Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2402 |
July 13,2010 Sha'ban 01,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Sheeg Magacaaga, Kabaha Saar ,Suunkana Siib Xadiis Maxamed Xadiis Saacaddu waxay ahayd 6:30 fiidnimo xiliga magaalada Hargeysa goobtuna waa Hadhwanaag Hotel markii aan halkaa ugu tagay laba kamida koox aanu balan ku lahayn inaanu ka niqaashno [qaybsano] kharashkii ku baxay Aaska Marxuumad ku UMUL RAACDAY Hospitalka weyn ee magaalad Hargeysa oo labada nin ee xiligaa aan goobta ugu imid ay mikood walaalo ahaayeen. Labada wadaad waxay halkaa yimaadeen cabbaar kahor intii aanan anigu soo gaadhin Hotelka oo ahayd halkii aanu balanta kulahayn waxaanay fadhiisteen meelaha loogu talogalay macaamiisha waxka dalbanaya Hotelka inay fadhiistaan. Waxaanay ahayd xiligii ay berito oo kale dadweynaha reer Somaliland ku balansanaayeen inay u gooragalaan goobaha sabaaduuqda codbixinta ee doorashada 26-june 2010. Bulshadana waxaa ku qafillaa dareen ah in uu qofwaliba geestiisa ka ilaaliyo nabagaliyada gaar ahaan ciidamada amaanka u xilsaaran qaybahooda kaladuwani waxay ku jireen heegan aad u sareeya. waxyaalaha ay dadku aadka isha ugu hayeen ama loo arkayey inay amaanka dadka iyo dalka halis gelinkarana waxaa kamid ahaa wadaadada mayalka adag ee wax qarxiye ee horey dhibaatooyinkii la ogaa uga geystay gudaha Somaliland. Sidaa darteed xiligaa gudaha Hotelka waxaa aad looga dareemayey ciidamda amaanka oo gaaf wareegayey goobaha ay dadku ku caweynayeen waxaanay indhaha ciidamada warkoonku aad usoo qabteen labadii wadaad ee dhalinyarada ahaa ee aniga goobtaa igu sugayey. waayo labada wadaadba waxay lahaayeen ama ka muuqday calaamado Diineed gaar ahaan midi waxa uu leeyhay bahal gadha oo ka dheer kii SHEEKH JIILAANI. Midka kalana isagu waxa uu leeyhay inyar oo fiiqan laakiin waxa uu madaxa ku duuban yahay Cimaamad saraawiishuna way u gaa gaabanyihiin sidaa dartreed ciidamada amaanku waxay niyadda galiyeen inay ka tirsan yihiin qolyaha wax kharbuda ee aadka looga taxadarayey inay wax qasaan.balse arinku sidaa muu ahayne labada wadaadba waxay ka tirsan yihiin wadaadadii hore ee Dariiqada ahaa gaar ahaan Dariiqada Sayliciyada oo ah tan ugu badan dalka Somaliland. ee ku xidhan masaajidka Jaamaca weyn ee Hargeysa. Laakiin markaad eegto labsikooda iyo Gadhka weyn iyo saraawiisha gaagaaban qofka aan hoos ahaan u aqoon waxa uu moodayaa inay wax lawadaagaan kuwa wax qarxiya. waxaana miiskii ay fadhiyeen la soo fadhiistay qaarkamida ciidamada wardoonka dabadeed labadii wadaad miiskii intay ka kaceen ayey fadhiisteen meel aan sidaa uga sii fogeyn. Shaki iyo dareen dheeraada ayey taasina kusii xoojisay ciidamadii amaanka waxaanay ula muuqatay in labadaa wadaad lagu daro liiska dadka laga shakiyey jeelkana loo taxaabo,iyadoo ay xaaladdu halkaa marayso laabdii wadaadna ay wali aniga iyo koodii kale ee anau lahayn aad qaybsataan kharashka aaska ay goobtii nagu sugayaan ayaan u imid iyaga oo fadhiya xagga sare ee Hotelka. Dabadeed waxaanu is waydiinay maadaama aanu sugaynay inay noo yimaadaan dadkale oo farabadani inaanu sii fadhiisano meelkale oo ka waasacsan halkan aan ugu imid oo nawada qaadikarta,sidii