Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2369

June 04,2010                                                            Jumaada Al-Thaani 21,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Rayaale Oo Dadweynaha Ka Dalbaday Inay Dib U Doortaan Iyo Kumanaan Taageerayaasha UDUB Ah Oo Shalay Dhoola Tus Isugu Soo Baxay Hargeysa Iyo Gobolada Kale Ee Dalka

“Anagoo Ka Turjumayna Doonistiina Waxanu Ku Shaqayn Doonaa Si Xil Kasnimo Ah Anagoo Ku Dedaalayna Sidii Aanu Dalka Horumar U Gaadhsiin Laheyn”

 Madaxweyne Rayaale Mar Uu Shalay Dadka Kala Hadlayay Beerta Xorriyada Hargeysa

Hargeysa, June 4, 2010 (Haatuf) - Xisbiga Talada haya ee UDUB, ayaa shalay  isu soo bax balaadhan ka sameeyay guud ahaan Somaliland, iyadoo ay bilaabantay Ololihii Doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Boqolaal qof oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga UDUB ayaa shalay subixii hore ka soo amba baxay xafiisyada xisbigoodu ku leeyahay xaafadaha Hargeysa. Dadka ayaa lagu soo daad gureeyey basas, ugu dambeyntiina waxay isugu yimaadeen beerta xorriyada. Madaxweynaha JSL, Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Yuusuf Yaasiin, Marwada koowaad ee Madaxweynaha, Huda Barkhad Aadan, Wasiiro, iyo Xildhibaano ayaa kala qayb galay dadweynaha isugu yimid Beerta Xorriyada.

Madaxweynaha oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi "Mudanayaal iyo Marwooyin,Waxa aan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo madashan qiimaha badan ee ay isugu soo baxeen kumanyaal ka mid ah taageerayaasha faraha badan ee bahwaynta xisbiga UDUB. ugu horeyn, waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa guud ahaan Shacbiga Somaliland; xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB meel kasta oo ay joogaan iyo inta jecel jiritaanka qaranimada iyo nabdoonaanta Somaliland.  

waxa kale oo aan duco u hibaynayaa Illaahayna u baryayaa inuu Janadiisa ka waraabiyo dhamaan inta hoygii lama huraanka ah inooga horeeysay ee ka soo qayb-qaadatey dib u xorayntii iyo dib u dhiska dalkan Somaliland. Kuwaas oo ay ka mid yihiin:

hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa yagleelka iyo taabagalinta qarankan sida Marxuum, Cabdiraxman Axmed Cali; Marxuum, Maxamed X. Ibrahim Cigaal; Marxuum, Sh. Ibrahim Sh. Yusuf Madar, Mujaahidiintii Naftooda u hurey dib-u-xoreyntii dalkan, Dal-jirayaashii ciidamada qaranka ee  difaaciisa  u god galay,Madax-dhaqmeedkii iyo waxgaradkii bulshada, Iyo inta kale ee badan ee  Inaga baxday oo aynaan halkan ku wada xusi Karin, balse ku xardhanaan doona bogaga taariikhda Somaliland.

Somaliland guul, Somaliland Horumar iyo Somaliland nabad, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa khudbad gaaban oo fasiraysa hayaankii aan u soo marnay dimuqraadiyadii aan markii afraad gelayno.taariikhdu waa mid is qorta oo aan duugoobayn iyadoo koox iyo qof kasta muraayad laga arki karo waxay qabteen iyo waxay ka tageenba.Ummadda Somaliland waa dad iyo dal soo maray marxlado kala duwan oo badan intii ka dambaysay  la soo noqoshadii madax banaanida Somaliland. Labadii Madaxweyne ee iga horeeyayba waxay soo qabteen tallaabooyin badan oo sees u ahaa bilowga taariikhda is qoraysa ee dalkan. Waxaan ka ambo qaaday dedaalkii halkii ay kaga tageen Madaxweyneyaashii iga horeeyay waxaynu qabsanay wax  badan oo xiligaasi la tababay oo ilaahay inagu garab galay inaan ku guulaysano.”

Madaxweyne Rayaale wuxuu ku dooday inay xukuumadiisu wax badan qabatay waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay mar kale doortaan si uu horumar intan ka badan u sameeyo waxaanu yidhi “Anigoo ka faa’iidaysanaya waayo aragnimadii iyo wixii inoo hirgalay mudadii aan xilka hayay inaad mar kale  noo doorataan xilka aan hayay waxay nasiinaysaa fursad, Anagoo ka turjumayna doonistiina waxaanan ku shaqayn doonaa si xil kasnimo ah Anagoo ku dedaalayna sidii aanu dalka horumar u gaadhsiin lahayn. Iyadoo ay noo sahlayso oo aan meel cusub ka bilaabayn balse ay noo suntan tahay habka iyo hanaanka  aynu u  marayno Horumarka aynu ku taamayno.”

 Daahir Rayaale Kaahin oo ka hadlayay xisbiyada la tartamaya wuxuu yidhi “Horta qolyaha aanu  tartamayno ee xisbiyada kale ahi dhaliilo ayay xukuumadda u soo jeediyaan. Waxaan idiin sheegayaa  xilka dawladnimo qeybna iyaga (mucaaridka) ayaa haya qeybta Fulintana Anagaa Xukuumadan xisbiga UDUB ayaa haya, Xeer dejintana xisbiyada mucaaridka ah ayaa haya waxaad is barbar dhigtaan golaha ay hoggaaminayaan sawirka yaala iyo wax qabadkiisa iyo sawirka xukuumada yaala. Shirgudoonka Golaha Wakiiladu waa xisbiyada mucaaridka ah. Golaha Wakiiladu waa 82 Xildhibaan, marka shirgudoonka laga reebo waxa soo hadhay 79 Mudane intaasi ayay u garsoori kari waayeen ragaasi ma lagu aamini karaa inay dal dhan iyo qaran dhan u garsooraan waxaan leeyahay laguma aamini karo dal dhan.

Xisbiga UDUB himiladiisu waxa weeye qaran mid ah dad is jecel oo nabad ku wada nool oo dal qudha wada leh oo ka fog wax kasta oo xummaana, waxa kale oo ka mid ah himiladayada fidinta maamulka iyo aqoonsiga. Ummadda waxaan leeyahay xisbiga UDUB waa hayin oo waa xisbi weyn oo gaadiiday, oo wixii uu soo qabtay dhamaystirkiisii uun u diyaar ah haddii alle yidhaahdo waxaan ka codsanayaa inay mar labaad na doortaan”.

