Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2349 |
May 12,2010 Jumaada Al-Awal 28,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Iska key Illow! (Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah) Aniga iyo Asad, ayaa maalin ballanay si aan ugu tagno Istar, oo wax walba loogu sheego. maalintii ballanta oo ahayd Jimce, ayaa marti qaad balaaran waxaa lagu sameeyay guriga Istar. markii la isku yimid oo saddexdeena aan qol ku kullanay, ayaa cabitaan kadib waxaa sheekadii furay Asad, oo yiri "Istarey, waxaad igaga warantaa Xamza, sida uu noloshaada ku ahaa, iyo hadaad hesho wax aad dareemi lahayd", intay wejiga hoos aadisay, ayay cod daciif ah ku tiri "Asadow, ma murugadeeda ayaad iska jeceshahay, maxaad qisadaas ii xusuusineysaa", Asad ayaa isaga oo ka farxinaya yiri dabadeed, "murugadaada ma jecliyee, maanta farxadaada ayaan wadaa" "hee, Xamza maad soo aragtay" ayay lasoo booday, markaasuu inta qosol la dhacay yiri "haa waan arkaa Xamza, adna wada aragtaa", 'maxaad ka wadaa" ayay haddana tiri, markaasuu inta warka shaaca ka qaaday ku yiri "Istar, Xamzaha ku hor fadhiya, waa Xamzahaaga oo dib kuugu soo noqday". intaa kadib ayaan aniga hadalka qaatay bal si aan u iraahdo erayo ay igu garaneysay, misna codkeyga aan u fahamsiiyo anoo dhahahaya "haye quruxleyda, Xamza waa aniga, waana kuusoo laabtay". markii ay intaas maqashay ayay durbaba garatay, inaan ahay qaaligeedii, kadibna intay fadhiga si deg deg ah uga soo kacday ayay isku key duubtay. qiyaastii in ka badan 30 daqiiqo, ayay sidaasi iigu duubneyd, ayada oo ilmeyneysa, waxa kaliya ee afkeeda kasoo baxayayna ay ahaayeen, "Maxaad igaga fogaatay, xabiibi", anan waxaan lahaa "wax walba way qornaayeen inaan isku soo laabanana way qorneyd". Intaa kadib waxaa halkaasi aniga iyo ayada nagu dhex martay sheeko aad u dheer, oo aan isaga warameynay wixii dhacay, wax walba waan ka raali geliyay, waxaana saamaxaadeeda gacan ka geysanayay Asad, oo sidoo kale ugu bishaareeyay Istar in isaga uu ka tanaasualy arooska, oo jaceylkii kala irdhoobay uu dib isugu ogolaanayo. warkaasi wuxuu noqday mid farxad ku beeray qalbiga Istar oo ay aad ugu riyaaqday. Istar ayaa sidoo kale ii sheegtay in arooskii dhaqtarka ee qasabka ahaa oo cideeda ay wax la wadeen uu ku baaqday, markii isaga uu safar deg deg ah ugu baxay dalka Jarmalka oo uu degenaa, kadibna aan miriqdiisa la arag. waxa ay ahaataba maalinkaasi waxa uu ahaa maalinkii farxadda Istar iyo aniga. Istar wax ay mar walba igu soo cel celineysay, hal weer oo ahayd "Gacaliye mar dambe ha iga fogaan", anna waxaan lahaa "taas waa ballan ee niyadda kheyr u sheeg". Waxa uu kullankeena ku dhaamday si guul iyo farxad ah, mar ay tahay casir gaabkii ayaan guriga kasoo baxnay, Aniga iyo Asad, waxaanse aad ula yaabay oo aan ka naxay, mar alaale markii aan albaabka kasoo baxeynay, ayaan waxaan la kulanay gaari albaabka markaas soo istaagay, waxaana kasoo degay saddex nin. si fiican ayaan u eegay, waxaana ka aqoonsaday dhaqtarkii Istar daweeyay. waxay igu noqotay arrin lama filaan ah, markii aan gartay ayaan wejige dhinac kale aadiyay si uusan ii aqoonsan, kadibna sadexdii ninba guriga Istar ayay galeen, ani iyo Asadna waan iska soo tagnay, waxaan is weydiiyay wax dhaqtarka soo celiyay, marbay igu noqotay wax u eg dhalanteed, oo aan is iri waa indhahaaga, haddana waan xaqiijiyay in indhaheyga aysan been ii sheegeynin, aniga oo aad u fekeraya ayaan aniga iyo Asad iska soo tagnay Lasoco……. |