banau yeelay oo waxaanu fadhisanay meel kale si ay qoladii kale noogu timaado. Kicitaankaasi markale waxa uu sii laban laabay dariinkii loo sii hayey labada wadaad ee dhalinyarada ahaa waxaanu go’aanka kama dambeysta ahi soo baxay in waxayagaba jeelka loo taxaabo. dabadeed iyada oo arinkaasi hoosta uga xcariiqan yahay ciidamada amaanka anaguna aanu wali sugayno inay noo yimaadaan qoladii kale ee aanu sugaynay ayaa lagaadhay salaadii Cishaa’iga. Kadibna waxaanu isla qaadanay sadexdayadiiba maadaama ay qoloadii kale nagasoo daaheen anagun aanu aad u daalaynayn maadaama aanu aad ugu hawloonay qodida Xabaasha oo aad noogu adkaatay inaanu salaadda soo tokono kadibna iska kala hooyano berritana haduu eebe yidhaa aanu isku soo laabano anaga iyo qolyihii kale ee balanta aanu la lahayn. Hadaba markii salaadii Cishaha sidaa looga soo dareeray Masaajidka yar ee ku ku yaala gudaha Hotelka Hadhwanaag waxaanu u soo dhaqaaqnay halkii uu yiilay gaadhi aan watay markii aan sidaa u furay daaqadda ee aan gaadhigii istaadhay labadii wadaadna ay fuuleen gaadhiga waxaa markaliya labada daaqadood naga soo joogsaday kooxdii ciidanaka amaanka oo ileen baryahaaba gaadhka naga hayey. Waxaanay qoorta usoo direen daaqadaha waxaanay igu salaameen “dami gaadhiga oo furaha kasaar sadexdiinuba soo daga oo fuula gaadhigaa waar mee hebal [darawalkii gaadhigii naloo sii diyaariyey in nalagu qaado] kexee nimankaa oo gee saldhigga” kadib labadii wadaad way yaabeen oo intay idhaha taageen bay yidhaadeen “maxaadhacay?waayo midkoodna waligii lama xidhin oo waa markii ugu horeysay oo ay jeelkaba isa salaamaan. Dabadeed maadaama aan anigu kamid ahaa macaamiisha waaweyn ee liisku uga furanyahay jeelka waxaan u sheegay labadii wadaad inay amarka ciidanka qaataan si edeblana gaadhiga u fuulaan. Iyaga oo aamusan sidiibanay ku qaateen amarkii kadibna waxaanu fuulay gaadhiyar oo noociisu ahaa market2 waxaana naloo kexeeyey dhinaca Saladhigga dhexe ee magaalada Hargeysa. daqiiqadoyar ka dib waxaanu soo gaadhnay halkii naloo soo waday ee Jeelka “soo daga oo dhakhsada”ayuu yidhi sarkaalkii madaxa ka ahaa sirdoonkii nasoo xidhay. Markii aanu dagney waxaanu horey u galay gudaha Saldhigga gaar ahaan waxaa nalagu xareeyey qaybta OOBIIGA oo ah meesha ugu horeysa oo ay qofka maxbuska ah uga bilaabanayso cadaabta jeelku waayo kuwa goobtaa kugu siisigaya ee loogu talo galay inay iyagu dadka maxaabiista ah ee lasoo xidhay Diiwaan-geliyaan waa kuwa ugu naxariista daran Police-ka uguna akhlaaqda daran. Waxaanay ugu horeymba igu salaamayaan “sheeg magacaaga oo siib kabaha Suunkana Saar” dabadeed arinka kabo kasaaridda iyo Suunka bixidu waxay ku adkaatay wadaadadii yaryaraa oo aanay horey tanoo kale u soo Marin “AGA waar balaayo badanaa oo hadda mawaxaad naleedahay kabihiina bixiya” “Sheikh Warka joojiy oo saar kabaha” ayuu ugu jawaabay Askarigiina “ waar cajabtaa badanaa oo waligay tan oo kale imaysoomarine waa markii 1aad ee layguyidhaa kabahaaga bixi cajjab? Intaa kadib waxaan nalaga wada saaray Kabihii, Suumashii iyo wixii kale ee qalab ahaa ee aanu siday waxaana nalagu amray inaanu raacno nimankii nasoo xidhay, sidii baanu yeelay waxay nataageen