Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2368

June 03,2010                                                            Jumaada Al-Thaani 20,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Beesha Makaahiil (Sacad Muuse) Oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye

Hargeysa, June 2, 2010 (Haatuf)-Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay ku soo dhoweeyey xarunta xisbiga Kulmiye, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dadweyne kale oo ka mid ah beesha Makaahiil oo ka tirsan beelaha Sacad Muuse.

Guddoomiyaha Kulmiye,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlay dadweyne badan oo ka tirsan beeshaasi ayaa u sheegay in xisbigoodu wax ka qaban doono baahiyaha haysta deegaanada beeshu degto.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa dadweynaha ugu baaqay inay iska ilaaliyaan wax kasta oo khal khal ku keeni kara doorashada, waxanu ugu baaqay inay maalinta Jimcaha xili hore yimaadaan fagaaraha beerta Xorriyada Hargeysa.

Siyaasiyiin ka tirsan beesha Makaahiil ayaa halkaasi iyaguna dardaaran iyo waano ugu jeediyay dadweynaha beesha, waxana ka mid ahaa Xasan Mowliid, Maxamed Cali Foojig, C/laahi Qaalib iyo Maxamed Cabdi Iskeerse.