Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2404

July 20,2010                                                                                   Sha'ban 08,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Sool Oo Ka Warbixiyey Xaalada Amaan Ee Gobolkaas
Laascaanood, July 20, 2010 (Haatuf) - Badhasaab k/xigeenka Gobolka Sool Maxamuud Cabdi Dhinbiil Daad ayaa waxuu shalay shirjaraadi ku qabtay Hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood shirkan jaraaŽid oo uu ku casumay saxaafada ka hawl gasha gobolka Sool ayaa wuxuu kaga warbixiyey xaalada amaanka ee degmada Laascaanood iyo tan gobolka Sool.
Shirkan jaraaŽid ayaa waxuu ka danbeeyay ka dib dhawanahan xalada amaanka gobolka oo laga dayrinayay iyo dhawr sarkaal oo lagu dilay magaalada laascaanood gudeheeda.waxaana kugu danbeyay Gudomiyhii maxakamada racfaanka gobolka Sool Alle ha naxariistee Saleebaan dheere oo habeen hore lagu dilay magaalada laascaanood.
Wuxuuna G/Xideenku ka gaabsaday in ay xaalada amaan xumo ka jirto gobolka sool isagoo ku tilmaamay arimahan qaar lamid ah waxyaabah beryahan danbe ka dhacayay caalamka.
Qudbad dheer oo uu jeediyay g/xigeenku ayaa wuxuu ku sheegay in ay saxaafada iyagu isugu yeedheen si ay ugu sheegaan xaalada amaanka gobolka iyo mandaqaduba halkay marayso wuxuna sheegay in xaalada amaanka ee gobolku ay hada tahay mid fiican.
Waxa aanu sheegay in ay jiraan dilalka indhawaydba ka dhacayay gobolka oo uu sheegay in ay tahay waxa caalamka iyo somaliland iyo somalida kaleba ay laqabaan waloow ay tahay ayuu yidhi wax somaliland ku cusub oo somalida kale ku badan.
G/xigeenka oo hadalkisii sii wata ayaa waxuu TACSI tiiranyo leh u diray ehelsdii iyo asxaabtii iyo waliba qaranka somaliland oo uu ka geeriyooday marxuun Saleebaan Jaamac Ciise Gudoomiyhii Maxakamada Sare ee racfaanka gobolka Sool oo habeen markay saacadu ahayd 7:15 toogasho lagu dilay magaalada Laascaanood.
Saxaafada oo waxka waydiisay G/xigeenka gobolka in dilkii habeen hore dhacay wax cid ah loo qabtay ayaa waxuu sheegay in dad loo qabtay tiro badan dadkaasi cida ay yihiina aanu ka hordhacayn loona saaray gudi police-ka ah oo badhitaan wada gudidaasi waxay soo saartana anu hada ka hodhacayn.
Waxuna sheegay in gudidaasi ay ku jiraan Sadexdda taliye qaybeed ee xaafadaha magaalada iyo taliyaha C I D-da ee gobolka ayna hada hawshu meel fiican umarayso.
sidoo kale G/xigeenku wuxuu ka hadlay dagaalka shalay ka dhacay degmadda Widhidh wuxuna sheegay in dagaalkaasi uu dhacay wax war ah oo ka ay wariyayshu hayaan ka fiican aanu ka hayn, isagoo sheegay in shalay dagaal iyo xabad laga daalay kuwa dagaalka soo qaadayna ku tilmaamay kuwo aan waxba kala garanayn oo iyadoo maanta lagu jiro 2010kii Xabadii soo bilaabmatay 88-kii ee laga soo gudbay ay maanta socoto anigu waxaan u arkaa nasiib daro aad u wayn cidkasta oo ka shaqaysana waxaan ugu baaqayaa dhiig daata waxaa ka roon wada hadal isu imaatin is qancin lakiin anigu cidii kale ee doonaysa in ay dhiig daadiso anugu waxaan u arkaa in ay mashruuc kale wadato umana arko cid wax dilaysa in ay dan somaliyeed mid somaliland midna in ay wado uma arko waxan leeyahay arintaasi waa in laga fiirsada.