Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2412

July 25,2010                                                                                   Sha'ban 13,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Nabar Aan Dawoobeyn

Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo qayb ka mid ah Jacaylka Casriga ah ama Loo adeegsado aaladaha wakhtigan dhalinyaradu ku mamtay ee Internetka. Waxa qoray Cabdulqaadir Maxamed Wacays(Q.3aad)

“Idmaneey, ma hubtaa in uu Shirwac ku jecel yahay?” bay Hodon saaxiibteed kaga nixisay iyadoo si toos ah indhaheeda u eegaysa.

Maxaad ka waddaa?” bay Idman lasoo boodday iyadoo naxsan. Malaha Hodon xog dheeraad ah oo ku saabsan Shirwac bay heshay, bay niyadda iska tidhi.

Wax kale ma aha ee waxaan ka baqayaa inuu ninkaas meel cidla’ ah kaaga dhaqaaqo, hadhowna aan weyno meel aan u raadinno. Waxaan ka baqayaa inuu is yidhaahdo ‘Waa gabadh Soomaaliya joogta ee uga faa’iideyso Mareykanka ayaan ku geynayaa’. Waad la socotaa in Gabdho iyo Wiilal badan sidaas lagu lug-gooyey.”

Abbaayo, waan hubaa inuu i jecel yahay. Sababtoo ah hadduusan i jeclayn waxaas oo wakhti iyo kharash ah iskama lumiyeen. Maraykankaba gabdho Soomaaliyeed waa ay joogaan. Waan hubaa inuu i Jecel yahay. Waan hubaa inay dhab ka tahay. Waan hubaa in aanu cidla’ igaga dhaqaaqayn…”

Waa war fiican. Goormuu imanayaa?.”

Laba toddobaad kaddib.”

Hooyo ma u sheegtay?.”

Maya, weli uma aanan sheegin, toddobaad kaddib baan rabaa in aan u sheego, laakiin xaggeeda wax welwel ah kama qabo. Aabbe isagana sidoo kale baan filayaa.”

Idman iyo Hodon sheekadu aad bay iskugu bixi jirtey. Mararka qaarkood, maalin dhan bay wada joogi jireen. Laakiin maalintaas iyagoo aan weli kala sheeko bogan bay Hodon maqashay guuxa baabuurkii walaalkeed oo albaabka kasii baxaya. Intay Idman xaggeeda eegtay bay ku tidhi: “Maad baabuurka abboowe Mahdi sii raacdid mar haddaanad ila qadaynayn?.”

Waan jeclaan lahaa in aan kula qadeeyo oo aan kula sii joogo, waxaanse kusii cararayaa gurigii oo ay hawl badani ii taallo,” bay Idman ku cudurdaaratay.

Hodon intay istaagtey oo dibedda u baxday bay walaalkeed ku tidhi: “Abboowe, wax yar sug aad Idman gurigeeda kusii tuurtide”. Dabadeed, Idman intey dibedda usoo baxday oo ay Hodan is macasalaameeyeen bay kursiga hore ee baabuurka fadhiisatay.

Idman waxay baabuurkii kaga degtey gurigooda hortiisa iyadoo uu dareenkeedu kacsan yahay. Intey guriga gashay bay toos qolkeedii u abbaartay iyadoo aan meel kale ku leexan. Idman dareen cusub ayaa kusoo kordhay. Iftiinkii rajada mustaqbalkeeda ee tan iyo xalay u bidhaamayey ayey daruur weyni ka qarisay. Hadalkii saaxiibadeed Hodan ee ahaa ‘Ma hubtaa inuu ku jecel yahay…Armuu meel cidla’ ah kaaga dhaqaaqaa oo hadhowna aan weynaa meel aan u raadinno’ ayaa ku dhaliyey dareen cusub oo cabsi iyo welwel badan. Intay hor istaagtay muraayad weyn oo qolkeeda dhex taalay siddii tiiyoo sawir laga qaadayo bay billowday inay muraayadda iska dhex daawato. Idman intii ay muraayadda iska dhex daawanaysay waxa iskumar xusuusteeda ku kulmay sheekooyinkii nolosheeda; Maalmihii farxadda iyo kuwii murugada. Dabadeed, waxay billowday in ay is-barbardhigto waayaheedii Mombasa, Nayrobi, iyo haatan oo ay joogto magaalada Gaalkacyo.

Waxa horyimid berri-samaadkii Mombasa iyo jacaylkii ku helay carruurnimada, iyo weliba guuldarradii uu ku dhammaaday. Wiil yar oo hal mar uun ku yidhi ‘Abbaayo waan ku jeclahay’ bay maryaha u dhigatay, nafteedii oo dhanna u hibeysey. Waxayba ku sigatay inay cidlo kula go’doonto, laakiin hooyadeed oo karti Haweennimo u dhalatay ayaa ka badbaadisay godkii ay ku dhici lahayd. Wiilkii ay jeclaatay, kaddib markey hooyadeed wareysatay, wuxuu xitaa garan waayey magaciisa oo seddexan iyo inuu Aabihiis nool yahay iyo in kale. Caku iyo caruurnimo… Maansha la yidhi caruurnimo waa cadaw laga koro.

Waxay misana is horkeentay sheekooyinkii khiyaaliga ku dhisnaa ee waayaheedii magaalada Nayroobi iyo xaafaddii Islii: Waan kaa helay…Adigaan ifka kuugu jeclahay…Ma isguursannaa mise waan wada noolaannaa…Sidaad jeceshahayba waan kula jeclahay…Caawa hebel iyo heblaayaa is aroosaya…Waxaan ka imid Mareykanka…I am sorry I mean habeen hore ayaan ka imid Kanada…Anigana Yurub…Ima taaqaanid miyaa…Anigu waan ku garanayaa…Tilmaan ayaan ku socdaa…Lambarka taleefankaaga xitaa waan hayaa…Ammaantaadaa qurbaha igu soo gaadhtay…Waxaan leeyahay baasaboorka weyn…Weliba naag ayaa ii qoran…Si fudud baan kugu dhoofin karaa, laakiin taas waxaa ka horreysa in aan marka hore isfahamno…Bal horta wacdarahaaga wax iga tus…Halkan baan ku aqal galeynaa, kaddibna waan kuusoo dacwoonayaa…Waa iska lix bilood, lixdaas biloodna anigaa kusoo masruufaya…War heedhe ma adaaba war haya…Xaaskaagii iyo caruurtaadii Nayroobi joogay baan soo arkay…Reer ba’aw yaa ku leh…Hee maxaa tidhi…Itoobiyaan aa…Ma nin Itoobiyaan ah bay kula nooshahay masruufka aan iyada iyo caruurtayda u diro…Yaah…Maxaa tidhi…Xaaskaagii joogay Nayroobi ee aad afarta sano soo mooganayd uur bay leedahay aa…?..Bal adba!!!

La soco…………….