Qayb labaad oo ka mid ah khudbad Madaxweyne Rayaale  uu shalay ugu talo inuu ka jeediyo Beerta Xorriyada balse sida uu sheegay u suurto geli weyday inuu jeediyo sababo la xidhiidha dadweynaha oo cadceed taagnaa darteed. Nuqul ka mid ah khudbadaasi oo qoraalkeeda saxaafada loo qaybiyay ayaa Madaxweynuhu kaga hadlay arrimihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2003. qoraalka khudbada oo aad u dheeraa ayaa u qornaa sidan:

“Waxaan jecelahay in aan idin xusuusiyo, in markii xisbiga UDUB ku guulaystay hogaaminta dalka uu dejiyay siyaasad cad  iyo qorshe dhamaystiran oo uu ku beegsanayo taabagalinta qaranimada Somaliland. Taas oo ay ugu mudnaayeen: 

In laga guuro siyaasad beel ku dhisan oo loo guuro dawladnimo Dastuur ku dhisan oo Xeer iyo kala dambeyni ka jirto; Baadi-doonista  aqoonsiga Qarannimada buuxda ee Somaliland,Xoojinta amniga iyo walaaltinimada shacbiga somaliland, sugidda soohdimaha Dastuuriga ah ee dalka, fidinta iyo gaadhsiinta maamulka goob kasta oo dalka ka mid ah,soo noolaynta iyo horumarinta adeegyadda aasaasiga ah ee bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha;  taabo gelinta garsoorka iyo cadaalada si loo helo garsoor tayo leh oo dhowra Xuquuqda iyo Xoriyaadka muwaadinka.

Waxa marag ma doon ah in xisbiga UDUB  iyo Xukuumadda uu hogaaminayay ay guulo muuqda ka soo hooyeen markastibana u taagan yihiin gudashada masuuliyadii qaran ee ummadda Somaliland ku aamintay. 

Waxa hubaal ah inuu abuurmay hanaan siyaasadeed oo ku dhisan tartanka axsaabta badan,Maamulkii dawladda  Somaliland la  gaadhsiiyay xuduudihii qaranka ee dastuuriga ahaa,adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada sida caafimaadka iyo tacliinta; biyaha & korontada; ammaanka, garsoorka, iwm ilaa heer fiican  la gaadhsiiyay dhamaan gobolada & degmooyinka dalka”. Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi, “waxaynu gaadhnay heer ay bulshadda caalamku qiraan horumarka aynu ku talaabsanay oo ay  tusaale iyo Miqyaas Caalamka soo koraya inooga dhigato” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Qaybaha kale ee khudbadii Madaxweyne Daahir Rayaale waxay u dhacday sidan:

 Hirgalinta Doorashooyinka

Kaddib, Geeridii Madaxweynaheenii hore, Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Egal iyo Aftidii Dastuurka, waxaanan go'aansaday anigoo Illaahay iyo Shacbiga la kaashanaya in aan hirgaliyo himilada shacbiga ee taabagalinta dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah wax kasta oo ku kacayso.

Waxa ilaahay fadligiisa noo suurtagashay in aanu dalka ka hirgalino nidaamka doorashooyinka oo aynu qabano doorashadii golayaasha degaanada Diisambar 2002dii, tii madaxtooyada April 2003, tii Golaha Wakiilada Sept. 2005;    iyadoo doorashada madaxtooyada ee aynu maanta u taaganahay noqonayso tii afraad ee dalka ka qabsoonta.  

Waxa dad badani ogsoon yihiin, in geeridii Madaxweyne Cigaal ka dib ay waxgarad badan oo xilligaa ka werwersanaa saamaynta ay doorashadu ku yeelan karto isku duubnida ummadda, karaan-keena dhaqaale, iyo arrimo kale oo la hal maala ay talo ahaan iigu soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada oo la ii cusboonaysiiyo xilka muddo sanado ah. hasa yeeshee waxaan  go'aansaday in aanan aqbalin soo jeedintaas oo aan hirgeliyo himilada ummadu higsanaysay ee doorashooyinka, Alle Mahadi haka gaadhee sidaas bay ku qabsoontay doorashadii madaxtooyaddu, guushiina ugu soo hoyatey xisbiga UDUB ee ii sharaxay xilkaas, anigana la iigu doortay Madaxweyne Dastuuri ah oo ku yimi doorasho dadweyne oo toos ah.

Dhamaystirka geedi-socodka dimoqraadiyaddu ma ahayn hawl sahlan, waxa aad goob joog ka wada ahaydeen in aan Maxkamadda Dastuurka u gudbiyey dacwad dastuuriya, ka dib markii Labada Gole ay cod aqlabiyadda ah 2/3 ku soo jeediyeen xeer aan suurto gelinayn in Doorashada  Golaha Wakiiladu ku qabsoonto wakhtigii loogu tallo galay, si  loogu cusboonaysiiyo xubnihii golaha fadhiyey waqtigaa. Taas oo aan u arkayay in ay caqabad ku noqonayso himiladii ummadda iyo geedi socodkii dimuqraadiyada, waana ta suurta gal ka dhigtay in ay qabsoonto Doorashadii ay ku yimaadeen Golahan Wakiilada ee maanta fadhiya.

Waxan ku kalsoonahay in sidii wadaniyada iyo bisaylka lahayd ee xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga bahwaynta UDUB ay xisbigooda ugu ayideen doorashooyinkii hore ay doorashadan maantana codkooda u hibayn doonaan.  

 Waxa lagama maarmaan ah in aan is xasuusino, in qalalaasaha iyo colaada ka oogan mandaqaddan aan ku nool nahay  aan kaga badbaadnay fadliga ilaahay ka sokow, hogaaminta iyo siyaasadda Xukuumadan Xisbiga UDUB ay ku hagayso ummadeeda. 

Waxa la yaab leh, Rag masuuliyiin ah oo Sharcigu siiyay in ay si xalaal ah ugu tartamaan kursiga ugu qiimaha badan ee dalkan, in ay hamuunta ay u qabaan kursigani ka indhatirto tixgelintii Dastuurka iyo nidaamka dawliga ahi ka mudnaayeen, iyagoo sidii Qawmkii Reer Bani Israa'iil ee kitaabka markay dan leeyihiina qaadan jiray markay doonaanna iska tuuri jiray ay ku talaabsadeen balanqaadyo dhalanteed ah oo aan Dastuurka meelna kaga soo aroorin. Waxa tusaale inoogu filan xilalka qayrul-Dastuuriga ah ee xisbiga KULMIYE durba ku yaboohay iyo siday ugu haliilayaan inay bedelaan Dastuurka ummadani 97% ku ansixisay. Taasi waxay ka marag kacaysaa sida aanay ugu aabo-yeeleen Dastuurka iyo doonista ummadda haddii awooddu gacantooda ku jiri lahayd. 

