Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2411

July 23,2010                                                                                   Sha'ban 11,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Nabar Aan Dawoobeyn

Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo qayb ka mid ah Jacaylka Casriga ah ama Loo adeegsado aaladaha wakhtigan dhalinyaradu ku mamtay ee Internetka. Waxa qoray Cabdulqaadir Maxamed Wacays(Q.2aad)

“Idman, xabiibi, maqalka codkaagu wuxuu igu sii kordhiyey jacaylkii aan kuu qabey, waxaan Eebe ka baryayaa inuu noo suurtageliyo in aan is aragno…,” buu mar kale ku yidhi.

“Xabiibi, Shirwac, aniguna sidoo kale, waanse is arki doonnaa haddii Eebbe isu keen qoray,” bay si dhiirran ku tidhi iyadoo aad mooddo in markan uu xishoodku kasii ba’ayo.

“I love you…Waan ku jeclahay, Idman,” buu ku yidhi intuu codkiisii hoos u dhigay siddii qof ilmaynaya.

“I love you too…Aniguna waan ku jeclahay, Shirwac,” bay ku tidhi. Idman intay is celin kari weydey bay is-aragtay iyadoo ilmaynaysa. Waxay qaadi kari weydey oo jidhkeeda gilgiley culeyska erayga ugu xoogga badan erayada oo dhan ee ah ‘Waan ku jeclahay’. Inkastoo aanay ahayn markii ugu horreysey ee lagu yidhaahdo ‘Waan ku jeclahay’, misana waxay ahayd markii ugu horreysey nolosheeda ee ay si dhab ah u rumeysatay in la jecel yahay!!!.

Idman iyo Shirwac habeenkaas waxay taleefanka ku wada hadlayeen muddo afar saac ah. Idman Waxay keligeed yuururtey daaradda guriga oo mugdi ahayd. Gurigoodu wuxuu ku yiil xaafadda Garsoor oo caan ku ahayd kaneecada. Dad badan ayaa xaafaddaas uga guurey kaneeco darteed. Idman habeenkaas waxay wehel u noqotay kaneecadii xaafadda Garsoor ee albaabada iyo daaqadaha laga soo xidhay. Kaneeco tira badan oo sidii Ayixii raxan-raxan u socota ayaa cuneysey meel kastoo jidhkeeda ka mid ah. Laakiin iyadu ma aysan dareemeyn xanuunka kaneecadaas dhiigga ka jaqaysey, waayo waxa ruxayey oo illowsiinayey dareen kaloo ka xoog weyn.

Hooyadeed oo Aadaankii koowaad ee Salaadda subax ku toostay, intay albaabkii qolkeeda iska furtay bay dibedda usoo baxday. Waxay daaradda guriga ku aragtay gabadheedii oo keligeed dhex yuururta, taleefankana dhegta ku haysa. Idman wax shanqar ah ma aysan dareemin. Xitaa furitaanka albaabka iyo dhaqdhaqaaqa hooyadeed ma aysan maqal. Waxay ahayd maqane-jooge. Qolfoofteeda uun baa daaradda dhex fadhidey mooyee niyaddeedu meel kale bay ka heeseysay. Waxay dhex dabbaalanaysey hirar ay rogayeen mawjado xoog badan. Dareenkeedu wuxuu Miniyaabolis kula caweynayey gacaliyaheed.

Nuuro intay gabadheedii usoo dhowaatey iyadoo yaabban oo cabbaar dhageysatey erayadii afkeeda kasoo baxayey bay kaga nixisay: “Hooyo, sidaan waa doqonniimo, orod oo seexo, maxay tahay ‘Adigaan ifka kuugu jeclahay’, naa wax iskula har, waxaanse ka baqayaa in mar kale jacayl aan jirin laguugu luggooyo oo aad dabin kale lugaha la gasho. Wacad Alla, qof waalan baad u egtahay…Naa orod oo seexo…”

Idman intey sheekadii taleefanka si deggan usoo gabagabeysey bay qolkeedii gashay iyadoo aan hooyadeed u jawaabin. Habeenkaas waxay u ahayd habeen farxadeed. Ma aysan seexan. Sariirta uun bay ku galgalaneysey. Qaybta xusuus-dhowrka maskaxdeeda ayaa kolba ugu soo celcelineysey sheekadii dheereyd ee dhex martay iyada iyo Shirwac, waxaana daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa kusii kordhayey jacaylkii ay u qabtay. Erayadii jacaylku ka da’ayey oo ay is dhaafsanayeen ayaa ku reebay xusuus aan marna guuri doonin. Idman iyo Shirwac waxay habeenkaas ku heshiiyeen in habeen kasta ay taleefanka ku wada hadlaan.

