|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2357 |
May 21,2010 Jumaada Al-Thaani 07,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Oo Bidhaamiyay Jidka Loo Marayo Ictiraaf Somaliland Ka Hesho Caalamka, Kuna Amaanay Dimuqraadiyada Ka Jirta “Madax-banaanida Way Qabaan Oo Taladooda Way U Madaxbanaan Yihiin Dawladdoodii Way Maamulaan, Baarlamaankoodii Wuu Jiraa, Guurtidoodii Way Jirtaa, Taas Haddal Kama Joogo” “Taasina Waxa Weeyaan Asluubtii La Yaqaano Adduunku Waxa Ay Tahay In Dadkii Kolkii Hore Isku Biiray Inay Wada Hadlaan Oo Ay Kala Baxaan” Ismaaciil C. Geele Washington, May 21, 2010 (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Somaliland ku amaanay hanaanka Dimuqraadiyada iyo doorashooyinka ay in muddo ahba ku soo dhaqmayeen, kaas oo sheegay in aanay wax cusub ahayn in Somaliland Doroasho ka dhacdo, balse hore loo soo harkay siddii wanaagsanayd ee ay uga qabsoomeen doorshooyinkii hore. Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waxa uu sheegay inuu isagu u arko dad iyo masuuliyiin niyad wanaagsan, isla markaana waxa uu ku amaanay haddii uu khilaaf ku yimaado sida wadahadalka ah ee ay ku xaliyaan. Ismaaciil Cumar Geele Waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiinta Somaliland ay yihiin dad dadkooda iyo dalkooda maamulay oo dhibaatana iska dheereeyey. Madaxaweyne Ismaaciil Cumar Geele waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu waraysi Siiyey idaacadda BBC-da laanta Afka Somalia Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan:- “Somaliland Waxaan u arkaa dad niyad qaba, ma suuliyadoodiina qaaday, dadkoodiina maamulay, dhibaatana iska dheereeyey, khilaaf haddii uu yimaadana wada hadal ku xalinaya, is bedela nina ka baxa nina soo gala, waana in tilmaan laga qaato, Soomaalidiina tilmaan kamay qaadan. Dhibaatada walalahood ayay iyaguna daraadood dhibaato kale galeen aanay helin gargaar iyo wax gurmad ah, dhibaatadaasina way taalaa”. Mdaxweyne ismaaciil Cumar Geele mar uu ka hadlayey wada hadal ay yeeshaan Somaliland iyo Somalia ayaa waxa uu yidhi “Wada hadalkood iyo inay isku imanayaan iyo haddii ay kala noqonayaan hawl iyaga u taala weeyaan, doorashooyin madaxtooyo way dhici jireen, markii u horaysay maaha markaa waxa imika jadiid ah. Markaa madax banaan way qabaan oo taladooda way u madaxbanaan yihiin dawladdoodii way maamulaan, Baarlamaankoodii wuu jiraa, guurtidoodii way jirtaa, taas haddal kama joogo imika ee waxa weeyaan Ictiraaf duwaliya weeyaan waxa meesha ka maqan “Sawmaaha”, taasina waxa weeyaan asluubta la yaqaano ee adduunku waxa ay tahay in dadkii kolkii hore isku biiray inay wada hadlaan oo ay kala baxaan, weeyaan process-ku. sidaa weeyaan, anigu ma lihi ee dunidaa sidaa leh”.ayuu yidhi madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele. |