Waxaan ummadda Somaliland u sheegaynaa in Xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisa marnaba aanay ka suurtagalayn, cid kalena ku saacidi doonin in la maydhaamo Dastuurka iyo sharciyadda dalka u dejisan.

Taas awgeed, Waxaan masuuliintaas ku leenahay; walaalayaal, Dastuur iyo shuruuc baa inoo qoran, si cad u qeexaya tubta loo marayo madaxtinimada aad u jeellan tihiin, ka baaqsada in aad noqotaan ashkhaas hadba wixii ay u maleeyaan inay taageero ku kasbanayaan ku dhaqaaqa, iyagoo   aan wax ixtiraam ah siin sharciga iyo doonista ummadda midnaba.

Sugidda Xuduudaha Iyo Madaxbanaanida Somaliland

Sidaad wada og tihiin, dal kasta oo Caalamka maanta ka jira, waxa ugu horeeya ee lagu qiimeeyo laguna qadariyaa waa sida maamulkiisu Xuduudihiisa u gaadh-siisan yahay; wada jirka bulshadiisa iyo is neef ogolaanshahooda, iyo heerka Nab-doonaanta. Sidaa darteed, waxaan go'aansaday in wax kastaba aan ka horeysiiyo sidii taas loo heli lahaa wax kasta oo ay ku kacayso.

Waxa si laxaad leh kor loogu qaaday tiradii, tayadii & saanaddii ciidamada Qaranka, iyadoo loo dhamaystiray dhamaan wixii ay u baahnaayeen dhinacyada hubka, tiknikada, gaadiidka, isgaadhsiinta & saadka. Taas oo lagu bixiyey maaliyad aad u badan. 

Dhinaca kale, waxa tababaro  iyo fursado waxbarasho ilaa heer jaamacadeed la siiyay ciidan tiro badan iyo raxan ka mid ah saraakiisha ciidamada qaranka.

 Waxa la aasaasay dugsiyada tababarka ciidamada qaranka ee ku yaala Gorayo-cawl, Darar-weyne iyo Sheikh. 

 Waxa kor loo qaaday anshaxa ciidanka. Iyadoo dib u habayn lagu sameeyay waaxda garsoorka ciidamada qaranka. 

Halgan adag oo wajiyo badan lahaa ka dib, Ilaahay fadligiisa waxa lagu guulaystay in la gaadho xuduudihii dastuuriga ahaa ee qaranka JSL. Taas oo suurtagalisay in shacbigii degaanadaas ku dhaqani helaan xuquuqahoodii is maamul, horumarineed iyo siyaasadeed, iyagoo markii ugu horaysay hadda ka qayb qaadanaya doorashadan.

Maamul Daadejin

daadejinta maamulka Xukuumadda, fidinta adeegyada aasaasiga ah iyo rabitaanka dadweynaha; waxa la abuuray todoba gobol oo cusub. Kuwaas oo kala ah: Salal, Gabilay, Oodweyne, Buuhoodle, Saraar, Badhan, Hawd iyo 20 degmo oo cusub.

Xoojinta Nab-doonaanta Bulshadda 

Haddii aan si kooban uga hadlo arrimaha Nabadgelyada dalku waa aasaaska nolosha aadamaha, dalna wax horumara kuma talaabsan karo haddii aanay nabadi jirin.

Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan yahay nabadgelyo aad u heer saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka Africa ugu nabad gelyada fiican. Africa iyo Adduunka kale ma jirto meel ay Lacagta iyo Dahabku suuqyada wadhan yihiin. Taasi waxay ku timid dedaal badan oo ay Xukuumadda, Hay'adaha nabadgelyada u xilsaaran ee Ciidamada Qaranku kow ka yihiin; madax dhaqameedyada iyo dadweynaha Somaliland ee nabadda jecel ay ammaanteeda leeyihiin.

Sida aad wada dareensan tihiin, waxa jira cadow badan oo u quudhi waa iyo xiqdi dartii doonaya inay curdin dhadhiyaan dimoqraadiyadda iyo horumarka aan ku talaabsanay iyagoo adeegsanaya tabo iyo xeelado qarsoon. waxa hubaal ah in cadawgu kelidii waxyeelo inoo gaysan Karin hadii aanu helin qaar inaga mid ah oo dhagaraha cadawgu inoo maleegayo gacan ka geysanaya. Kuwaas oo laga yaabo in maslaxado maadi ama siyaasi ah lagu dagay ama caqliga laga xaday.

Shirqoolada ay cadawgu inoo maleegayaan waxa tusaale inoogu filan fal-dhagareedkii axmaqnimada ahaa ee kooxo argagixiso ahi   29 Oktoobar ka fuliyeen madaxtooyadeenii Qaranka iyo xarumo kale oo muhiim ah oo caasimada ku yaala. Falkaas arxandarada ah oo lagu xasuuqay muwaadiniin labaatan kor u dhaafay intaa labanlaabkeedna ku dhaawacmeen.

Intii ka dambaysay fal-dhagareedkii 29 Oktobar 2008, waxa la labanlaabay feejiganaantii ciidamada amniga iyo iska kaashiga ay la leeyihiin muwaadiniinta xalaalasha ah. Taas oo suurtagelisay in tiroba dhawr jeer gacanta lagu dhigay hub culus oo dalka la soo geliyay. 

Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah

Intii Xisbiga UDUB uu talada hayay waxa habeen iyo maalinba dedaal loogu jiray sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd dalalka la aqoonsan yahay. Sidaas darted waxay wasaarada hawshan u xil saarani ku guulaysatay in ay dalal badan oo dunida ka mid ah ku qanciso xaqa ay u leedahay dalka Somaliland in loo tix geliyo madaxbanaanideeda ku timi doonista shacbiga.

Waxa la sameeyey siyaasada arimaha debeda ee dalka jamhuuriyada Somaliland (foreign Policy).

Waxa lagu guulaystay in 23 wadan oo aduunka ka mid ah laga furo xafiisyo ay joogaan wakiilo rasmi ahi iyo qaar ay joogaan wakiilo sharafeedyo

Waxa si aan kala go' lahayn loo abaarray ururada ay ka mid yihiin EU-da, AU, Jaamacad Carabta, Urur-goboleedka IGAD, taasina ay keentay in si cad oon madmadow ku jirin loo kala saaro qadiyada Somaliland iyo arimaha Somaliya.