Aroortii waagu markuu beryey bay indhaha is gelisey. Hase yeeshee, wax yar kaddib waxay indhaha ku kala qaadday goor barqo ah hooyadeed oo dul taagan iyadoo leh: “Naa, hurdada ka kacoo quraaco, anigu ma garanayo danta aad leedahay, dan baadse leedahay, runtaase laysugu tegayaa, habeen kasta taleefan baa lagu dhafrayaa. Allow sahal amuuraha.”. Idman iyo hooyadeed aad bay isu jeclaayeen, mararka qaarkoodna waxayba u sheekeysan jireen sidii laba gabdhood oo saaxiibbo ah. Sidaas darteed, Idman inta badan waxba Kama soo qaadi jirin erayada ay hooyadeed kula kaftanto, waxayna qabtay kalsooni buuxda oo ah in rabitaankeeda aanay marna caqabad ku noqon doonin.

“Haye hooyo, haye hooyo macaan,” bay ku jawaabtay intay jiifka ka kacday oo sariirta ku fadhiisatay iyadoo weli hurdeysan. Waxay eegtay saacaddii u xidhnayd. Waa 10:00kii barqanimo. Intay maryaheedii haabhaabatay bay suuliga gashay. Wax yar kaddib bay usoo baxday daaradda guriga oo ay fadhiyeen hooyadeed iyo gabadh walaasheed ah.

“Hooyo, rasaastii tirada badnayd ee xalay la is-weydaarsanayey maxay noqotay,” bay hooyadeed weydiisay intey isasoo hordhigtay quraacdii loo dhigay.

“Hooyo, waxaa la yidhi, labadii reerood ee maalmahanba isku dilayey koofurta Gaalkacyo ayaa xalay mar kale is miray. Waxa la leeyahay, afar qof ayaa labada dhinac isaga dhintay.”

Idman iyo hooyadeed in cabbaar ah bay sheekeysanayeen. Waxay sheekada ku maaweelineysey hooyadeed. Waxay ka warwareegeysey in xaaladdeeda cusub ee beryahan wax laga weydiiyo. Markey quraacdii dhammaysatay intey istaagtey bay qolkeedii gashay.

“Naa heedhe, sheekadaas waa la innooga daran yahaye, maxaa cusub, adiga iyo Shirwac xaggee wax idiin marayaan?” bay Hodon lasoo boodday markey iyada iyo saaxiibteed Idman cabbaar ku fogaadeen sheekooyin kale oo ku saabsanaa gabdho iyo wiilal ay asaxaab ahaayeen. Hodon iyo Idman waxay ahaayeen saaxiibbo isku dhaarta. Waxay ahaayeen sheeko-wadaag hoose oo xanta isku qarsada, taladuna ka dhaxayso.

“Xalay, Shirwac baan taleefanka ku wada hadalnay,” bay Idman ugu bishaareysay saaxiibteed iyadoo wejigeedu farxad la iftiimayo.

“Warka isiihee…Si fiican ma u sheekeysateen?” Bay weydiisey.

“Haaheey. Afar saac baan wada hadleynay. Waaba la igu dul addimay. Runtii aad baan codkiisa iyo sheekadiisaba uga helay. Waa sidaan ku qiyaasayey. Waa nin caqli badan, cod macaan oo baarri ah. Run ahaantii, jacaylkii aan u qabey aad buu iigu sii kordhay.”

 

“Waan ku faraxsanahay. Hadda maxaad ku heshiiseen?.”

“Waxaan ku heshiinnay in uu Gaalkacyo yimaado oo aan isku mehersanno, kaddibna aan Dubai ku aqal galno, halkaasna aan iska sii joogo inta uu ii samaynayo sharcigii aan Mareykanka ku tegi lahaa.”

Hodon waxaa xusuusteeda mar qura kusoo maaxdey sheekooyin badan oo noocan oo kale ah oo ugu dambeyntii ku dhammaaday guuldarro iyo luggooyo. Waxay soo xusuusatay gabdho iyo wiilal badan oo inta lagu beerdulucsaday ‘Waan ku jeclahay’ iyo ‘waan ku dhoofsanayaa’, meel cidla’ ah looga dhaqaaqay kaddib markii laga gaadhay dantii gaabnayd ee laga lahaa. Waxaa horteeda kusoo sawirmay gabdho iyo wiilal badan oo inta lagu yidhi ‘Nayroobi ama Addisababa imaada si aan idiinkaga dhoofinno’, dabadeedna looga baxay ballantii, kaddibna markey gaajoodeen ay dantu badday in ay jidhkooda iibsadaan si ay u noolaadaan. Armey saaxiibtaa ku dhacdaa dabinnadaas, bay Hodon niyadda iska tiri. “Idmaneey, ma hubtaa in uu Shirwac ku jecel yahay?” bay Hodon saaxiibteed kaga nixisay iyadoo si toos ah indhaheeda u eegaysa.

La soco…………….