.Wareegto ayaynu soo saaraynaa dadkaba saacadaha ayaynu ka mamnuucaynaa. Nabadgelyada ayaa ku jirta aynu leenahy. Nabadda ma cid baa ka hor imanaysa?

Rayaale:Sidee baan u qoraynaa dee? Dadku may iska keen aqbali uun?

Cawil: believe you me, cid ka hor imanaysaa ma jirto. Waxakan hadeer in badan baan ku soo jiray. Raila Odinga , Ra’iisal Wasaaraha Kenya ayaan  maalin dhoweyd oo uu i casuumay baan ku idhi. Aabaha Odinga Odinga ayaanu beri ku heshiinay inaanu buug ka wada qorno Kikuuyada...

Rayaale: U soo noqo xaggii Time ka. Time is important.

Cawil: dhegeyso. Horta waxakan wax badan baan ku soo jiray. Isaaq afartiisa beelood ee waaweyn intaynaan dhex gelin horta dhawr qof ayaynu midba meel ka hadal odhanaynaa. Suldaan Xiiray waxaynu odhanaynaa waxaad tidhaahdaa bahalkii waqti ahaa waa qaldan yahay. Gu’gii iyo  jiilaalkii iyo dayrtii iyo xagaagiiba sanka ayuumbay mar qudha inaga soo wada gelayaan arintaasina Komishanka uma fiicna adhigana uma fiicna oo goor idihii sumalka lagu daro iyo goor laga reebo midna garan weynay. Markaa waa in waqtiga la joojiyaa. Dad yahow nabaddiina ilaashada. Xaaji Cabdi Waraabe, Ilaahay Cimrigiisa ha  raajee, wuxuu odhanayaa. Waar anagaa waqtigu wuxuu galo iyo wuxu gudo naqaan. Waqtiga iminka kii hore oo kale maaha. Barako ma leh. Dadku iminkay berigii hore ka cunto badan yihiin haddana barako ma leh. Iminkay ka diin badan yihiin oo masaajid badan yihiin haddana barako ma leh. Dharku dharkii hore maaha. Raggu raggii hore maaha. Madaxdu madaxdii hore maaha. Waar hoy aflagaadada iska daaya oo waxba waqtiga ha ku degdegina. Markaa degdegtaanba Aakhiro ayuumbaydu ku degdegaysaan.Axamd Siiraanyo waxaan leeyahay. Dalka haddaad qabsato sidaas ayuumbaanu u odhan waqtiga ha ku dedejinina. Markii hore anagaa kaa hiilinay.... Ina Cabdi Xaabsade isna shir jaraa’id buu qaban oo wuxuu odhan. “Kufurtu billaahi inaanaan u yeelin. Ma shaygakan waqtiga la yiraahdo oon si fiican nalooka dhaadhicin qaybtaydiina naloo dhamays tiring ayuu iska soconayaa. Anako haddeerba ha la joojiyo ayaanu leenanahay. Bartaa uu marayo a ku istaago. Puntland ha noolaato. Waxaan u jeedaa Somalia ha noolaato. Waar ba’a oo ma fallahay aan? Waxaan u jeedaa Somaliland ha noolaato.”

Rayaale:haye, haye, haye. Waa war fiincane. Soco.