Waxa kale, safaro aqoonsi raadin ah oo ku siman ilaa heer Madaxweyne, Madaxweyne ku-Xigeen, Wasiiro, Xildhibaano  lagu booqday  ugu yaraan 24 dal dhawrkii sanadood ee u danbeeyay.

Waxa suurto gashay in baasaboorka Somaliland lagu tago wadamo badan oo dunida ah.

Waxa suurto gashay in weftiyo sare oo xaqiiqo raadis ahi dalka yimaadaan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiye Ku Xigeenka ururka Midowga Afrka (AU), Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamanka Kenya, iwm.

Waxa kale oo lagu guulaystay in xidhiidh iskaashi wacan lala sameeyay dalalka jaarka sida Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo yemen.

Waxa kalood ogtihiin in midhaha Safaradaasi ka soo baxay ay suurto galisay in markii ugu horeysay muddo 19 sanadood ah ay dalkeena booqasho ku yimaadaan, Masuuliin sare oo ka socda Dawladdaha Maraykanka, Ingiriiska, sida: Mrs. Jendayi Frazer (Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsanaa Arrimaha Africa) Iyo Cris Millen (Wasiiru-Dawlaha arrimaha Afrika ee Ingiriiska)

Xukuumada Somaliland   waxay Kharash ku bixinaysay sharci yaqaano iyo la-taliyayaal dhinaca horumarinta qadiyada Somaliland. Taasina waxay keentay in la kasbado dalal badan, hay'ado iyo jaamacado badan oo aduunka ah iyadoo aqoon yahano badani haatan u ololeeyaan qadiyada Somaliland.

Waxa aqoonsi raadinta kaalin mug leh ka qaata jaaliyadaheena debeda oo ay hormuud u yihiin hawlwadeenada xisbiga UDUB ee wadamada debeda.

Waxa soo bidhaamaya aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo aan rajo wayn noo muujiyeen wadamo badan oo aynu saaxiibo nahay.        

Waxa nasiib darro ah in marka ay wufuud dawladda ka socotaa safar ugu  baxdo dibedda si loo sii ambaqaado aqoonsi raadinta  ay marwalba  barbar socdeen baaqyo iyo dhambaalo ku lidi ah dedaalka xukuumadda ee aqoonsi raadinta oo ka imanayay axsaabta mucaaradka, gaar ahaan xisbiga KULMIYE; mararka qaarkoodna ay abaabulayeen mudaharaadyo looga gol lahaa in la wiiqo sumcadda wanaagsan iyo qadiyadda gooni isu taaga Somaliland.

Daryeelka Bulshada Tabaalaysan  

Waxa la abuuray xarumaha dhaqancelinta naafada oo  muwaadiniinta laxaadkoodu dhiman yahay u fidiya adeegyo kala duwan.

Waxa caasimadda laga sameeyay Xarun cusub oo ay gacanta ku hayso hay'adda SOS. taas oo lagu koriyo caruurta agoomaha ah ee aan haysan cid kafaala-qaada.  Waxa taa barbar socda xarumaha daryeelka agoomaha ee hore u jiray oo ay dawladdu maamusho.

Waxa taakuleyn dhinaca caafimaadka iyo waxbarashada caruurta ah loo fidiyaa 4000 qoys oo sabool ah oo ku nool caasimada.

 Waxa muwaadiniinta danyarta ee ku nool xaafadaha dacalada Hargeysa loo dhisay  84 guri oo jaajuur ah iyo 630 jiingadood 

Intii u dhaxeysey 2003-2008 waxaa dalka lagu soo celiyey muwaadiniin tiradoodu gaadheysa 42469 Qof oo qaxooti ku ahaa Itoobiya iyo Djbouti.

950 Qoys oo u badan Qaxooti dalka ku soo laabtey iyo qoysas ay wax yeeleeyeen duufaano ayaa loo qeybiyey  9500  neef oo adhi ah.

Waxa tababaro xirfadeed loo sameeyay 2517 qof. Xirfadahaa oo kala ahaa korantada, Nijaarida, Wasdaadida, Maamulka Xafiisyada, Combuterka, Biyo gelinta iyo biro-laabida.

Kobcinta Dhaqaalaha Dalka 

Waxa lagu talaabsadey in Dhakhliga la kordhiyo, Maamullka cashuuraha iyo dhaqaalaha bulshada oo la isu dheelitiro. 

 Waxa lagu dhaqaaqay nidaamka dhaqaale ee is gaashaan-buureysiga dawladda iyo ganacsatada gaarka ah oo afka qalaad lagu yidhaahdo, Public Private Partnership (PPP). Taas oo lagu tijaabiyay Biyaha Boorama, imikana tijaabadii labaad lagu ku eegayo korontada Berbera. 

Waxa Xukuumaddu dedaal badan ka gashay sidii laynooga qaadi lahaa xayiraada la saaray dhoofka xoolaheena.  waxa ay heshiis ganacsi la gashay ganacsadaha weyn ee Al-Jaabiri, isaga oo ka sameeyay dalka Maxjar weyn oo lagu xannaaneeyo laguna baadho xoolaha inta aan la dhoofin. Maxjarkii labaad ayaa isna dhismihiisu gabogabo joogaa  

Waxa dhismihiisii iyo qalabayntiisiiba la dhamaystiray machadka sare ee xanaanada xoolaha iyo  Shaybaadh lagu baadhayo tayada cuntada (quality control).

Dalka Ethiopia ee aynu jaar nahay oo ah saylad balaadhan oo wax soosaarkeena u iib gayn karno waxa noo socda wada-hadal heshiis is weydaarsi baayac mushtari, iyadoo horena uu ina dhex maray heshiis ku saabsan isticmaalka; dakadaheena, haamaheena, iyo madaaradeena,

Waxanu joogtaynay in  qiimaha sarifka dollarka la ilaaliyo si aaanu is-bedbedelkiisu u saamayn ascaarta iyo maciishada.   Taas oo suuragelisay in aanu sarifku isbedelin  muddo shan sanno iyo dheeraad ah.

Xukuumaddu waxay dhammaystirtay barnaamijka dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland oo la filayo inuu wax weyn ka taro horumarinta dhaqaalaha. Barnaamijkaas oo soconayaa muddo Shan Sanno ah oo ka soo bilaabantey sanadkii 2008dii, waxa ku bixi doona lacag dhan $ 550'000'000/- (Shan boqol iyo Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah). 

