Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2402

July 13,2010                                                                                   Sha'ban 01,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Mareykanka Iyo Britain Oo Cambaareeyey Qaraxyadii Kampala Iyo Al-Shabaab Oo Qiratay Inay Ka Dambaysay Weeraradaasi

Soomaalida Ku Nool Uganda Oo Cabsi Weyni La Soo Deristay Tan Iyo Intii Qaraxyadu Dhaceen

Muqdisho/Kampala, July 13, 2010 (W.Wararka) – Dawladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa si weyn u cambaareeyey qaraxyadii is miidaaminta ahaa ee ururka Al Shabaab ka fuliyay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Madaxweynaha Maraykanka, Obama ayaa isagu weeraradii ka dhacay Kampala ku  sheegay inay ahaayeen qaraxyo fuleynimo.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku bixinayaan taageero walba oo ay uga baahan tahay dawladda Uganda.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda ee Britain, William Hague. oo ka hadlay qaraxyadan ka dhacay Kampala ayaa ku sifeeyay in ay ahaayeen qaar naxariis daro ah.

Ururka argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa qirtay inay fuliyeen qaraxyadii habeen hore ka dhacay laba goobood oo ku yaala caasimada Kampala oo kala ahaa garoon lagu ciyaaro kubbada Rugby-da oo dadweyne ciyaartii koobka aduunka ku daawanayay la qarxiyay iyo hudheel dad Ethiopian ah lahaayeen waxana ku naf waayay isku geyn dad  tiradoodu gaadhayso 74 qof.

Afhayeen u hadlay ururka Al-Shabaab, Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) waxa uu  shir jaraa’id oo uu xalay ku  qabtey magaalada Muqdisho uu ku  sheegay in dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab ay in muddo ahba qorsheynayeen weerarada lagu fuliyey qaraxyada lagu qaaday caasimada dalka Yugandha ee Kampala, oo ay ku naf wayeen 74 qof halka dhawaacuna kor u dhaafay 80 ruux, isagoo intaa ku daray,in  weerarada qaraxyadaasi  bilaw u yihiin qorshayaal ay kaga aar goosanayaan xasuuqa ay ciidamada Ugandha ka wadaan magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kalena sheegay in aanay weeraradaasi joogsan doonin ee ay  sii socon doonaan.

Afhayeenka Al-shabaab Sh Cali Dheere, isagoo la hadlaya madaxda dalalka Yuganda iyo Burundi waxa uu yidhi  “waxaanu ku nidhi marar badana aanu ku celcelinay haddii wiilashiina aad naga ceshan waydaan oo xasuuqa ay ummadayada ku hayaan ka joojin waayaan idinkuna markiina ayaad ooyi doontaan, Madaxdooda calooshood u shaqaystayaasha ahi waxay shacbigoodii ku qanciyeen in baaqa ka soo yeedhay mujaahidiinta Al-shabaab iyo warka ay sheegayaan uu yahay mid dhalanteed ah waxna aanay ka jirin, maanta waxay dareensan yihiin wixii aanu uga digaynay bilawgeedii inay hayaan, waxaanu uga digayney oo aanu ku lahayn dawladihiina u sheega oo aanu ku nidhi wiilashiina qabsada, maantay dhadhamiyeen qeybtii ugu horaysay, waana bilawgii haddii aad wiilashiina ceshan waydaan oo aad dawladihiina ku qancin waydaan inay naga qaataan ciidamadooda, shacabkiinu kama duwana shacbiga muslimiinta Soomaaliyeed, shacabkayagana siday dhibaatadu ugu dhacdo ayey idiinku dhici doontaa idinkana, waxaan leeyahay shacbiga reer Ruwanda hadaad guryahayagii dumiseen guryihiina ayaanu duminaynaa, hadaad dadkayagii layseen dadkiina ayaanu laynaynaa, inta maanta idin gaadhay ee aad la barooranaysaan ma dhama inta wiilashiina aad soo dirteen ee calooshooda u shaqaystayaasha ah maalin ay ka laayaan shacabka Muqdisho, waxaan leeyahay shacabka reer Burundi waad ka liidataan shacabka Yugandha waanad ka awood yar tihiin, maanta tusaale waxa idiinku filan waxa ka dhacay Kampala, haddii aydaan ka fiirsan idinkuna waydun eedi doontaan ”

Waa markii ugu horaysay ee ururka Al-shabaab uu qirto weerar Argagixiso oo lala beegsado meel ka baxsan Somalia, waxaanay sheegashadani xoojinaysaa eedaynta wadamada reer Galbeedku ku eedaynayaan in ururka Al-shabaab uu qayb ka yahay fikirka Jihaadka caalamiga ah.

Dhinaca kale,  Kadib markii habeen hore qaraxyadu ka dhaceen Kampala ayaa la sheegay in  ciidamada Yugandha ee ku sugan   Muqdisho  markii qaraxyadaasi  dhaceen  xaafadaha magaalada Muqdisho ka geysteen duqeymo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaadhsiiyay  dad rayid ah.

Duqeymaha ay xaafadaha Muqdisho ka geysteen ciidamada Yugandha ayaa xaafadaha ugu badan ee ay duqeeyeen waxay kala ahaayeen kuwa ku yaala degmooyinka Yaaqshid, Huriwaa iyo Dayniile, kuwaas oo dad fara badan ay dhibaato ka soo gaadhay.

Sidoo kale duqeyn sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah ayay shalay ciidamada Yugandha ka geysteen xaafadaha degmooyinka Hodon, Hawlwadaag iyo Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, iyadoo tiro madaafiic ah ay ku dhaceen qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, waxayna madaafiicdaasi sababtay dhimashada iyo dhaawac tiro kale oo dad ah.

Duqeymahan oo dhacay iyadoo aanay wax dagaalo ah ka jirin magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo fasiray aargoosi ay ciidamada Yugandha uga aargudanayeen qaraxyadii habeen hore ka dhacay caasimada Ugandha ee Kampala oo dhimasho iyo dhaawac badan sababay.

war ay soo saartay dawladda Uganda ayaa lagu cadeeyay in aanay ka fiirsanayn in ay ciidamadeeda kala baxdo Muqdisho, sidaana waxa bayaamiyay Wasiiru dawlaha arrimaha gudaha ee Uganda, Matia Kasaija, waxaanu tibaaxay in Ugandha ay fulinayso go’aankeedii hore ee ahaa kordhinta ciidamadeeda ka jooga Muqdisho.

Dhanka kale dalka Uganda caasimadiisa Kampala oo ay ku nool yihiin dad badan oo Somali iyo reer Somaliland isugu jira ayaa waxa la sheegay in walaac weyn soo waajahay dadkaasi kaddib markii qaraxyadu halkaasi ka dhaceen, dadkaas ayaa cabsi ka qaba in weeraro aar goosi ah lagu soo qaado.