Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2375 |
June 11,2010 Jumaada Al-Thaani 28,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Koobka Kubada Cagta Aduunka Oo Maanta Ka Furmaya Dalka Koonfur Afrika Iyo Muhiimada Gaarka Ah Ee Uu U Leeyahay Qaarada Afrika Iyo Guud Ahaan Caalamka Oo Dhan Koobka kubada cagata ee aduunka oo sanadkan ka dhacaya qaraada madow ee afrika ayaa waxa soo xaadiri doona sidii lagu yaqanay 32-dal oo ay ku jiraan 6-dal oo Afrika ka socdaa, dalka koonfur Afrika ayaa sanadkan ah dalka martida loo yahay ee gurigooda lagu ciyaari doono dalalka koobka aduunka sanadkan ku loolami doona k ayaa waxa ay kala yihiin: Algeria, Argentina ,Australia,Brazil ,Cameroon ,Chile ,Denmark,England,France, Germany,Ghana,Greece ,Honduras ,Italy,Ivory Coast,Japan,Korea DPR (PRK),Mexico Netherlands,New Zealand,Nigeria,Paraguay,Portugal,Serbia,Slovakia,Slovenia,South Africa,South Korea,Spain,Switzerland,United States iyoUruguay. hadaba sanakan oo ay dalalka qaarada Afriki ay si weyn ugu rajo weyn yihiin in ay ku guulaystaan wadama ka tirsan qaarada Afrika ee sanadkan la filayo in ay wacdaro ka muujaan koobka aduunka ayaa waxa kamid ah dalka Ghana, oo ah mid kamd ah wadamada ugu awooda badan qaarada gudeheeda. Dalalka soo raaca gaana ee sanadkan guusha laga fili doono ayaa waxa ay kala yihiin wadamada Ivory Coast iyo Cameroon. Dalka Cameroon ayaa dhinaca koob hanasha qaarada Afrika waxa uu kala simanyahay dalka Ghana oo haysta afar koob labadan wadan ayaa si isku mida ugu jira kaalinta labaad ee hanashada koobabka qaarada Afrika, waxana ka horaysa oo kaliya dalka Masar oo haysta 7-koob. Hadaba dalalka Cameroon iyo Ivory Coast aya waxa ay haystaan xidigo la odhan karo waxa ay gaadhsiin karaan guul, dalka Cameroon ayaa waxa horboodaya xidigahooda Sumuel Eto’o, oo koobka Champion-ka la soo qaaday kooxda Inter Milan, halka dalka Ivory Coast uu hogamin doono xidiga weyn ee kooxda Chelsea Dedier Drogba, in kastoo uu ciyaartoygu ku jiro xaalad adag oo dhaawac kasoo gaadhay gacanta. Xidigaha ugu da’da yare e ka qayb gali doona koobka aduunka: Uruguay: Nicolas Lodeiro- March 21, 1989, Ajax, Winger Argentina: Javier Pastore - June 20, 1989, Palermo, Midfield Greece: Sotiris Ninis - April 3, 1990, Panathinaikos, Winger Nigeria: Lukman Haruna - Dec. 4, 1990, Monaco, Center midfield South Korea: Kim Bo-Kyung - Oct. 6, 1989, Oita Trinita, Midfield Lee Seung-Yeoul - March 6, 1989, FC Seoul, Forward Ki Sung-Yong - Jan. 24, 1989, Celtic FC, Center Midfield Algeria: Ryad Boudebouz - Feb. 19, 1990, Sochaux, Midfield Slovenia: Rene Krhin - May 21, 1990, Inter Milan, Midfield Tim Matavz - Jan. 13, 1989, FC Groningen, Forward USA: Jozy Altidore - Nov. 6, 1989, Villarreal, Forward Germany: Holger Badstuber - March 13, 1989, Bayern Munich, Defender Toni Kroos - Jan. 4, 1990, Bayern Munich, Midfield Marko Marin - March 13, 1989, Weder Bremen, Midfield Thomas Muller - Sept. 13, 1989, Bayern Munich, Forward Ghana: Dominic Adiyiah - Nov. 29, 1989, AC Milan, Forward Daniel Adjei - Nov. 10, 