Walaalayaal, waxaan idiinku Bushaaraynayaa in halgan kii dib u dhiska dalka ee Sabirka iyo Dulqaadku waraabinayey ay rajo iyo kalsooni cusubi ay soo food saartay.

Warshadaha

Si Xukuumadu u dhiirigaliso warshadaynta iyo waxsoosarka wadaniga ah waxay go'aansatey in  cashuur dhaaf  iyo diiwangalin lacag la'aan ah (Free Registration) loo sameeyo ciddii kasta ee doonaysa inay dalka keento wershad.

Taasi waxay dhiirigalisay inay dalka ka hana qaadaan ugu yaraan 20 wershadood oo ay leeyihiin muwaadiniin. Kuwaas oo soo saara badeecado kala duwan oo markii hore ay inagaga bixi jirtey lacag adagi; sida, biyaha, sharaabka, hargaha, saabuunta, furaashyada, shambooga, balastikada, hilibka, tabaashiirta. Iwm.

Waxa kale, oo iyana diyaara oo diiwaangelintoodii iyo daraasadoodiiba dhamaatay tobaneeyo warshadood oo la filayo in si dhakhso loo hirgaliyo.

Beeraha

Waxaa la dhisey naxaro dharerkiidu yahay 2686 Mitir

Waxaa la qeybiyey Bomamka waraabka ah beeraha oo tiradoodu dhan tahay 1128 bam

Waxaa la dhisey kanaalo waraab oo dhererkoodu yahay 9500 Mitir

Waxaa la qodey Lana dhisey 55 ceelalka waraabka ah beeraha,Waxaa la sameeyay biyo-xidheeno (Sub-Surface dams) tiro badan oo laga xidhay dooxyada

Waxa la bixiyey tababaro kala duwan oo beeraleyda loo sameeyey,Waxaa la dhisay Lana hagaajiyey 30 ceel biyood.

Khayraadka Dabiiciga ah

Si loo helo macluumaadka shidaalka iyo macaadiinta dalkeena ku duugan, oo helitaankeeda ay darbiyo adagi inaga hor taagnaayeen oo ay ka mid tahay aqoonsi la'aan; waxay Xukuumadu heshiis la gashey shirkad la yidhaa TGS/NOPEC. Shirkadaasi waxay inaga caawisay Sahanka iyo macluumadka shidaalka dalka, iyadoo adeegsanaysay diyaaraddo ay saaran yihiin qalab casri ahi, waxay sahamo kala duwan ka samaysay  baddeena iyo barigaba.  Sahankaas oo la soo gabo-gabeeyay  sanadkii tegay waxaa ka soo baxday natiijo lagu farxo. Waa markii u horeysay ee dalkani helo dhokomenti rasmi ah oo ku saabsan macluumadka Shidaalka dalka ku jira bad & berriba.

Waxa ay xukuumadu ka hawlgashey adkeynta dhoofinta macdanta sharci darrada ah ee dalka, iyadoo goobaha kastamada iyo madaaradda lagu xoojiyey masuuliyiin u xilsaaran qabashada dhoofinta macdanta aan sharciga aheyn.

 Waxbarashada

Xukuumaddu iyada oo mudnaanta koowaad siinaysa horumarinta iyo tayaynta waxbarashada dalka, waxay ku bixisay dedaal dheeraada horumarinta waxbarashada:

Waxay xukuumadu ku tallaabsatay inay waxbarashada gaadhsiiso min heer gobol, degmo ilaa tuulo. 

Waxa dalka laga dhisay dugsiyada Hoose/Dhexe tiradoodu dhan tahay 639 dugsi oo ku baahsan dhamaaan gobolada & degmooyinka dalka.

Tirada dugsiyada sare ee dalka laga hiragaliyey waxay  dhan tahay  67 Dugsi sare oo ku baahsan dhamaan gobolada & degmooyinka dalka Waxa kale oo la dhisay,

Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada oo lagu kordhiyey dhisme Dabaq ah-

5 Xarun Cilmiyeed ( Resource Centres ),Xarunta Imtixaanaadka oo si buuxda qalab ahaan iyo agab ahaaba loogu dhamays tiray.8 Guri oo ah kuwa macalimiinta ee dugsiyada ku dhexyaal.Waxa la dayac-tiray, si buuxda loo qalabeeyey 17 xafiis oo ka mida kuwa xarunta dhexe,Waxa la dayac-tiray korna loo qaaday deyrka xarunta dhexe.

Si caruurta qoysaska reer guuraaga ahi u helaan fursad waxbarasho waxa la hirgaliyay  Dugsiyada quudinta leh oo tiradoodu dhan tahay 224 dugsi.  Kuwaas oo loo dhisay madbakh, Istoodh iyo qolka cuntada oo si buuxda loo qalabeeyay iyo   maacuun ka kooban kuwii wax lagu karinayey, kuwii wax lagu cunayey iyo kuwa wax lagu cabboba.

Tirada macalimiinta & shaqaalaha ka hawlgala dugsiyada  dawladda waxay dhan yihiin   2478.

Shantii sanadood ee u dambeeyay  waxa deeq waxbarasho debadda loogu direy arday tiradoodu dhan tahay 249 arday. Kuwaas oo tagay wadamada Itoobiya, Kenya, Ugaandha, Suudaan, Yeman iyo Masar.

Sidoo kale, shantii sanno ee u dambeeyay waxa deeq waxbarasho oo dalka gudihiisa loo fidiyay 4019 macalin oo aqoontooda la gaadhsiinayo heer Diploma iyo heer Degree.

Tirada ardayda wax ka barta xarumha waxbarshada dadka waa-weyn waxay dhan yihiin 23778.

Tirada ardayda wax ka barata dugsiyada dhaqaalaha Qoysku (Family Life Education Centers)  waxay dhan yihiin 6230 arday.

Tirada dugsiyada Waxbarashada Dadban ee la dhisay waa 44 Dugsi.Dugsiyada farsamada gacanta iyo xarumaha xirfadaha kala duwan waxa ka qalin jabiyay arday tiradoodu dhan tahay 4359 arday.

Tacliinta Sare

Waxa dalka Somaliland ka hano qaaday 5 Jaamacaddood. Sidoo kale waxa diiwaan gashan 4 Jaamacadood oo kale oo dhawaan la abuuray.

Tirada ardayda wax-ka-barata Jaamacaddaha Hargeysa, Camuud, Burco, Admas iyo Golis waxay kor u dhaafeen 5400 oo arday, waxa ka qalin jabiyey aqoonyahano isugu jira saynisyahano, dhakhaatiir, maamul-yaqaan, sharci-yaqaan, iwm, .

