Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2359 |
May 24,2010 Jumaada Al-Thaani 10,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Dhulgariir Gabay Abwaan Maxamed Ibraahi (Hadraawi) Axmedow nin dheeraad sitoo dhiibsan baad tahay Tukalaad u dhaaftaa kolkaad dhaliso tii roone Dhalintii caleemaha lahayd waygu dheertahay Dhawr iyo shan dhawr iyo haddana dahwrarba jiraa Haddaan beegsi kala soo dhexbaxay, tooda meel dhigay Labadii dhallaanimo lahayd ways dhar urisaa Berberaawi dhuub iyo ka dhuub waysu dhurannaa Ilhaamay dhiggaagiyo hablaha dhuude falanqee Hadduu dhaguxu kala hayb tirsado dheemman baad tahay Suugaantu waa dhaqan haddana waa sud iyo dhiib Dhidib iyo lud bay leedihiyo dhaabad iyo meel Dhuuxuu ka eegaa ninkii dhilan yaqaanaaye Qofba waa dhankuu ka arko iyo meesha uu dhigo Dadka dhiiri iyo qawl sanbaa lagu dhacsiiyaa Sida loo dhahaabu khalqigu ugu dhegtaagaa Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo sheel Sida dhuuni qaataha murtida looma dheehtiro Dhiidhiga nin laasimay hadduu dheegto waa halis Dheeldheelligaa laga jiraa waa la dherersha Dhexrooriyo waxa lagu hojaa weliba dhaad dhaad Dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumucweyn. Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidhehbaa dilay Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi Iyagaa dharaarba intaan dhaafay sii odhan Gabaygani dhambaal buu sidaa waayo soo dhaxay Dhulgariirna waa kii la baxay dhalashadiisii Dhawdhawda qaadkiyo ka culus dhaan wadaa yidhi Kana dheer is yeelyeelka iyo ii dheh iyo faan Qof dhabcaala mooyee nin kale waw dhadhamayaa Xaajada halkaasaan dhigoo dhaabad baw dihin In la sii dhaqaajay rabtaa dhaygag badanley Oo loola dhaadhaco halkay dhuux ka leedahay Waxaa lumay dhudhumintii runtiyo dheeli tirihii Inta samaha dhuxulayn kartaa waa dhif iyo kow Dhalool bay isugu biirtay iyo tii dharjo ahayd Dhulka wuu ku soo badanayaa baal ku dhooruhu Dhan-xiiradu haddii ay maqlaan ways dhufanayaan Sinnaantay dhaliil moodayaan tii ilaah dhigay Dhinacay ka joogaan sharciga waa dhis foorara Marka ay dhanaaniga gashiyo dhiibta kala guurka Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro dhacart jiilaal Dhirin-dhirintu waa shay sanoo lagu dhabriiraa Hal dhabaalahaa awgaayow tii dhamayd geliye Hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataa Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan. Laan dharab ka toostiyo hibooy dhool cas baad tahay Dhalankaagu waa luulka iyo dhirahay yaaquu Malaa roob la dhaca waad taqaan dhiinka jookha leh Dhalankiisa shaygaa gobta ah waad u dhigantaaye Dhibic iyo cadceed looshan iyo dheel gu’baad tahay Qurux iyo dheg baad leedihiyo dhaabad iyo sees, Dherer iyo laf baad leedihiyo dhaygag iyo yaab Dhebi heeg u baxay baad ka tahay dhoobo jiifyada Dhul fog baad ka laacdaa sidii dheenta laalida Ruuxii ku dhawraa si buu kuugu dhegayaa Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo misaan Dhiidhiibsigaagiyo haddana dhuda wanaagaaga Dheehaaga maahee shishaad dhuux u leedahaye, Dhulka lagama soo qodin dadkee aadan baa dhalay Adiga iyo hablaa dhinaca kale waysu dhigantaan Dhud qudhaa ka wadda beeranteen dhaadashada guud Dhab-dhab baad ku kala leexateen adiyo joog-dheer Dhawaweylanka waxa kuugu wacan amase dhoohnaanta Dhab-darrooyinkoodaa qalbigu dhaawac dumayaa Dhimir bay ku sareen dabool baali kaa dhigay Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday dhabannadaadiiye Dhaqaaq joogsiggaagiyo wejiga dhaxanta saar-saaran Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacay Intaad adigu dhiilaysan tahay taydu waa dhicis. Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan. Dhaf dhaf iyo hal hays beena baa soo dhab dhabateene Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo dhoohan may cunin Dhamaas lagu takooriyo ma jirin caado dhaaf kale Dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigay Dhaqankaas canbaarayanayaa saaray dhiillada Labadii hiyiga dheehi jirey way ka dheertahay Weligood dhibaadada aduun looma soo dhixin Dhaan dhaano maahee kashaa dhooli dmood tahaye Intii aad dhisnaydeen iyagu waa dhur sugayeen Dhufaannimo hagooglay intaas kula dhex joogeene Dharaar uun in waa kale beryey dhawrayeen abide Dhegahay intaas la hadlayeen waa dhab may odhan Dhibaatadana way eegayeen dhaayihii jirey Cishaday dhanaan tahay haddii laysu dholol fayto Dhab u dirirka waa lagu yiqiin dhaanto iyo shiishe Ragg hadduu dhabiiltamo naftay dhigi yqiineene In kastuu xiniin dhaafyuhuu dhiirinimo sheegto Mar haddaan dhalliil lagu gudbayn dhgalsho mooyaane Dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigay, Dhar-dhaarray ahaayeen intaa dheri lahaydeene Dhaddig iyo labkoodaa ka kale dhinacyo taagnaaye La soco……... Ninka ay dhisaan baan isagu tooda dhaydhayin Gudmahay dhabeeyeen ka badan lag iyo dheeraade Hadday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane Dhaxalkiisa may soo xarayn dhogorta xoolaaye Weligood dhalaal subag ah iyo dhaashi may heline Dhay iyo karuur labada wel dhoosha may geline Hadday dhami lahaayeen miduun dhiilba may tolanne Dhegahooda maag baa qabsaday shayna may dhimine Sibaa loo dhaliilaa haddana ruuxna may dhibine Dhuyaal iyo kudaal bay damceen dhiigna may galine Dhulka waa ka sii guuraayaan ruuxna may dhicine Dhoof bay ku daasteen inay sibiq dhaqaaqaane Dhalashada nay dooriyaan bay u dhowdahay Dhagar inay galaan bay damceen dhaarse may marine Dhaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligii Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan. Godka dhidarka beelaha qotow dhowr kal baa hadhaye Hadduu dhiillo leeyahay dulmigu waad ka dheregteene Intaad weel manno ah dhaamiseen waa dheg weyntahaye Dhanihii bad weyntiyo yuryuran waydinkiii dhuraye Ulihii dharkaynkiyo cayada waydinkii dhilaye Dhamacdiyo dabkaad quudateen maahadhalanteede Dhayl maaha maalmaha intaad guulo dhigateene Sabirkiina dheer iyo xaqaa tiina soo dhicine, Adduunyada ninkii dhalad yaqaan waw dhab tiriyaaye Dhibaatiyo waxaa lagu yaqaan teeda dhinac taale Markaasay is dhaaf dhaasiaa\ labada dhoomoode Meel dhowna wuu kula kulmaa kay ka dheertahaye Meel dheerna way kala taagan kay ku dhowdahaye Nin xaqiina meel hoos dhigay tiisu waa dhedo, Xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane Naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye Kol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye, Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye Sidxa dhooddi meerkii taleex haw dhaqaaqina Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura’e Haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo Sidaad dhaab u soofaysateen haw dhabaynina Cishadaad wax dhiilayn kartaan dhaafa tii culus Dhanka eebahay xiga adduun wayska dhalanteede. Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilay Inaan dhaabbadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebi Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan. Dhab dhabluhu markuu yimi arlada may dhammayn talo Waatay dhufaannadu khalqiga soo dhex geliyeen Waa kii dhammaastiyo falkiyo keenay dhallanteede Waa kii dhibaabada la yimi dheegga dheegaha Waa kii dhufaysyada qotee dhoombir soo rogaye Maatay dhankaas iyo dhankaas baahday dhiilladu Markay dhabaqday waa kii shacbigu soo dhalaashadaye Waataad dhadhaabtiyo budkiyo dhagaxa boobteene Gobannimada waa tii dhagdhago dhaanto loo tumaye Dharaartaana waad wada jirteed dhiiftu kululayde Waa loo dhammaa maalmihii laysu dhaarsadaye Hayeeshee ma sii dhugan caqligu teeda dhinac tiille Dhiilladu halkay weeran tahay looma faal-dhigine Waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye Weligeed dhan baa qaawanaa dhidibadeediiye Xaajadu intay dhowdahay dhaymo leedahaye Shinkeedii markay dhaaftay bay keentay dhabandheebe Dhab-darro uma tgoosine nabsigu wuu dharaarsadaye, Dhacan baa la saaraa halkuu eel ka dhowdahaye Markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaa Nin dhug lihiba wuu garanayaa suul dhabaalaha Dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye Dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhabacateeye Dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye Dhawaaq toosiyow baxay lugtii dhaaftay jeeniga Waa kaas dhaqaaliyo hub iyo dhoof u soo helay Dhuxul hoos ka nool iyo dabbaa soo dhabiib kici Dhacadiidka xaajada gashiyo dhabano hayskeeda Markii aan dhab deyey baan is idhi dhacanta sii saare Af dhabaan-dhabkeedii haddana waan ku dhiiradaye Dhanbaalkii digiintaan is idhi caawa yuu dhixine, Dheehda rashiidow mar baan neefka loo dhigine Magaceeda oo laba kordhaban yey dhawelantaa Marka dhiilka lala hoos galay meelo dhugtaaye, Ummadyahay dhabbaa loo hadlaa waa is dhigateene Dulmigii lafaa dhuuxaybaad dib-u-dhar-dhaarteene Ummad baad xaqeedii dhammaa dhababka saarteen Gunaadkii naftii weli ma dhigin waase dhiig baxaye Garaadkiinu waa dhaafsan yahay dhiilka buuxsamaye Maantana waxaa idin dhex taal tii dib loo dhigaye Caaway u dhowdahay haddaa dhugasho siisaane Haddaan dhaymo loo helin xujada mooyi tii dhici. Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilay Inaan dhaabbadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebi Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan. Dhillow yahaynku waa geed ka baxa dhuunta geed kale’e Iminkuu dhabbada soo hayaa dhaankii reer Yurube Nin kaastoo is dhoob-dhoobi jiray dhigaha loo laabye Dheweraad hadday kala lahayd laysu soo dhuraye Markii dhuuni loo rogay arlada dhoorku wada daalye Dhalliinyaradu way dayriyeen dhalashadoodiiye Waa taa ninkii dhowrsanaa qaad ku soo dhacaye Waa taa dhabeeshii hiddaha dhaylo loo dubaye Dhuuq-dhuuqlayaashii batiyo heen dhalaashuhu Dheribay wada foortaa diidan dhaqankii Dhaddigiyo labkeedii waqtigudhaal isugu keen Ummaddii dhiraa kala lahayd ways dhex hurudda Dheg dhegiyo lafaa dhuubtay iyo dhogor xumaantooda Qaraamaad markay wada dhantaa dheehu doorasamay Hadday dhoojo wada yeelatiyo dhiico iyo tuure Haddii dhawrasaan lagu yiqiin dhimay hankeedii. Dhibaatada xilkeedii horaa ugu dhabcaasheene Maantana sidii dhagax dixeed hawgu sii dhegin Inta shay la dhawrtiyo haddaan diinta kugu dhaarsho Haddaan dhaar carriyo caaggan iyo dhaar cas kugu dhaarsho Inta gabay dhaf leeyahay haddaan kaaga dhira fuulo Haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan weli dhiib-dhiibo Anigoon wax kuu dhimin haddaan dhegaha kuu buuxsho Dhaq-dhaqaaqa ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajiyo. Dhabtuun baa khalqigu diidayaa meesha dheer tegaye Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye La dhex joogi mayo arlada dheelmashow qorane Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye. |