1989, Liberty Professionals, Goalkeeper Andre Ayew - Dec. 17, 1989, free agent, Left Winger Samuel Inkoom - Aug. 22, 1989, FC Basel, Right Back Jonathan Mensah - July 13, 1990, Free Star States, Center back Serbia: Radosav Petrovic - March 8, 1989, Partizan Belgrade, Midfield Denmark: Christian Eriksen - Feb. 14,1992, Ajax, Midfielder Simon Kjaer - March 26, 1989, Palermo, Defender Cameroon: Vincent Aboubakar - Jan. 22, 1992, Valenciennes AFC, Forward Eric Maxim Chupo-Moting - March 23, 1989, Hamburg, Forward Joel Matip - Aug. 8, 1991, Schalke 04, Defender Nicolas N’Koulou - March 27, 1990, AS Monaco, Defender New Zealand: Tommy Smith - March 31, 1990, Ipswich Town, Defender Chris Wood - Dec. 7, 1991, West Bromwich Albion, Forward Slovakia: Miroslav Stoch - Oct. 19, 1989, Chelsea, Winger Vladimir Weiss - Nov. 30, 1989, Manchester City, Winger Switzerland: Xherdan Shaqiri - Oct. 10, 1991, FC Basel, Midfielder Saamaynta soomalida ee koobka aduunka ayaa waxa ugu mihiimsan: waxa koobka aduunka ee maanta ka furmaya dalka koonfur Afrika. Dadka soomaalida ah ayaa si gaara indhaha ugu haya fanaanka soomaaliga ah ee K’naan, oo ka heesaya xafalada furtaanka ee koobka aduunka. K’naan, oo ah nin sooamali ah ayaa waxa lagu maamuusay in uu ka heesho xafalada furitaanka koobka aduunka, K’naan. Ayaan matali doonin oo kaliya dadka soomaalida laakiin waxa uu matalayaa guud ahaan qaarada Afrika waayo sanadkan oo qaarada Afriki ay dhamaateed tahay marti galiyayasha koobka ayaa waxa lagu maamuusay in ay ku darsadaan faanaanka xaflada furitaanka ka heesi doona. Talyaanigu ma difaacan karaan Koobka Aduunka? Iyadoo lagu wado in maanta oo Jimce ah albaabada loo furayo Koobka Aduunka oo ah munaasabada kubadeed ee ugu xiisaha badan marka aad timaado tartamada heerka caalami, ayaa su'aasha ugu badan ee la is waydiinayaa waxay tahay toloow xulka Talyaanigu ma difaacan doonaa koobkan oo uu ku guuleystey sanadkii ugu danbeeyay? iyadoo ay dad badani dood ka qabaan bandhiga ciyaareed ee uu Talyaanigu ku muteysan karo in markii 2-aad oo xidhiidh ah loo cumaamado taashka caalamiga ah?! Talyaaniga oo lagu xanto xul natiijo u ciyaar ah ayaa dabcan u qalmey guushii 2006-dii marka laga reebo kulankii ay Australia ka badiyeen oo ay gool ku laad muran dhaliyay ka ka dhaliyeen daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ay ciyaartu sii dhamaanaysay guushaas oo weliba kusoo beegantay xilli ay su'aalo badani dul hoganayeen kubada cagta Talyaaniga oo ay taagneyd fadeexadii caanka baxday ee ``Calcio Polli`` balse xidigaha Azzuri ayaa dunida inteeda kale u cadeeyey inay dhaawacmeen balse aanay dhiman shucuurtii kubadeed ee Talyaanigu, waxay markii 4-aad hirgaliyeen sanadkii lasoo dhaafay ee 2006-dii. Imika daafaddaasi uma muuqato mid laga arki karo Talyaaniga oo ay laacibiintoodu u muuqdaan dad da’i hayso oo ay waayuhu ka daba yimid waloow aanay ahayn kuwa celcelis ahaan ugu waaweyn laacibiinta kasoo xaadirtay koobka aduunka hadana ``Geed waliba in gubtaa hoos taalla`` oo Talyaaniga in toodaa ku filan, marka