Waxa kale oo la abuuray, Kulliyadda Cilmiga Badda iyo Kalluumaysiga ee Berbera, Jaamacadda Tima Cadde ee Gabiley iyo Jaamacadda Nugaal ee Laas-caanood oo iayana hadda shaqeeya.

Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Waxa la dhisay dhamaan Xidhiidhada Ciyaaraha kala duwan oo kala ah:

1. Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland2. Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Somaliland

3. Xidhiidhka Kubadaha Gacmaha Somaliland.Kuwaasi oo maanta si buuxda u shaqeeya oo xafiisyadooda iyo sharciyadooda leh.

Waxa la bilaabay in la qabto tartanka Ciyaaraha Gobollada dalkeena sanadkiiba hal mar.

Waxa kale oo la hir-galiyey tartanka Ciyaaraha ee Gobol kasta degmooyinkiisa dhex mara (Inter Regional Tournament). Waxa kale oo qorshaheeda gacanta lagu hayaa, sidii magaalooyinka waawayn   looga sameyn lahaa Garoomo Dhallinyaradu ku Ciyaarto.

Caafimaadka:

Waxaa la dhisay 37 xarumo caafimaad (Health Centers) oo ku baahsan dhamaan gobolada dalka.Waxaa la kordhiyay 69 rugo caafimaad (Health Posts) oo laga hirgeliyaya 69 tuulo oo ku baahsan dhamaan gobolada dalka.Waxa la dhisay oo laga shaqeysiisyay 4 cusbitaal degmo (District hospitals) oo laga hirgeliyay Zeila, Caynabo, Buuhoodle iyo Badhan.

Xukuumaddu waxay dayactir iyo ballaadhin lagu sameeyay  dhammaan isbitaaladda guud iyo kuwa qaaxada ee lixda gobol ee Somaliland, iyadoo sidoo kale qaybo cusub oo qaliin ah iyo shaybaadho laga hirgeliyey Cisbitaaladaas .

Waxaa dhamaan cusbitaalada gobolada dalka loo keenay gaadiidka gurmadka degdeg ah (ambulance). Waxa kale oo cusbitaalka guud ee Hargeysa loo keenay gaadiid ay ka mid yihiin 2 mini-bus, 1 Iskarogo iyo 1 pick up kuwaas oo lagu adeego adeegyada xusbitaalka iyo baahida bukaanka.

Waxaa cusbitaalka Hargeysa loo dhisay bakhaar weyn oo lagu keydiyo daawooyinka iyo qalabka caafimaadka.  Cusbitaalka Guud ee Hargeisa waxa lagu kordhiyay dhisme cusub qaybta qallinka oo casri ah oo ka kooban 5 qaybood oo qalliin, kuna qalabaysan dhamaan qalabka qalliimada casriga ah iyo xarunta cusub oo gurmadka deg deg ah.

Waxa la keenay warshad cusub oo  si joogto ah u samaeysa hawada Oxygen ee wax ka tarta gurmadka deg deg ah ee ay u baahan yihiin bukaanka culus iyo kuwa qallinka  loo sameeyo.

Waxaa dib-u-habayn balladhan lagu sameeyey xarunta shaybaadhka isbitaalka Hargeysa, oo ku qalabaysan qalab casri ah laguna baadho dhamaan cudurada kala duwan ee ka jira dalka.

Xarunta shaybaadhka Somaliland waxay ku guulaysatay shahaadada qiimaynta xarumaha shaybaadhka Africa oo lagu maamusay hanaanka xirfadda shaqo, qalaka iyo nidaam ushaqeeyo shaybaadhka Hargaysa.

 Waxa laga bilaabay cusibaalka guud ee Hargaysa mashruuc tijaabo ah oo lagu dhaqan-gelinayo siyaasadda daawada qaranka kuna baxaysa lacag dhan $500,000.

waxay sidoo kale dib-u-habyn balaadhan lagu sameeyay xarumaha keydka daawooyinka ee Hargeisa iyo gobolada si ay ula jaan qaadaan hirgelinta siyaasadda cusub ee daawada.

 waxa  dib loo furay dugsiyadii Kalkaaliyayaasha caafimaadka ee Hargaysa, Burco, Borama iyo Laascanod.

 Waxaa 5 sano ee u dambeeyay ka qalan-jabiayay laamaha kala duwan ee culuumta caafimaadka hawl-wadeeno caafimaad oo  tiradoodu dhan tahay 427 ay ku jiraan 11 Dhakhtar, 187 Kalkaaliye, 70 Umuliso, 20 shaybaadhe, 10 Suuxiyayaal.

Waxa loo diray wax-barasho dalka Sudan oo soo dhamaystiray 11 arday oo ka mid ah ardaydii ku jirtay kuliyaddii caafimaadka ee muqdisho si ay u soo dhamaystaan waxbarashadoodii Dhakhtarnimo.Xukuumaddu waxay ku guulaysatay inay la tacaasho shubankii asiibay 5313 qof oo ay 58 ka mid ahi shubaankaasi u dhinteen, waxaanu shubankaasi si rasmi ah inooga dhammaaday dabayaaqadii 2007.

 waxa la hirgeliyay Barnaamij  lagu yareynayo khatarta Cudurada Dilaaca iyo xoojinta tallaalada Cuduradda Dilaaga Dhallaanka iyo Hooyada iyo Barnaamijka Xakamaynta Cudurka Duumada;

 Waxa la diyaariyay barnaamij ballaadhan oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo farsamda caafimaadka isla markaa dib loogu soo celinayo xirfadlayaasha caafimaadka xarumaha caafimaadka dalka barnaamijkaas oo maal-gelintiisa ay wasaaraddu la kaashanayso waaxda horumarinta caalimga ee dawladda Ingiriiska (DFID), 

 Waxaa la dhisay cusbitaalada waalidda ee Burco & Borama. Waxa dhamaan cusbitaalada dalka lagu kordhiyay qayb cusub oo lagu daaweeyo cudurada laysugu gudbiyo galmada sida HIV/ADS.

Dawaladu waxay ku guulaysatay dhismaha guddi Qaran ee la dagaalanka cudurka HIV/AIDS iyadoo dawladdu ku guulaysatay hakinta iyo ka hortagga faafinta cudurka HIV/AIDS.. 

