Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2276 |
Fabruary 15 ,2010 Safar 30,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Masuul Ka Tirsan Yemen Oo Sheegay In Al -Qacida Ay Uga Yimaadaan Somaliya Arday Ay Tababaraan Sanca, February 15, 2010 (W.Wararka) - Badhasaabka gobolka Mareb ee Wadanka Yemen Naji al-Zayidi ayaa waraysi uu siiyaya Television-ka Al Caribiya ku ku sheegay in ay Al qacidada wadankooda uga yimaadaan Arday wadamo fara badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya, iyadoo sida uu badhasaabku sheegay ay adkeeyeen soo galitaanka kooxahaasi ee wadankooda. Naji al-Zayidi waxaa uu sheegay in ay Al qacido ka faa’iideysatay jahliga dadka reer miiga ah ee wadamada ay haatan kusoo badanayaan oo ay ka mid yihiin Somalia, Yemen iyo Sacuudiga, taas oo sii kordhisay tirada dadka ururkaasi ugu biiraya dhaqaale la’aanta iyo jahliga oo ka xoog batay. Al qacido waxa ay aruursanaysaa Arday ay wax barto kuwaas oo diinta Islaamka si khalad ah looga dhaadhicinayo, waxaana xarunta ugu weyn ee ardaydaasi lagu tababray ay noqotay Yemen, iyadoo dalalka ugu badan ee laga keenayo ay ka mid tahay Soomaaliya oo qaar ka tirsan kooxaha hoostaga Al qacida ay awood kusii yeelanayaan koonfurta Soomaaliya. Badhasaabku waxa uu sheegay inay dowladda Yemen haatan ay si gaar ah isha ugu heyso gobolada Abyan, Shabwa, Beidhaa, Mareb, al-Jawf iyo Sacda kuwaas oo noqday goobaha ugu badan ee amaan daradu ka jirto, una nugul inay kooxaha Al qacido ay la wareegaan. Naji al-Zayidi waxaa uu gobolkiisa Mareb uu sheegay inay haatan wadaan ilaalo ay si gaar ah soo galootiga Soomaalida iyo dalal kaleba ay ka wadaan inay jiraan dhalinyaro u socda Al qacidada Yemen si ay uga barbar dagaalamaan tababarona ku qaateen. Cumar Faaruuq Cabdi Al mutalib ayaa ka mid ahaa Ardayda ay wax bareen Al qacidada Yemen kaas oo ugu dambayn lagu xidhay isku day fashilmay oo uu ku qarxin lahaa diyaarada Delta Airlines oo ku jeeday Magaalada Detroit ee gobolka Michigan ee wadanka Maryakanka. Dhinaca kale Dagaal yahanada shiicada ah ee Xawthiyiinta ayaa beeniyay in ay afduub u geysan lahaayeen masuul ka tirsan wasaarada arimaha gudaha Yemen kaaso oo sida uu sheegay Kanaalka afka Carabiga ah ku hadla ee Al jazeera maalinimadii shalay xili ay dowladda Sanca kooxdaasi ku eedaysay dilka laba Askari oo ka tirsan cidamada Yemen ee ku sugan gobolka Sacda. Xawthiyiintu waxaa ay been abuur ku tilmaameen tuhunada kooxdooda laga muujinayo kadib wadahadladii maalimimadii khamiista ay kooxdaasi la saxeexatay dowladda Yemen oo in muddo ah uu dagaal kala dhexeeyay. Hogaamiyaha Xawthiyiinta C/maalik Al xawthi ayaa sheegay oo dhnaca Xawthiyiinta u saxeexay xabad joojita labada dhinac ayaa sheegay in ay u hogaan san yihiin xabad joojintaasi, iyadoona aanay jirin wax weeraro ah oo ay dagaal yahanadoodu ku qaadeen masuuliyiin ka tirsan dowlada Yemen. Dowlada Yemen waxaa ay tan iyo sanadii 2004 ay dagaalo xoogan kula jirtay kooxda Xawthiyiinta gaar ahaan gobolka gobolka Sacda ee waqooyiga wadankaasi Yemen, waxaana xabad joojintii maalinimadii khamiista labada dhinac dhex martay ay noqonaysaa tii ugu horaysay oo waayadan si fool ka fool ah u dhex marta kooxahaasi. Dolwada Sacuudiga oo iyaduna qayb ka ahayd dagaalada ay dowlada Yemen Xawthiyiinta kula jirtay ayaan xabad joojin rasmi ah la galin kooxdaasi xili ay dowada Sacuudiga ciidamadeeda xuduuda koonfureed ay u diyaar garoobeen dagaalo ka dhan ah kooxdaasi kadib markii ay isku waafaqi waayeen soo wareejinta lahaystayaasha Sacuudiga ah ee ay Xawthiyiintu dagaaladii ugu dambeeyay oo ay ciidamad Sacuudiga la galeen ay ku qabteen. Dagaalada Xawthiyiinta iyo dowlada Yemen ayaa tan iyo intii ay bilowdeen ay ku barakeceen in kabadan 200,000 oo qof kuwaas oo guryahooda ka barakacy iyaga oo ka cabsi qabay in ay dagaaladu saamayn ku yeeshaan. |