aad eegto laacibiinta daxalaystey ee ay ka mid yihiin Gianluigi Buffon, Fabio Cannavaro, Gianluca Zambrotta, Mauro Cammoranesi, Antonio Di Natale iyo Genaro Gattuso waa kuwo gebigood da'da 30-ka dhaafay aragtida guudna waxay tahay inay gaabis noqon doonaan oo tababarku u run sheegi doono maadaama uu ku yaryahiin ciyaartoyda da’da yar ee ay u baahnaayeen. Laakiin Talyaaniga oo badanaaba kasoo baxa meel aan laga filanaynin ayaa loo saadinayaa inuu kasoo fooci karo ugu Yaraan wareega F ee uu kujiro oo uu si dhib yaraan ah ku iman karo wareega 16-aad kahor inta aanay wajihin dalka Spain oo la filayo in ay iska horyimaadaan Spain oo hada ku sugan waayeheedii ugu wanaagsanaa waloow waxoogaa looga fara dhuudhuuban yahay koobka aduunka oo ay mar uun (Semifinal) yimaadeen taariikhdooda. Dalka Talyaaniga oo wareega F kula mataaneysan xulalka Praguay oo uu 14-ka bishan kula ciyaari doono magaalada Cape Town, New Zealand oo ku wajahanyahay 20-ka magaalada Nelspruit iyo ugu dambeyn Slovakia oo uu ku madadaalin doono magaalada weyn ee Johannesberg dalka Talyaaniga ayaa hore ugu guuleystey koobka aduunka sanadihii 1934-38, 1982 iyo ugu dambeeyn 2006-dii. Xulka Talyaaniga ayay ka maqanyihiin oo laga tebayaa lacibiin fara badan oo u qalmey xulka Talyaaniga sida Antonio Cassano, Fabrizio Micoli, iyo Mario Palotelli iyadoo ay ku dhacday arinta ah ``Adigoo xumaa xuun ku cun`` markii uu dhaawac soo gaadhey laacibka kubad sameeyaha ah ee Andrea Pirlo oo ah ah laacibka qudha ee hada isbadal sameeyn kara iyadoo la xaqiijiyay inaanu safan karin kahor kulanka Slovakia oo aan xitaa la hubin, waxana ay taasi cadaadiska ku badineysaa xidigaha kale ee garoonka geli doonta oo kulankii saaxiibtinimo ee Mexico u muuqday inay yihiin hadhkooda la ciyaarayaal taasoo uu tababare Lippi ku adkeystey inay ugu wacneyd layli xad dhaaf ah oo ay sameeyeen oo uu faya qabkooda jidheed gaadhi doono halkii ugu sareysey bilowga koobka aduunka balse xulka talyaaniga ayaa waxa hortaagan su’aasha ah ma difaacan kartaan koobka mise waydin barooran? Xulalka loo filayo in ay guulo waaweyn ka keeni karaan ciyaaraha aduunka. Dalka Brazil ayaa ah wadanka ugu badan ee loo saadaaliyay hanasha koobka aduunka intabadan dadka ciyaaraha falanqeeya ayaa waxa ay carabka ku dhufteen in dalka Brazil sanadkan uu yahay wadanka ugu awooda badan ee la odhan karo iyaga ayaa hanan kara koobka aduuuka, iyaga oo haysta xidiga la isku halayn karo oo ay kamid yihiin KAKA iyo Robinho, isla markaana ka faa’iidaysanaya khibarada tababare Dunga. Dalka labaad ee loo saadaaliyay in ay ku guulaysan karaan koobka aduuuka aya ah horyaalka qaarada Yurub ee Spain. Dalka Spain oo haysta horyaal nimada qaarada yurub ayaa waxa ay muujeen ciyaar wanaag aad u heer saraysa kadib markii ay ciyaarihii isreereebka ku soo baxeen kaalinta 1aad iyada oo aan ciyaar qudha laga guulaysan, xidigaha la xusi karo ee dalka Spain ayaa kala ah Xavi, Torres, Inesta, iyo Fabaregas. Dalalka jarmalka iyo ingiriiska ayaa iyaguna ah wadamo la xusay in ay ku guulaysan karaan koobka. |