 Waxaa Somaliland ku guulaysatay cidhib-tirka cudurka dabaysaha oo aan afartii sanno ee u dambeeyay lagu arag dalkeena. Waxaa sannadkan laga bilaabay dhaamaan gobolada Somaliland olalaha maalmaha caafimaadka caruurta. Taas oo lagu tallaalayo dhamaan caruurta ka yar 5 sanno isla markaa lagu hubinayo heerkooda nafaqo, laguna daaweeynayo, waxaa sidoo kale lagu tallaalayaa hooyooyinka ku jira da'da dhalmada.

 Olalahan oo wajigiisii saddexaad uu 31 Jamuary ka bilaabmay Sool iyo Sanaag waxaa lagu daaweynayaa caruur iyo hooyooyin dhan 1,300,000 (hal milyan iyo saddex boqol oo qof) waxana ka qayb-qaatay 867 kooxood iyo 905 gaadhi dhamaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka.

Garsoorka iyo Caddaaladda

Waxaa dib u habayn balaadhan lagu samayeeyay gebi ahaanba Hay'adaha Cadaaladda (Justice Reform) 

Waxa la abuuray Guddi Qaran oo dib u eegis ku samaysa shuruucda dalka (Law Review Commission)

 Waxa laga furay Maxkamadihii u adeegi lahaa bulshada ku dhaqan dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

 Waxaa laga furay Maxkamado Degmo dhamaan waaxyaha kala duwan ee caasimada.  

 Waxaa dhamaan Maxkamaddaha Goboladda ee Racfaanka loo diyaariyay in ay Guur-guuri karaan (Mobile) iyadoo la siiyay gaadiid cusub oo ay u adeegsadaan kormeerista maxkamadaha gobolada iyo degmooyinka.

Waxaa Dawladu ugu deeqdaa Qareeno lacag la'aan ah dadka danyarta ah ee aan iskood u qabsan Karin Qareen ka difaaca Maxkamadaha hortooda.

Xabsiyadda, Maxaabiista iyo Ciidanka Asluubta

Waxa tababaro is daba socday oo aqoontooda lagu dhisay la siisay saraakiisha, saarkiil xigeenka iyo askarta ciidanka Asluubta ee gacanta ku haya maamulka Xabsiyada iyo meelaha kale ee Muhiimka u ah. 

Dhamaan waxa laga shaqaysiiyay xabsiyada dalka iyadoo dib u dhis iyo dib u hagaajin lagu sameeyay Xabsiyadda Hargeisa, Berbera, Mandheera, Ceerigaabo iyo Gabilay si loo gaadhsiiyo heerka ugu yar ee Caaalamiga ah (Minimum international stands).

Dhaqan celinta maxaabiista waxa loo diyaariyay qalabki farsamada gacanta ee lagu bari lahaa xirfad farsamo oo lagaga leexiyo Caadaysiga Dunuubta kuwaas oo hadda loo diyaariyay Xabsiyadda Hargeisa, Mandheera.

Iyadoo xil la iska saarayo xuquuqda maxaabiista maadaama xorriyadii laga qaaday daryeelkoodana Xukuumada Waajib ka saaran yahay, ayaa la kordhiyay Raashinka Maxaabiista 150%.

Biyaha

Xukuumaddu waxay sanadihii u danbeeyey culayska saartey dejinta siyaasada lagu hagaayo biyaha iyo sidii shacbiga Somaliland ay u heli lahaayeen biyo ku filan oo nadiif ah,

 waxaana jira mashaariic qabsoontay iyo kuwo kale oo u qorsheysan in la fuliyo wakhtiga soo socda, waxaana ka mid ahaa Mashaariicdii la fuliyey:-

28 Ceel Cusub oo ku baahsan Gobolladda Dalka ,16 Ceel oo la dayactiray,23 Ceel oo u qorshaysan in la qodo

Waxa si wayn wax looga qabtey cabashadii biyaha ee ka jirtey Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay hadda yaraatey cabashadaasi,

Waxaana Xarumaha biyo soo saarka ee Caasimadda lagu soo kordhiyey Qalab Biyo soosaar oo cusub, kuwaas oo isugu jira Mishiino, Bamam iyo qalab kale, oo wax ka tari doona baahidii biyood ee ka jirtey Caasimadda.

Waxa dhinaca koonfureed ee caasimadda laga bilaabay biyo qodis oo tiraba saddex ceel la qoday hase yeeshee lagu hungoobay, welina lagama quusan in biyo laga soo saaro koonfurta caasimadda.

Waxa riigani biyo ka soo saaray lix ceel oo dhamaadey. Kuwaas oo 4 ka mid ah loo qoday waraabinta caasimada, labada kalena waraabinta Gobolka Gabiley

Gurmadka Abaaraha iyo Aafooyinka

Xukuumaddu waxay Gurmad ka gashay Abaaraha baaxadda leh ee soo food saaray dalka Somaliland, iyadoo ugu deeqday taakulo dhan $ 270'000 (Laba Boqol iyo Todobaadan kun oo dollar).  

Xukumaddu waxay Gurmad ka gashey khasaarihii ay keeneen Roobab Dabaylo watey oo ka da'ay meelo ka mid ah dalka Sanadkii 2007 sida, Degmadda Allaybadey, Balli-Cabane, Baki, Boon, Berbera iyo Ceegaag.  waxaana dhamaan deegaanadaas la gaadhsiiyey Raashin, Weel, Baco, Biyo dhaamis

Biriijyada iyo Waddooyinka Dalka.

Dawladdu, waxay wax weyn ka qabatay:

Dhismaha biriijyada, Burco, Qoryaale, Biriijka labaad ee Hargeisa oo wali socda oo dhamaantood ay dawladdu bixisay kharashkooda 50%.

Dhismaha Buundooyinka wadada dheer ee isku xidha Boorame illa Caynabo, 

Dayactirka joogtada ah ee Biriijyada, Waddooyinka laamiga ah iyo Buundooyinka,

Waxa kaloo xusid mudan in Magaalada Hargeysa, kala badh Waddooyinkeedii si fiican loo dayactiray, kuwa cusubna la sameeyay iyadoo dawladda iyo dadweynhuhu iskaashanayaan

Waxa kaloo Qorshaysan in dib-u-dhis buuxa lagu sameeyo wadooyinka isku xidha dhamaan gobolada iyo degmooyinka  dalka  iyo caasimadda iyo kuwa isku xidha Somaliland iyo wadamada jaarka.

Madaarada Dalka:

Waxa iyana wax weyn laga qabtay, Madaarka caasimadda, iyadoo la suurtagaliyey in madaarka caasimaddu markii ugu horeeyay uu Habeenkii Shaqeeyo,

Waxa kor loo qaaday amaanka madaarka, iyadoo lagu rakibay qalab casriya oo wax lagu baadho iyo Kamaradaha ilaalada oo habeen iyo maalinba shaqeeya,

Waxa madaarka caasimadda lagu kordhiyey dhisme qolka Marti sharafta (VIP) oo ay ku nastaan wufuuda dibadda inooga timaada. 

