Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2402 |
July 13,2010 Sha'ban 01,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Hadimo jacayl Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo hadimooyinka ay dadka dibada ka yimadaa ku hayaan dhalinyarada is jecel ee dalka iyo siday ugu nugul yihiin waalidku dadka dibada ka yimad ee aan loo tix galin jacaylka lamanaha ee wiilka iyo gabadha iyo guusha uu ku danbeeyo jacaylka runta ahi. Waxa qoray Mukhtaar Cabdi Sheekh (bulshaawi) Mukho4me@hotmail.com (Q.4aad) Maryan oo ka faaidaysanaysa sa laanta wanaagsan ee Hinda ayaa tidhi. “Wow! Salaam qurux badanidaa kaalay aan iskiin baro hadabee wiilkan kolay warkiisa waad haysaaye Hayga khajilsiin ee igaa daa Maryan Wiilkan waxa layidhaa Mustafe wana kaanu nolosha waadigi doono hadii alle isku kayo simo Marki ay intaas tidhi Maryan ayay Hindi iska baxaday waxaana hadalkii la wareegay mustafe oo yidhi; Inantii waad ka xishood sisay Maya ee waan is kiin barayay oo kaliya macaaan Wayahay inta uuu yidhi ayuu ku yidhi; Hadaaan caawa ku yidhaa ii cadee inaad I jeceshahay maxaad iigu cadayn lahayd Inta ay cabaar fikirtay ayay ku tidhi; Indha isku qabo anaa kuu cadaynaaya jacaylku halka uu iga gaadhsisan yahaye Mustafena isku qabtay ayay Dhunkasho aad u naxariis badan ka dhunkatay labada dhaban iyo sujuuda marakasay ku tidhi kala fur indhaha hadaba si aad iigu sheegtid intaa aan ku jecelahay ileen adaa cabirayaye inta uu aad eegay indha Maryan ayuu heestan isagoo ku lu qaynaya ku yidhi; Damiir hal adeegnimiyo quruxda lagu daahayee darandar indhii arkaan marnaba daymada kadaaline timaha kala degay dusheediyo oo ilkaha dabarkaley dilee waxaan dumar daydayoon mid iidana raadiyaba hadaan taan doonayee illaahay kaducaysan jiray anagu dejiyeyshelnee rabbow isu kaaya daaa dadnimo dhaqankeeda iyo quruxda lagu deyrayee dadkaba ruuxaysbartaan kolnaba diiqad aanan gelininee degeni socodkeeda iyooooo oooooooo dibnaha madowgaleey dileeeee waxaan dumar daydayoon mid iidana raadiyaba hadaan taan doonayee ilaahay kaducaysan jiray anagu dejiyeyshelnee rabbow isu kaaya daaaa Jacaylkaagu waxa uu ila mid yahay si aanan qiyaasi karayn hadaan ku idhaa waxanku qiyaaso ma garanayo maad ila yaabi macaan runtiina waxan ahay mid daradaa la il daran jacayl aan jacelaahay inuu midha dhalo Xiisaha jacaylka ee dhex maray kadib waxa ay dib u bilawdeen sheeko aad iyo aad u xiiso badan, xiisaha jacaylku ayaa laga dheehan karayay labadoodaba habeenkaas marwalbana waxa ahayeen qaar isku niyad san oo aan hadalka lakala khajilayn dareenkooduna uu isku mid ahaa raalina kuwad ah in ay nolosha wadagaan ilaa ay ka gaadhsinayaan heer mustaqbal oo intifaac leh iyo nolol wanagsan leh Kulankan oo jawi Dagan ugu dhamaday oo aad iyo aad u heer sareeya kan xiisoo iyo xamaasadd badnaa kuwoodi hore waxay sidii ahaataba waxa Maryan iy Mustafe jacaylkoodi ogaaday dhamaan dadki xaafada iyo dhalinyaradiiiba waxaanay noqden dad lagu sheekaysto marwalaba oo la soo hadal qado midkood waxay sidaa ahdaana waxa ogaaday akhirkii xaafada Maryan oo ah dad lacag lay ah kana xumaa in inantooda lagu arko inan yar oo aan waxba haysan si ay taas uga hortagaana waxay Maryan u sameyeen wakhti cayiman oo aanay dhinacna u dhaafi Karin lakiiin laba is jecel isku raali ah dadkoo dhana iska xushay ma wayaan si ay ku kulmaan waxay kulmi jireen malin walba marka nusasacaha iskuulka la gaadho jacaylkooduna waxa uu ahaa mid sii xogaysta ee aan waxba u noqon turturo walba oo loo dhigo kuna qanac sanayeen in ay dhib iyo dheefba wadagaan ilaa inta ay ka midho dhalinayaan Maryana waxay ahayd mid marwalba telephonka kala soo hadasha Mustafe iyadoo ka cabanaysa sida loogu didaayo inay guriga ka soo baxdo waxaanay marwalba ku oo dhan jirtay “Marwalaba ka fikirkaaga ayaan la ildaranahay iyo sidaan kula kulmaayo waxaan jecelahay in aan kula kulmo malin walba iyo xili walba macaan” Waxay saamyan wayn ku yealaatay hadalkaasi dabecadihii Mustafe iyo dhaqankiisii iyo fikirkiisiiba waayo waxa la qayb satay maryan su’aalaha marwalaban maskaxdiisa ka dhex guuxayay waxay ahayeen qaar ku salaysan mustaqbalaka iyo nolosha