Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2376 |
June 13,2010 Jumaada Al-Thaani 30,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ciyaartoyda Ka Qayb Galaya Koobka Aduunka Iyo Kooxaha Ay U Ciyaaran Ee Ka Dhisan Qaarada Yurub Kooxda heysata horyaalka Ingiriiska ee Chelsea ayaa noqotay kooxda ugu badan ee cayaaryahanadeedu ka qeyb gelayaan koobka aduunka, 14 cayaaryahan oo kooxda u cayaara ayaa hada ku sugan koobka aduunka inkastoo kabtanada xulalka Jarmalka Ballack iyo Ghana Essien dhaawacyo dartood looga saaray liiska xulalkooda oo hadii ay caafimaad hayn lahaayeen tiradu intaa kasii badan laheyd. Xidigaha reer Chelsea ee ka qeyb gelaaya koobka aduunku waxey kala yihiin: Ashley Cole (Ingiriiska), Branislav Ivanovic (Serbia), Deco (Portugal), Didier Drogba (Ivory Coast), Florent Malouda (Faransiiska), Frank Lampard (Ingiriiska), Joe Cole (Ingiriiska), John Obi Mikel (Nigeria) oo aan weli qof lagu bedelin, John Terry (Ingiriiska), Miroslav Stoch (Slovakia), Nicolas Anelka (Faransiiska), Paulo Ferreira (Portugal), Ricardo Carvalho (Portugal), Salomon Kalou (Ivory Coast) Guud ahaana ciyaartoyda ka qaybgalayaasha koobka aduunka iyo kooxaha ay u kala ciyaaraan waa sidan. Barcelona oo 13 ka mid ah xidigeheedu ay soo xaadireen koobka aduunka iyadoo marka lagu daro David Villa oo ay hada lasoo wareegeen tirada xidigaha Barcelona ugu qeyb gelaya koobka aduunka ka dhigaya 14 sidaasna kaalinta 1aad kula qeyb sanaya Chelsea, Liverpool 12 cayaaryahan, Kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich min 11 cayaaryahan, Inter, Real Madrid iyo Panathinaikos waxa matalaya min 10 cayaaryahan, Ajax iyo Wolfsburg waxa koobka aduunka usoo xaadiray min 9 cayaaryahan. Waxa min 8 cayaaryahan ku leh koobka aduunka kooxaha Juventus, Udinese, Manchester United, Man.City iyo Tottenham halka kooxaha AC Milan, Hamburg, Stuttgart, Portsmouth, 25, april oo ah koox ka dhisan Kuuriyada Waqooyi iyo kooxda Club Olimpia oo ka dhisan Paraguay waxa ka socda min 7 cayaaryahan.Guud ahaan 204 kooxood ayaa ugu yaraan hal cayaaryahan ku leh xidigaha ka qeyb gelaya koobka aduunka iyadoo 65 kooxood ay min hal cayaaryahan oo keliya uga qayb galayaan koobka aduunka.Arsenal waa kooxda ugu badan ee cayaaryahanadeeda matalaan dalal kala duwan waxeyna ka kala socdaan 8 dal oo ka qeyb gelaya koobka aduunka inkastoo dalka ay ka dhisan tahay ee Ingiriiska aanu hal cayaaryahan kaga jirin markii daqiiqadihii ugu dambeeyey qaranka laga saaray Theo Walcott. Xidigaha Arsenal ugu qeyb gelaya koobka aduunka waxey kala yihiin Abou Diaby (Faransiiska), William Gallas (Faransiiska) Gael Clichy (Faransiiska) Bakary Sagna (Fransiska) Alexandre Song (Kamerun), Carlos Vela (Mexico), Cesc Fabregas (Spain), Emmanuel Eboue (Ivory Coast), Nicklas Bendtner (Danmark), Philippe Senderos (Switzerland) iyo Robin van Persie (Nederland) Kala horaynta horyaalada iyo ka qayb galayaasha ciyaartoyda koobka aduunka: Premir League. Horyaalka dalka Ingiriiska waxaa ka ciyaara 119 ka mid ah xidigaha koobka aduunka u matalaya dalalkooda, waxa kusoo xiga horyaalka Jarmalka oo 83 xidig ku leh, horyaalka Talyaaniga waxaa koobka aduunka u matalaya 79, Spain 59 horyaalka Faransiiskana 43. Afrika. Qaarada Afrika waxa sanadkan u jooga koobka aduunka 138 cayaaryahan laakiin 23 ka mid ah xidigahan ayaa ka ciyaara qaarada Afrika. Dalka Martida loo yahay ee Koofur Afrika 16 ka mid ah 23ka xidig ee ay usoo xusheen koobka aduunka waxey ka ciyaaraan horyaalka dalkooda halka marka la isku daro xidigaha 5ta dal ee kale oo Afrika u matalaya koobka aduunka ay 7 ka mid ah cayaartoydoodu ka ciyiaaraan qaarada Afrika. Dalalka waa weyn. Xulalka wadamada Talyaaniga, Ingiriiska iyo Jarmalka ugu qeyb gelaya koobka aduunka waxey ka ciyaaraan horyaalada dalalkooda halka qaranka Spain ay 3 keliya ka cayaaraan horyaal kale waxeyna kala yihiin Pepe Reina (Liverpool), Cesc Fabregas (Arsenal), iyo Fernando Torres (Liverpool). Dalka Brazil 3 ka mid ah xidigaha u matalaya koobka aduunka ayaa ka ciyaara gudaha ama horyaalka Brazil waxeyna kala yihiin Gilberto (Cruzeiro), Kleberson (Flamengo), iyo Robinho (Santos) waxa kale oo Brazil ka ciyaarayey markii la magacaabay Julio Baptista oo hada usoo wareegay kooxda Roma ee dalka Talyaaniga. |