Waxa dhawaan la bilaabayaa dib u dhiska iyo kordhinta dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee madaarka caasimadda oo lagu dari doono  600 Mittir. Taas oo suurtagalinaysa in diyaaradaha waawayni si sahlan u isticmaali karaan madaarka.

Waxa la dayactiray oo hawlgalay dhamaan gaadiidkii dabdemiska madaarka Hargeysa. Waxa kale oo la soo iibiyey gaadiidka adeega madaarka dhexdiisa ku filan.

Waxaan aaminsanahay in Xukuumaddu waxqabad intaa ka badan ku talaabsan lahayd haddii aanay jiri la'ayn taakooyinka mucaaradku hordhigayeen talaabo kasta oo dhinaca horumarinta ah oo Xukuumaddu hollato iyo fidno-alooska ay hadba   bulshada dhexdeeda ka oogayeen. Kuwaas oo damintooda ay ku lumaysay wakhti iyo maal lagu bixin lahaa wax dadka & dalka wax tara. 

Axsaabta mucaaradku waxay had iyo jeer ummadda ku beer laxawsadaan ereyga "IS BEDEL .... IS BEDEL". Sidaa awgeed, waxa lagamamaarmaan ah in ummadda Somaliland aan dareensiiyo xaqiiqada dhabta ah ee jirta.

Odayaasha mucaaradka ah ee is-bedelka ku doodaya badankoodii waa Wasiiraddii xilka waayay ee xukuumaddihii kala dambeeyay, haddii ay horumarka ay ugu baaqayaan ummadda u keenayaan maxay ugu samayn waayeen shalay markay kuraasida fadhiyeen?. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye miyaanu ahayn Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumaddii Cigaal ee anigu Madaxweyne Ku Xigeenka ka ahaa ee dhaqaale uu soo kordhiyo iska daayoo ku guuldaraystay inuu dalka miisaaniyad u sameeyo?

Waxa had iyo jeer mucaaradku dhaliilaan wax-qabadka xukuumadda iyagoo tooda ilawsan. Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu dalka ugu sii wado Nabadgelyada iyo Horumarka uu maalinba maalinta ka sii dambeysa ku tallaabsanayo, doorashadana ugu dhameeyo si nabadgelyo ah".ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, isla markaana ah Guddoomiyaha olalaha doorashada  madaxtooyada ee xisbiga UDUB, oo ka hadlay isu soo baxaasi wuxuu yidhi “Maanta waa maalin weyn waa maalin lagu bilaabayo ololihii doorashada waxaana lagu furay xisbiga guunka ah ee ugu weyn xisbiyada ee Somaliland waa Xisbiga UDUB ee ha noolaado. Waa aabaha xisbiyada Somaliland ee ha noolaado. Waxaynu halkan u joognaa waxa weeye inaynu is muujino ragii lahaa UDUB waa macaan jecel ha ogaadaan inaynaan ahayn macaan jecel.oo aynu nahay dad soo xaytay, oo tartamaya oo nool balanteena u weyni  waa maalmaha aynu leenahay xafladaha is daba jooga ah iyo maalinta aynu leenahay. UDUB waa inay muujisaa himiladeeda shalay markii aynu Somaliland xoriyadeeddii dib ula soo noqonay waxaynu ahayn hayaan,  maantana waxaynu doonaynaa inaynu dadkeena dejino, imikana waa horumarkii xiligii aynu samayn lahayn waxaanu doonaynaa inaynu sii ambo qaadno wixii aynu soo sameynay, ummada reer Somaliland waxaan ka codsanayaa inay taageerto codkoodana siiyaan xisbiga UDUB ee talada haya, si aynu u sii amba qaadno wixii ay soo qabatay iyo wixii u hadhsanaa”

Intaa ka dib waxa isna madhasha ka hadlaya Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka ololaha doorashooyinka xisbiga UDUB, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “dadwaynaha aadka u faraha badan ee buux dhaafiyey beertii horiyada Hargeysa ee shucuurta wadanimodahi ee xisbi nimada ahi ay ka muuqato iyo xamaasada aadka u saraysaa, ee iskugu yimid goobta taariikhiga ah magaca xisbiga ayaan ku salaamayaa. Bulsho waynta Somaliland-eey maanta waa maalin taariikhi ah, waa maalin ololahii doorashada ee qiimaha uu inoogu fadhiyo aad ogtihiin uu bilaabmay, waa maalin barnaamij xisbi ummadeed uu so bandhigayo wixii barnaamij ah ee uu shanta sano ee soo socda wadanka iyo ummada ku maamuli lahaa, waxa weeyi maalin taariikhdu qori doonto in talaabadii u danbaysay ee aynu ku hananayney aqoonsigeeda aynu u diyaarnahay inaynu qaadno, waa maalin indhaha aduunku ina soo wada eegayo sida ay inoogu bilaabantay, barani waxa ay ina eegayaan sida ay inoogu dhamaatay. Waxa aynu badalaynaa akhlaaqda ummadeena waynu badali karnaa oo waynu kobcin karnaa.

Waxaynu badalaynaa cidhiidhiga dhaqaalaha ee maanta ina haysta oo aynu ka baxno aqoonsiga marka aynu taabano, aqoonsiga ugu wayn waxa laga helaa Ilaahay.

Waxa weeyi maalinta doorashadu maalinta aynu aduunka tusi doono inaynu nahay ummadii 1991-kii sida cad ee badheedhka ah ula soo noqotay gobonimadeedii halawday, waxay noqon doontaa maalin aynu adunka tusno inaynu nahay ummad bisil oo masiirkeedii gacanta ku qabsatay oo cid danbe oo u gacan haadisayna aan aqbali doonin waxaynu muujinaynaa inaynu nahay ummad u qalanta inay hesho aqoonsi caalami ah oo kursigooda ay xaqa u leeyihiin ee aduunka ku fadhiisata.

Waxaan idinku dardaarayaa ummad yahay in aad si midaysan, si wadaniyad ku jirto u gudataan  waajibkiinaa taariikhiga ah.” Ayuu yidhi.

Dhanka kale taageerayaasha xisbiga UDUB ayaa iskugu soo baxay Fagaarayaasha gobolada iyo degmooyinka dalka, halkaas oo ay kula hadleen masuuliyiinta xisbigaasi.