Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2272 February 10,2010                                                               Safar 25,1431H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Dowladda Erirea Oo Sheegtay In Aanay Taageerayn Dawladda Uu Hogaamiyo Sheekh Shariif Ee Somalia

Nairobi, February 10, 2010 (W.Wararka) -  Safiirka dowladda Eritrea u fadhiga Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegtay in aanay dawladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif taageeri doonin, kana mudnayn dowladihii hore ee Somalia dibada loogu soo dhisay oo aanay aqoonsanayn dawladda Eritrea.

Safiirka dowladda Eritrea ee dalka Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay shalay Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa sidaasi sheegay, kaas oo intaa ku daray in dowladdan uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed aanay wax dan ah oo shacabka ugu jirtaa aanay jirin.

Salaax Cumar oo ah safiirka Eritrea u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda Eritrea aanay aqoonsanayn dowladihii C/qaasim Salaad Xasan iyo C/laahi Yuusuf Axmed isagoo intaasi ku daray in dowladda Sheekh Shariifna ay la mid tahay dawladdihii Somalia dibadda loogu soo dhisay oo Eriterea iska fogeysay inay aqoonsato oo aan

ka turjumayn danaha ummadda Somalia, isagoo intaasi ku daray in Eritrea ay taageersan tahay dowladda Soomaaliyeed oo laga dhex dhiso gudaha wadanka Soomaaliya.

Safiirka Eritrea u fadhiya dalka Kenya ayaa dhinaca kale waxaa uu ka hadlay Cunaqabateyntii dhawaanta la saaray dalkiisa, isagoo sheegay in cunaqabatayntaasi ay tahay mid xaqdaro ah oo ay ka dambeeyeen dowladda Maraykanka iyo Midowga Africa gaar ahaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Burundi iyo Uganda.

Waxa kale oo uu safiirka Eriterea ka hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya dhinacyada ka dagaalama Soomaaliya iyo Eritrea isagoo meesha ka saaray in Eritrea ay xadhiidh la leedahay dhinacyada ka dagaalamaya Soomaaliya gaar ahaan Xarakada Al-Shabaab, waxaana uu warar been ah ku tilmaamay hadalada sheegaya inay hub siiyaan Mucaaradka dowladda taagta daran ee Soomaaliya.

Salaax Cumar ayaa Saxafiyiinta waxa ay weydiiyeen su’aalo la xadhiidha Markii Madaxweynaha dowladda Somalia Sheekh shariif iyo Xubnaha kale ee isbahaysiga dib u xoreynta ay ku suganaayeen dalka Eritrea waxyaabaha ay ka aaminsaneyd dowladda Eritrea waxaana uu sheegay in Masuuliyiintaasi markii hore Magaalada Asmara ay ku ahaayeen dad qaxooti ah markii danbana ay dib ugu soo laabteen gudaha dalkoodii Soomaaliya.