xafiis xidhan hotriisa waxaanay garaaceen telfoonka ninkii naloo geynayey ee xafiiskiisa aanu hortaaganahay. Daqiiqado yar kadib waxaa goobtii noogu yimid anaga oo wali sugeyna sarkaalkii xafiiska madaxad ka ahaa Taliyaha Police Somaliland Maxamed Xirsi Saqadhi Dubadd “yes talye waxaanu sooqabanay nimankan”ayuu mid kamida ragii nawaday kusalaamay General Saqadhi "oo nimanku maxay ahaayeen ayuu ugu jawaabay. Kadibna Saqadhi markuu i gartay intuu isoo eegay ayuu nimankii ku yidhi “shaqadiina qabsada” intuu dib isaga laabtay. waxyar kadib waxaa nasoo gaadhay sargaalkii nalala sugayey oo ahaa isagu nika go’aanka kama dambeysta ah kagaadhayey kiiskayaga iyo waxa nalaga yeelayo. Waxaanu galay xafiiskiisa waxanau nala yeeshay waraysi gaaban isaga naga wada qoray magacyada inkastoo sarkaal kaasi uu kamid ahaa saraakiisha Sirdoonka kuwooda aanu isugu dhaweyn hadana tii may shaqayne waxa uu yidhi si ay cadho iyo waji dadab ka muuqato “ordaya waad xidhantihine raaca ninkaa waar kexee oo jeelka gee” Waanu raacnay waxaana nalagu xereeyey meel ay buux dhaafiyeen dadkii maxaabiista ahaa ee nooga soo horeeyey hooyga aadka u qadhmuun ee Jeelka Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa oo ah meesha aan is leeyahay waa meel bani aadam salka dhigo meeshii ugu nadafaafadda xumayd, waxaanan dareemay markiiba in uu jeelkani yahay kii ugu xumaa xagga muuqaalka todobadii jeer ee layxidhy intii aan arkayey. Waxaanay in dhahaygu markiiba qabteen ragg waaweyn oo aan qaarkood horey isugu baranay jeelashii hore ee aan ku xidhnaanjiray oo meel aad u qadhmuun beerka dhulka kuwadahaya halka ay hareero fadhiyeen dhalinyaro farabadan oo diifta iyo diihaasha jeelku dhalan geyeen sawir iyo sawrac wixii ay hooyooyinkood ku dhaleen. “hayaay waar waa Wariyihii waar caawana maxaa lagugu soo xidhay waar bal halkan soo fadhiiso [gidaarka iyo Sibidhka qaawan”sidaa waxaa igusoo dhaweeyey saaxiibayaal oo aanu iskusoo baranay jeelashiii hore. Halkaa markii ay sheekadu marayso oo aan is leeyahay la fadhiiso saaxiibadaa waxaa isu kaaya qabtay aniga iyo labadii wadaadba qaarkamida kooxaha maxaabiista ku xidhan jeelka oo marba qofka cusub ee lasoo xidho ay caado u tahay inay geeyaan meesha ugu qadhmuunka badan jeelka oo ah xagga ugu dambeysa. Waayo waa meel aan waligeedba sidii loo dhisay Jeelka sanadkii 1974 aanay cidiba hagaajin isla markaana aan la dayactirin waxaana dhexyaala qashinkii iyo xashiishiikii ay kaga tagayeen maxaabiistii lagu xidhayey halkaasi ilaa waagaasi. Waxaanay igu tureen intay sida leexadii Caruurtu ku ciyaarijirtay oo kale sidaa ii wadhfiyeen meel qashin badan oo sida adhigii Barbera lag dhoofinjiray oo kale ay u daadsan yihiin qaarkamida Maxaabiista sanadaha badan ku xidhan halkaasi ee lagu iloobay jeelka Saldhigga dhexe ee magaalada Haryesa. “Waar waabad ladan tahay hadanaay kuwani ku diline aayar qashinkaaga iska barko” Ayaan naftayda hoos ahaan ugu qanciyey, cabaar markii aan halkii fadhiyey ayey kooxdii meesha igu soo tuurtay ii yimaadeen iguna amreen inaan raaco. Waxanan is waydiiyey “waar tolow balaa dhacdaye hadana mawaxay ku geynayaan meel tan kasii qadhmuun badan” ileyn waxaa ii dacwooday labadii nin