Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2353

May 17,2010                                                             Jumaada Al-Thaani 03,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Kooxda Abu-Site Oo U Gudubtay Ciyaarta Kama Dambaysta Tartanka Joojinta Tahriibka Ee SOHASCO

Kooxda kubada cagta ee Abu-site, ayaa u soo baxday ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka joojinta xannuunka HIV/AIDS ka iyo tahriibka, kadib markii ay gool-ku-laad kaga badiyeen kooxda Somaliland Space Channel (SLSC).

Ciyaartan oo ahayd tii ugu horaysay Semi-finalka la qabto, ayaa waxay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee dugsiga H/Dhexe Gacma-dheere, iyada oo ku bilaabantay inay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad iyo aad u qurux badan oo aad u soo jiidatay dadkii daawanayey, waxaanay ahayd mid ay koox waliba ku dedaalaysay sidii ay goolal u dhallin lahayd.

Si kastaba ahaatee, daqiiqadii 12 ayaa gool ay ku hormartay kooxda Abu-site oo uu u dhalliyey laacibkooda uga ciyaara dhinaca difaaca ee Guuleed Ismaaciil, balse naadiga SLSC oo dedaal dheeraad ah la yimaaddeen way u suurtoobi waday inay dhalliyaan goolka barbaraha, qaybtii hore ee ciyaartuna waxay lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaaminay kooxda Abu-site.

Markii la iskugu soo noqday ciyaarta qaybteedii dambe kooxda SLSC waxay soo bandhigtay ciyaar weerer iyo weerar celis ah, waxaanay guud ahaanba la wareegeen maamulka ciyaarta, laakiin umay suurtogalin inay wax goolal ah la yimaaddaan ilaa iyo daqiiqadii 17 ee qaybta dambe ee ciyaarta, markaasi gool layaab badan uu u dhaliyey difaacyahankooda Idiris Dheere.

Ugu dambeyntii ciyaarta waxay ku dhammaantay 1 & 1, iyada oo labada kooxoodba loo dhigay gool-ku-laad guushu ku raacday 3 & 2, sidaasi ayaanay kooxda Abusite ugu  gudubtay ciyaarta kama dambaysta ah.

Kooxda Abu-site waxay sugi doonaan labada kooxood ee Morny-Milk iyo Goljano Group oo maanta wada ciyaari doona, hadba naadiga soo baxa.

Tartankan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka waddaniga ah ee SOHASCO waxa loogu talogalay sidii dhallinyarta looga wacyigalin lahaa khatarta ay leeyihiin cudurka HIV/AIDS ku iyo tahriibka iyo in qofku uu ku safro meel aannu ka haysan wax sawir ah oo uu ka garan karo dhibaatada kaga imankarta.