Cawil. Dabadeed Afartii dhugufaar ee ku dhufte iyo ka dhufeyaasha ahaa  iyo afartii dhanka Guurti ee dhuuni raaca ahaa ee dhiig sokeeye ku naax, baan  dhaqdhaqaajinyaa ilkahaa ka dhacaayoo miciyii dhumucaystiyo dhoolahaa ruxmanaayo waa inay dhababaanoo xinjir  dhooban cunaanoo afka ay ku dhuftaanoo,dhidibkaw qotonshaane,  Xildhibaanada Dheeg, Gacankii  ma dherge ee dhuunta geela lahaa,  qodinkaa badhku dhuuntay  ee dhakaduun la arkaayo, Cabdilaahi dhadhaar,iyo gadhka dhoobo ku duuge Boobahaa dhukusaaya marna beenta ku dhaarta aan ka dhawaajiyo qaaroo dhaameelkii u ruxee, kuwaasaan  hadlaya oo odhanaya “Umadda waxaanu u sheegaynaa   Waqtiga waxan la yidhaahdo mooshin baan ku soo dhigaynaa. Gebigiisaba naga joojiya ayaanu leenahay Distoorka ma waafgaqsana. Waa qayrul distoori.” Dabadeed Siciid Sulub iyo wuxuu cago ku qaato ayaan Burco u dirayaa iyo Oodweyne wuxuu odhanayaa shaygii Waqtiga la odhan jiray sirtiisii baanu helnay. Ciidamadii sirdoonka ayaanu u dirnay. Lacag badan baanu ku bixinay. Tii waddada Oodweyne aanu ugu talo galnay baanu ku bixinay. Bahalkii waqti ahaa la ogaa oo Habar Jeclo ayaa leh. Gebigiisaba ha laynaga joojiyo oo xukuumaddu amar ha ka soo saarto. Ma Habar Jeclo oo Dahabshiil leh,Shirkadaha Alxarbi  iyo Indho Deerona leh ayaa waqtina inagu helaysa.Habar Yoonis dambe meel ay maray la arki maayo. Arabna waxaynu odhanaynaa waqtigii Habar Awal baa leh. Waxaas oo saacad yar yar jag jag jagt haysa iyakaa inaga iibiyay.waxaan cimri deg deg ahayn kuma qabno lacagtiina iyakaa qaadanaya. Wagtiga ha laynaga joojiyo.Habar Awalna waxaynu leenahay Isaaq waxba idiinma ogola  saacadahaa aydin iibinisaysaan iyo ganacsigiina ayay diiddan yihiin. Waqtiba haw waayaan xaasidnimada ee waqtigaba waanu joojinaynaa.  Ceergaabana gaadhiga Cabdiraxmaan Ducaale iyo waxoogaa lacag iyo dhagxaan isugu jira ayaynu u diraynaa maayarka iyo Tallaabo. Waxaynu leenahay Kufurtu billaahi hadday saacad qudhi noolaato waa waxaanan laag idinka tuurayn. Ma ceerigaabo ayay Habar Jeclo saacado ku xidhin misna magaalada joogi?

Samarroon maxaad adigu odhanaysaa madaxweyne?

Rayaale:Maxaan odhan lahaa dee miyaad iisheegtid adigaa khabiir ahe.

Cawil: Mayee madaxweyne berigii aad reer Nuurka ii dirtay buu arrinku naga yar xumaaday ee adigu isku day illayn cilmigii waad haysaaye. Believe you me, you can do it.

Rayaale:Dee anna kolka Makayl Dheere ayaan u tagi oon odhan. Heey. Waqtigani baas ee inaga roori uun sirtiisii baan hellay oo Maxed Case iyo Habar Cafaan baa sidii lo’ aroor ah dabada ka wadda uun. Gebigiisaba waan joojinaynaa. Haye. Bal markaa waan is arkaynaa waxay sameeyaan. Haw Badhisaabkii Maxamed Sh.Cabdilaahi ma joogo Boorame. Waan isku naala Maxed Casaha iyo Habar Cafaanta.

Cawil:Wareegtadii oo qorani waatan Madaxweyne:

Markaan eegay waqtigan daf uun na soo odhanaya anakoon farba weli muudsan. Markaan eegay saacadahan meel walba ka shanqadhaya ee laga seexankari waayay. Markaan eegay Mucaaradkan doorasho ha la qabto uun leh waqtigii baa dhamadaye. Markaan  eegay waxoogaaga weli kala yar laalan een xisaabtii ku dhicin. Markaan eegay dawladaha jaarka oon waqtiba ku socon. Anigoo waafijinaya qodobka keliya ee xeerka Believe you me waxaan go’aamiyay in waqtigu maanta laga bilaabo taagan yahay. In wixii saacado ah, kuwa masaajidadana ku dhehoo la jejebiyo. Cidii Kulmiye ah ee saacad lagu qabto waa in la shiidaa. Dadka kale waa in CID da looga yeedhaa. Arrintaa Komishanku fiiro gaar ah haw yeeshaan.

Rayaale:Aan soo Akhriyo caawa.

Cawil: “xataa anaa yaa Hamaan?” Believe you Madaxweyne Koobigeedii  Saaka ayaan Wasiirka Macdanta ugu dhiibay. Ha ka werwerin ee saxeex waa oggole.

Rayaale:kkkk. Horta “Quluubal caarifiin lahaa cuyuun.” Baad tahay. Khayr baad sheegtaye keen. Qalin ma haysaa?

Waa inoo qoraalka xiga, haddii Eebbe idmo.

Geeljire