Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2369 |
June 04,2010 Jumaada Al-Thaani 21,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Safiirka UK U Fadhiya Adis Ababa Oo Sheegay In Beesha Caalamku Ay Aad Indhaha Ugu Hayaan Doorashada 26-Ka June “Marka La Soo Khatimo Doorashada Madaxtooyada, Waxaanu Eegi Doonaa Sidii Aan Komishanka Ugala Shaqayn Lahayn Doorashooyinka Dambe” Ambassador Norman Ling Adis ababa, June 4, 2010 (Haatuf) - Safiirka dawlada Britian u fadhiya magaalada Adis ababa, Mr Norman Ling, ayaa sheegay in beesha caalamku gabi ahaanteed ay aad indhaha ugu hayaan doorashada madaxtooyada ee dalka Somaliland ka dhici doonta 26-ka June. Waraysi khaasa ah oo uu todobaadkan la yeeshay safiirka tafatiraha Somaliland Times Mr Yuusuf Cabdi Gaboobe Ambassador Norman Ling waxa kale oo uu ku sheegay inuu ku kalsoon yahay in kala shaandhayntii lagu sameeyey natiijadii diwaangalinta codbixiyayaasha iyo talaabooyinkii kale ee dib loogu hubinayey natiijadaas iyo waliba qorshayaasha kale ee farsamo ee ay Komishanku ku talo jiraan inay fuliyaan maalinta doorashada ay ku filan yihiin wax ka qabashada khaladaadkii hore ee dhacay. Isagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Heshiiskii lixda qodob ayaa iftiiminayey in loo baahan yahay dib u shaandhayn kale oo lagu sameeyo natiijadii ka soo baxday diwaangalintii codbixiyayaasha iyo in la dalbado khubaro caalami ah oo Komishanka doorashooyinka qaranka kala taliya qaabka ay arintaasi u suuro galeyso. Hadaba kuburadaasi markay talo bixintoodii soo gudbiyeen, Komishanka doorashooyinku waxa uu go’aansaday in uu kala saarista u adeegsado labo farsamo oo kala ah habka aragti ku baadhka ah (Manual) iyo habka iswada ee Komputer-ka loo adeegsado (Electronic), iyada oo ay taas ku xigtey farsamadii kale ee wax lagu hubinayey ee ahayd badalashadii kaadhadhka. Talaabooyinkan iyo kuwo kale oo uu Komishanka damacsan yahay inuu hirgaliyo maalinta doorashada waxaan ku kalsoonahay in ay ku filan yihiin wax ka qabashada khaladaadkii hore” Safiirku waxa kale oo uu sheegey in Komishanka qaranku ay muujiyeen hawl karnimo dheeraad ah oo uu ku mutaystay in loogu hambalyeeyo, Safiirku waxa kale oo uu axsaabta qaranka amaan ugu soo jeediyey waxa uu ku tilmaamay siday iskugu xilqaameen in aanay Komishanka ka carshacarshayn hawshooda iskana ilaaliyeen inay Komishanka iska hortaageen gudashada waajibaadkii ay u xilsaarnaayeen. Isagoo ka hadlaya aragtida uu caalamku ka qabo Dimuqraadiyada Somaliland waxa uu yidhi “Deeqbixiyayaal badani Geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland waxay u arkaan arin mihiima, doorashada soo socotaana waxay u tahay tijaabo muhiim ah, hadii doorashadaasi najaxdo waxay noqon doontaa arin xoojisa korna u qaad sumcad Somaliland ee lagu majeerto. Xubnaha kale ee beesha caalamka waxaanu kala hadleyney wax qabadka kale ee Somaliland loogu siyaadin lahaa dhinaca horumarinta. Hadii ay doorashada si fiican u dhacdo waxaan kolayba ku hanweynahay in aanu aragno dalal kale oo doonaya inay wax ku soo kordhiyaan waxna la sii qabtaan Somaliland” Wareysigan oo dhamaystiran waxaad ka akhriyi kartaan wargeyska Somaliland Times ee bari soo bixi doona. Ugu danbeyntii Ambassador Norman Ling waxa uu sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono qiimaha wayn ee ay siiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland, cidii doontaa ha ku guulaysato doorashada’e. |