Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2366 |
June 01,2010 Jumaada Al-Thaani 18,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Guddoomiyaha Kulmiye Oo Beeniyay In Xisbigoodu Shaqada Ka Eryi Doono Shaqaalaha Dawladda Haddii Talada Dalka Ku Guulaystaan Hargeysa, June 1, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye, Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay markii ugu horaysay ka hadlay warar sheegaya in uu xisbigoodu haddii uu ku guuleysto talada dalka ay eryi doonaan shaqaalaha dawlada, waxanu Siilaanyo shaaca ka qaaday in hadalkaasi yahay mid laga been abuuray.waxanu intaa raaciyay in shaqaalaha dawladu dulman yahay sidaa darteed xisbigoodu wax u qaban doono. sidaasna waxa uu ku sheegay Guddoomiyaha Kulmiye, mar uu shalay la hadlayay boqaal ka mid ah taageerayaal ka soo jeeda xaafadaha Daami, Shheekh Nuur iyo Sheekh Madar ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo cadeeyay in ay taageeradooodiii siiyeen xisbiga Kulmiye. ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo sheegay in xukuumada talada haysa aanay waxba ka qaban baahiyaha haysta dadka laga tirada badan yahay, gaar ahaan xaafada Daami, waxanu yidhi “ mustaqbalkeena iyo ka Somaliland wuxu ku jiraa in la doorto Kulmiye, waxa tartamaya Kulmiye oo ah qarankii iyo UDUB oo ah xisbi, beesha laga tirada badan yahay hadaanu nahay UDUB 8 sanadood oo ay xilka hayeen may keenin barnaamij waxtar noo leh, waxanu doonaynaa in Kulmiye dhiso himiladayada si aanu u gaadhno heer madaxweyne, xaafada Daami wado ma laha, maalinta codka ayay UDUB lacag noola timaadaa oo codkiina na siiya yidhaahdaan, kaadhadhkii bay naga guranayaan oo waxay doonayaan intay gubaan in codka Kulmiye yaraado” ayuu yidhi Suldaan Daakir. guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Kulmiye C/Najax Siyaad Aw Cabdi oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in taageerada dadka u dhashay xaafada Daami ay tahay mid loo baahnaa isla markaana taageeradoodu ay tahay mid uu xisbiga kulmiye isku halayn karo. mujaahid Axmed Muxumed Madar oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xukuumada madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ay ku fashilantay in ay wax la qabato dadka Somaliland. waxa kale oo uu tilmaamay in barnaamijka siyaasadadeed ee laga sugayo xisbiga UDUB uu yahay mid hore loo wadaa ogaa isla markaana uu yahay kii ay muddoada ka badan 8-da sano dalka ku soo hagayay. guddoomiyaha dhinaca warbaahinta u qaabilsan xisbiga Kulmiye, Maxamed Cilmi (Ilkacase) oo ka mid ahaa masuuliyiinta Kulmiye ee halkaasi ka hadlay ayaa waxa dhaliilay waxqabadka xukuumadda isla markaana waxa uu sheegay in Kulmiye lagu dooran doono barnaamijkiisa siyaasadeed, waxanu yidhi “ Kulmiye waxa lagu dooranayaa barnaamijkiisa siyaasadeed, UDUB lacagta ka qaata laakiin codkiina siiya Kulmiye, Madaxweynaha ha la weydiiyo dhagaxaantii uu dhigay wuxu u fulin waayay”. guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo halkaas ka hadlay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa "Waxa aan halkan ka cadaynayaa in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in xisbiga Kulmiye uu hanjabaad u diray dhamaanba shaqaalaha dawlada, waxaanan leeyahay warkaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah, shaqaaluhu way dulman yihiin waxay u baahan yihiin in xaqooda la siiyo, Suldaan Daakir mar kasta wuxu ka shaqeynayay danta umadda, 26-ka June waxaynu u dareeri doonaa doorashadii, qof kastaa kaadhkiisa ha ilaashado, dhalinyaradu dalkooda ha joogaan waxaynu galaynaa dagaal dimuqraadiya oo nabada, beesha Gabooye waxay heli doontaa xaqeeda" ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Xaflada oo ka dhacday xarunta Cali Maarshaal ee Kulmiye, waxa ka mid ahaa dadkii kale ee ka hadlay, Najax Maxamed Siciid oo ka mid ah dhalinyarada beelaha laga tirada badan yahay, Dr.Who iyo Mujaahid Axmed Muxumed Madar. |