ay wadaagi donan Maryan waxaanu ku tirabi jiray heeso jacayl ah Gabadh yahay kalgacalbaad goortaan ku eegoba qalbigayga gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad i gaadhsiin Arin wuxuu sidii ahadaba waxaa lagaadhay fasaxi iskuulka Mustafena waxa uu u sheegay Maryan inuu doonayo inuu booqdo xafadodii kana soo war helo markii uu intas maryan telephone uga sheegay ayay ku balameen inay caawa is arkaan si ay isku sii maca salameyaan goor ay tahay 9 habeenimo ayay ku kulmeen meel aan sidaa uga durug sanayan guriga Maryanyo waxaanay fadhisteen meel aan laga arki karayn waxaana u bilaabantay sheeko ku salaysan jacayl ay doonayaaan inay ka midho dhaliyaan iyo dardaran mid walbaa kan kale la si dardaarmayo inta lakala maqan yahay afka Maryana waxa ka soo baxayay habeenkaas erayo jacayl oo aad u xiiso badan ku jecliyaa dadkana kugu jecliyaa runtiina waxan ka warwarayaa sidaan u nolaan doono adiga la’aanta marwalbana waxan ahaan doona mid adiga uun kaa fikirta runtiina waan ku jecelahay Mustafe oo aad u dareemay siday gacalisadiisu uga xun tahay tagitaankiisa ayaa yidhi, jacaylkaaga iyo lajoogaguba waxay nafatayda u yihiin farxad aan la soo koobi karayn marwalban markaan ku arko ayaan dagaa oo ay naftaydu kugu xasishaa lakiin runtii intaa aan maqanahay u malayn mayo inan nolol dagan ku nolaan doono waxanan kugu la dardarmayaa inaad jacaylka halkaaga ka sii xejiso dhib wal oo uu kugu qaatona aad u samirtid waayo samraa ayaa sadkii hela ,dartaa waxan ahay mid aan garanayn waxan adiga ahayn naftayda jacaylkaagu waxa uu ka dhigay mid aan jiif iyo joogba aan xamilayn cuntana aan cuni Karin talaabo wal oo aan qaadana adigaa ayaa iiga dhex muuqda markaa waxan macaan kaa codsan lahaa in aan soo noqdo jacaylkeena oo halkiisiya aadna waan kuu jecelahay’ Maryan oo ahayd dhagayste fariin jacayl iyo waano iyada ku soco ta ayaa aad daremaysay ilmada indhaheeda ku soo taagnayd ayay tidhi; gacaliye balan daro waa diin daro aniguna waxan kuu balan qadayaa inaad igu soo noqoto anigoo wali sidaa kuu ah kuna jecel waligayna ku maan hamiyin nin aan adiga ahayn inan nolosha la wadaago una malayn maayo inuu I calman doono qof aan adiga ahayn inshaa allah waxan kuu rajayanayaa inaad soo noqoto adigoo nabada reerkina kaga soo waranto nabad qab badan iyo barwaaqo marwalban anigu waxan ahaan donaa mid adiga ku sugta Kadib wedhahaas jacaylka iyo balanta isugu jiray waxay ku balameen inay aroorta ugu timaado istaanka laga raaco babuurka. Habeenkaas waxa uu ahaa habeen ay wadageen jacayl aad u xeeldheer oo mid waliba intii uu jeclaa kan kale libin laabkiis ay is sii jecladeen runtiina aad modaysid inay jacayl dartiis habeenkaas isku dul ooyayeen sida ay iskugu niyad samayeen waagii markiii uu baryay Mustafe waxa uu u xamaan uruursaday dhinacaa iyo istaankii maryana goor horeba way soo jarmaaday waxaanay ku kulmeen istaankii markiibana gaadhi dhaqaqaya aayuu helay inta uu shandadii soo dhigtay gadhigii ayuu maryan u soo noqday markaasu ku yidhi isagoo Maryan ku bilaabay waano kana cabsi qabay in jacaylkiisu ka baydho tubtii saxda ahayd waayo sida lagu helo ayaa aadag jacayl kan oo kale ah oo raali laysku yahay dhib iyo dheef la waadaago marwalba lawada faraxsan yahay waxanu hadal kiisu u badnaa waano iyo dardaran jacayl waxaana hadaladiisi ka mid ahaa Runtii waxan jeclahay in aan nolosha wadaagno kana midha dhalino riyadeena ah in aynu nolosha wadaagno iskuna noqono xaaji iyo oridiis markan soo noqdana waaxan kuu balan qadayaa in aan hore u sii socono waxanan kaaga tagayaa xubidaydaay amaano jacayl oo aan wada beeranay kuna soo noqdo adigoo nabad iyo caano ah iasgoo hadalkii wada ayuu gadhigi hoonkii u tumay is maca salameyeen iyadoon Maryan walilahadlin jecelna inay la hadasho oo ay kal sooni badan oo jacayl sii gashato waxaanay halkii tagnayd ilaa intii uu gadhigii ka sii qarsoomayay iyadoo kolba u gacan hadinaysa isna uu daqada uga soo gacan hadinya isagoo ku daraya in uu gacantiisa dhunkado hawadana u soo raaciyo iyaduna sidoo kale waxaanay halkii ka soo dhaqaaqday Maryan iyadoo aad modid in ay tabcaan tahay oo aan dhaqaqi karayn. La soco……. |