Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2269 | February 07, 2010 Safar 22,1431 H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Nin Siralanka U Dhashay Oo Saldhiga Dhexe Ee Hargaysa Ku Xidhan Kaddib Markii Uu Boosaaso Ka Soo Kaxeystay Gabadh Yar Oo Sooamaaliyeed Oo Toban Jir Ah “Waxaa La Tuhunsanyahay Inuu Gabadhan Yar Ka Soo Iibsaday Haweenay Talyaaniyad Ah Oo Ku Nool Magaalda Boosaaso” Hargeysa, February 7, 2010 (Haatuf) – Nin dhalashadiisu tahay Siralanka oo gabadh yar oo da’deedu tahay 10 jir oo somaliyad ah oo uu ka soo kaxaystay magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland oo la sheegay in uu gabadhaasi yar ka soo iibsaday gabadh u dhalatay talyaaniga ayaa shalay galab ciidamada boolisku ay magaalada Hargeysa ku qabteen iyagoo ninkaasina xabsiga u taxaabay. Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay taliska guud ee ciidamada booliska oo faahfaahin ka bixinaya ninkaasi Siralanka u dhashay ee gabadha yar watay, hase yeeshee ilo xogogaal ah ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey in ninkaasi dhalashadiisu tahay Siralanka oo xalay ay saldhiga dhexe ee booliska su’aalo ku waydiinayeen ayaa noo sheegay in ninkaasi oo gabadha yar kala soo kicitimay magaalada Boosaaso dirawalkii waday gaadhiga uu soo kiraystay markii ay caasimada uu soo galay uu ninkaasi booliska ku wargaliyey una sheegay in gabadhaasi yar uu ka soo iibsaday gabadh Talyaaniyad ah taas darteedna ay xabsiga u taxaabeen ciidamada amaanku oo wakhtigan xaadirka ahna ay baadhisi ku socoto. Gabadha yar ee uu ninka Siralankiga ah Boosaaso ka soo kaxaystay da’deedana lagu sheegay 10 jir ayaa waxa wakhtigan xaadirka ah gacanta ku haya ciidanka amaanka, taas oo isla shalay makhribkiiba la sheegay in la geeyey guri uu leeyahay askari ka tirsan ciidanka booliska Somaliland. Wariye ka tirsan wargeyska Haatuf oo xalay booqday saldhiga dhexe ee booliska magaalada Hargeysa ee uu ku xidhan yahay ninkaasi Siralankigu ayaanay u suura galin inuu saldhiga gudaha u galo iyadoo wakhtigaasina si wayn loo adkeeyey galitaanka saldhiga iyo duleedkiisaba amaankiisana si wayn loo xoojiyey. Taliyaha ciidanka booliska General Maxamed Saqadhi Dubad oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay waxna kaga waydiinay ninkaasi dhalashadiisa tahay Siralanka ee xabsiga loo taxaabay ayaa isagu sheegay inaanu jirin ninkaasi Siralanka u dhashay xadhigiisa waxaanu si kooban u yidhi taliyuhu “warkaas waxba kama jiraan, war beenaana laydin siiyey”. |