Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2366

June 01,2010                                                            Jumaada Al-Thaani 18,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Ururka Horseed Oo Baaq U Jeediyey Madaxwayne Rayaale

Hargeysa, June 1, 2010 (Haatuf) - Ururka wadaniga ah ee Horseed ee gobolka Hargeysa ayaa dhambaal digniin culus ah u soo jeediyey madaxwaynaha jamhuriyada Somaliland Md Daahir Rayaale kaahin oo uu uga digayo inuu dhagaysto talada wasiiradiisa, oo ay ku tilmaameen kuwo mitid ah oo jar ka tuuraya.

Sidoo kale waxa uu ururkaasi ugu baaqay shacbiga iyo xisbiyada mucaaridka inay ilaashadaan nabad galyadooda. Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu ururka Horseed ka soo saaray caasimada  Jamhuriyada Somaliland ee Hargeysa, waxaana ku saxeexnaa Guddoomiyaha ururka Horseed,  Calawi Cabdi Gaboobe waxaanu u dhignaa warsaxaadadeedkaasi sidan:-

“Taageerayaasha faraha badan ee ku sii qulqulaya xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ee gobolada dalka Jamhuuriyada Somaliland oo dhan, waxay muujinaysaa taagdarada xisbul xaakimka UDUB, waxa kale oo ay muujinaysaa karti darada horjoogayaasha xisbiga UDUB ee ku fashilmay hogaaminta dalka, isla markaana ay hanan kari waayeen shucuurta iyo quluubta dadka ay madaxda u yihiin.

Hadaba aynu iswaydiino maxaa sababay in la naco madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo xisbigiisa UDUB? Hadii aynu isku dayno inaynu ka jawaabno, waxa sababay waxaanu odhan karnaa waa sidan:- 1. qabyaalada iyo cunsuriyada ay ku dhaqmaan madaxwayha iyo ku xigeenkiisu oo labadooduba markasta wax ula doonaya Awdal iyo Saaxil oo kaliya iyaga oo ka eexday ummadii kale ee xilka ku aamintay. 2. arinta deegaanada waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ee gobolka Almis iyo gobolka Gabiley ee badhna loo diiday ee laga reebay inay qaataan kaadhadhka jinsiyada iyo kuwa doorashada toona,  badhka kalena la kala raaciyey Awdal iyo Saaxil oo aanay shaqo isku lahayn. 3. Map-ka been abuurka ee macmalka ah ee muujinaya gobolka Hargeysa oo laga jaray xeebaha waqooyiga oo la kala  raaciyey meelo kale oo la jecel yahay. 4. is hortaaga iyo diidmada madaxwayne Md Daahir Rayaale Kaahin uu kala hortagay codsigii magacaabista gobolka Almis.

Marka si xaqiiqo ah oo dhab ah loo hadlayo waxa la odhan karaa maadaama uu gobolka Hargeysa uu yahay halka lagu kala baxayo oo xisbiga hantiya codka iyo taageerada shacbiga gobolka Hargeysa uu shaki la’an noqon doono xisbiga ku guulaysan doona doorashada madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland 26 June 2010.

Hadaba marka loo dhabo galo arintaasi ee la baadho ama la eego fikirka ay qabaan badi bulshada ku dhaqan caasimada iyo gobolka Hargeysa waxa si cad loogu ogaanayaa meeqaamka iyo taageerada aadka u hoosaysa ee liidata ee loo hayo ama loo qabo bahwaynta xisbiga UDUB ee qarka u saaran inay ku dul burburto hogaamiyaha xisbiga UDUB madaxwayne Md Daahir Rayaale Kaahin. Hase yeeshee waxa cajiib ah oo la is waydiin karaa madaxwaynuhu miyaanu waxba ka ogayn xaalada iyo dareenka dhabta ah ee dadka uu codka iyo taageerada ka rabo ama ka doonayo, mise tallow wuxuu maqlayaa ama wax ka dhagaysanayaa kuwa beenta u sheegaya ee lu’goynaya ee ku odhanaya dadka badankiisii ayeynu haynaa.

Madaxwayne waxaanu kuu sheegaynaa oo run ah inay dadwaynaha gobolka Hargeysa badankoodu inay yihiin ama taageersan yihiin xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye. Sidoo kalena gobolada dalka ee kale cod wanaagsan oo macquul ah ayuu ka heli doonaa Insha Allahu.

Gabagabadii ururka Horseed ee gobolka Hargeysa waxa uu ugu baaqayaa shacbiga iyo xisbiyada mucaaridka inay nabad galyadooda ilaashadaan maadaama laga cabsi qabo in bahwaynta xisbiga UDUB ee dildilaacaysa inuu qaraxeedu uu saamayn xun ku yeesho xasiloonida iyo daganaanshaha dalka, ileyn waa niman si xun looga adkaadaye, waa in mu’aamaraadkooda iyo sharkooda la iska ilaaliyaa, oo sidaa ku tagi maayaane waxay isku dayeyaan inay carqaladeeyaan doorashada madaxtooyada oo ay faro madhan ka sidaan.

Sido kale Md Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin waxaanu uga digaynaa inuu dhagaysto talada wasiiradiisa mitidka ah ee jarka ka tuuraya ee jabinaya, ee hadii ay halkan (Hargeysa) wax ka dhacaan aan waxba uga tari doonin.

Madaxwayne xaaladu way adag tahaye ee waa inaad ogolaataa in si nabad galyo ku jirto lagugula tartamo, marka lagaa helana waa inaad si fiican oo nabad galyo ku jirto oo bilaa qashqashaad ah xilka u wareejisaa.

Madaxwayne wado kale oo kuu furani ma jirtee, adigana sidaasa kuu roon dadka iyo dalkana sidaasa u wanaagsan oo u fiican, madaxwayne Ilaahay ha ku garansiiyo”

Guddoomiyaha ururka Horseed,  Calawi Cabdi Gaboobe.