Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2403

July 14,2010                                                                                   Sha'ban 02,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Shirkadda Dhoofinta Iyo Suuqaynta HilibaXoolaha Ee Burco Oo Ay Iska Kaashadeen Muwaadiin Iyo Malaysiyaan Oo Xalay Lagu Dhawaaqay Cida Qandaraaskeeda Ku Guulaysatay

Hargeysa, July 14, 2010 (Haatuf) – Shiradda dhoofinta iyo suuqgeynta Hilibka xoolaha ee Burco ayaa xalay lagaga dhawaaqay Hotel imperial ee magaalada Hargeysa, cidda ku guulaystay qandaraaskeeda dhismaha iyo Saamiyo (shares) ay u soo bandhigtay dadweynaha.

Qandaraaska dhismaha Shirakadan oo ay ku guulaysatay Shirkadda Dhismaha Warsame Siciid Construction Company oo uu qof waliba ku darsan karo Shares, Shirkadda Dhoofinta iyo Suuqgeynta Hiliba Ee Burco ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Cusub ee la doortay C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Marwo Edan Aadan, Faadumo Siciid, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Safiirka Somaliland u Fadhiya Maleesiya Mr. Cabdirasaq iyo C/casiim Mustafe oo u dhashay dalka Maleeshiya kana mid ah masuuliyiinta shirkadda iyo Marti sharaf kale.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Maamulka Shirkadda Mr. C/rasaaq Xaaji Xuseen, kaas oo hadalkiisa ku bilaabay sidan:- “Markaa insha’alaahu Tacaalaa Shirkaddani waxa ay dhoofin doontaa Hilib la qalay oo loo iibgeyn doono caalamka Hilibka u baahan, heshiiska ay labada daraf ku shuraakoobeen waxa uu ku shalaysan yahay in ganacsatada Soomaaliyeed yeeshaan warshada Boqolkiiba 51%, Darafka Maleeshiyaanka ahina waxa uu yeelan doonaa boqolkiiba 49%, heshiiskan aanu la galay Maleeshiyaanka waxa ay nalagu la heshiiyeen in aanu bil walba u dhoofino dalka Maleeshiya 20,000 Kontaner oo Hilib ah, Kontaner-kiiba waxa uu ka kooban yahay 26,000Kg oo Hilib ah, waxa kale oo iyana heshiiska ku jirta in aanu Bil walba u dhoofino 10-Kontaner oo Hilib ah oo Hilibka Adhiga ah, kii horena waa ka Lo’da, labada sano ee u horeeya waxa maamulka warshada wadi doona khubaro ku takhasustay warshadaha oo ka socota dalka Maleeshiya, marka labada sano dhamaato waxa inoo tababi doonaan shaqaalaheena u dhashay Somaliland, isla markaana xilka Warshada iyo wadidiisa ay la wareegi doonaan, Maleeshiyaan waxa ay inaga caawin doonaan dhismaha iyo  warshada iyo qalabaynteeda, baadhistaanka xoolaha la qalayaha oo ay baadhi doonaan Dhakhaatiir ku takhasustay Cilmiga Xoolaha, waxa ay ina siin doonaan Sayntifik, taas oo cadayn doonta in xoloolaheena Hilibkooda loo iib geyn doono caalamka oo dhana lagana isticmaali doono, waxa ay inaga caawin doonaan tobabarka shaqaalaheen, dhismaha warshadu waxa uu socon doontaa muddo toban bilood ah sida qorshuhu yahay Kadib waxa ay warshadu bilaabi doontaa qalistii iyo diyaarintii iyada oo eegaysa xoolaha Soomaalida, maantana waxa aanu halkan ku bixin doonaa qandaraskii lagu dhisayey Warshada, run ahaantii waxa aanu dhagax dhiga warshada ku samaynay dabayaaqadii bisha January mudadaa ka bacdi waxa aanu sugaynay oo Maleeshiyaanku sugayeen in doorashadu inoo dhacdo oo maalgashiga ay samaynayaan uu noqdo mid ay ku kalsoon yihiin dawladd dhisan oo muddo dheer shaqaynaysa ay la sugayeen”.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay C/casiis Mustafe oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkadda isla markaana ka soo jeeda dalka Maleysia, kaas oo ugu horayn u mahad naqay dadkii ka soo qayb galay xalfadda, kana waramay hanaanka ay shirakadu u shaqayn doonto.

Madaxweyne ku xigeenka Cusub C/raxmaan Saylici ayaa isaguna hadal uu halkaasi ka jeediyey sheegay in xisbiga uu dhiiri galinayo Ganacsiga iyo Shirkaddaha Gaarka ah Privete Sectors sida ku cad Barnaamujka Siyaasada Xisbiga Kulmiye.