ee aanu horey ugu soo saaxiibnay jeelashii hore oo yidhi waar waa nin wayne meesha kasoo saara ninka labada kalana ku daaya qashinka hakujireene. Sidii baan kagasoo baxay qashiinkii aan barkanaa waxaanay igu soo celiyeen meel aan iyaduba waxbadan ku dhaamin xagga nadaafadda laakiin waxay kaga fiicnayd waxaad arkaysaa dadka aan maxaabiista ahayn ee meelahaa mar-maraya ama dadka kusoo booqanaya ayaad ka daawanaysaa shabagga ay maxaabiistu idhaha kalaliyaan Ee biraha xadiidka ah ka samaysan. Labadii wadaad iyaga waxaa u dhacay gabal madaw oo markii aan anigu kasoo baxayba waxaa isu qabtay tuugtii Gaangis-ka ahaa oo dadka maxaabiista ah ee lasoo xidho iyagu sii baadha [jeebadahooda] isla markaana garaaca haday doonaan. “Waar miyuu noolyahay bal dhabanadiisa eeg waxa barar ku yaalla laba ninbaa xalay isu qabtay intay is yidhaadeen baadha markay waxba ka waayeena way garaaceen waxaana loo dhigay bahal sabbaaxad ah” “anigana waxay iga garaaceen Kalyaha laakiin waxaan ka qarsaday Madaxa ”sidaa waxaa subixii igu salaamay mid kamida labadii wadaad oo xalay oo dhan higta lagu hayey. Habeenkaa galinkiisii hore waxay saacaduhu igu dhaafeen aniga oo la tacaalaya qadhmuunka gidaarka iyo qabawga Sibidhka aan gogosha lahayn. waagii markuu baryey oo ay saraakiisha Ciidanka Police-ku soo shaqo galeen ayaan meel sare indhaha ku dhuftay sargaalkii madaxda ka ahaa xafiiska sirdoonka ee xarunta dhexe ee Police-ka oo meel maraya dabadeed-na waan ka daba dhawaaqay intaan shabaggii birta ahaa indhaha ka laliyey “taliye goormaad isiidaynaysaan” “kujir kujir meeshaada adaan kuu shaqanayaaye”ayuu iigu jawaabay dabadeed waxaan is idhi malaha dee waxaa shaqaynaysa qaybtii saaxiibtinimadii hore oo saaka waabu kusii daynayaa balse rajadii caynkaa ahaydi waxay beenawday markii aan maqlay dhawaaqqa Aadaankii Salaadda Duhur waayo dabeecadaha siidaynta maxaabiista waxaa kamida mar hadii la gaadho 12ka duhurnimo inaanay Police-ku cidna oodda ka qaadin. Hadaba wixii ka dambeeyey xiligaa waxaan iska iimaansaday qadhmuunka gidaarada jeelka iyo sawaxanka iyo qaylada maxaabiista aan kala go’a lahayn waxaanan bilaabay inaan dhug u yeesho hadalada cayda iyo dhag xumada u badan ee Kaftanka Maxaabiista waxaana ii suuro gashay intaa wixii ka dambeeyey inaan dabagal kusameeyo sababaha ugu badan ee maxaabiista faraha bdani jeelka kusoo galeein iyo waxa lagu soo xidh-xidhay. Waxaana ii soo baxday ragga Maxaabiista aha ee Jeelka kujira inay u badan yihiin kuwa ku eedaysan falalka Tuugo nimada, Dilka Kufsiga iyo arimo Jacayl intaba. Waxaana kamid ahaa sheekooyinkii xiisaha lahaa ee aan kula kulmay Maxaabiista Jeelka Nin Maxbuus ah oo jeclaaday gabadh uu dhalay Maxbuus Jeelka ku caweeynayey in muddo ah islamarkaana kamid ahaa Maxaabiista edebta leh oo ah nin oday reer Xamar ah. Ninkaasi gabadha Sacda waxa uu u jeclaaday si aynaan shaqo ku lahayn waxaana beerkiisa kala jaray dareenka caashaqa iyo Jeelka qadhmuunka badan ee uu u qaaday Sacda oo ah inan aad u dhaban badan oo ilaa heedii sameeyey aanu xubin dhinam u yeelin, waxaa laga yaabaa inay dadbadani isweydinayaan ninkani waaba maxaabiise sideebuu ku qaaday jacaylka gabadha Sacda? Lasoco………………. |