Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2479 |
October 11, 2010 Dul-Qacda 03,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Naadiga Akhriska Ee Maskaxmaal Oo Madal La Isku Arkay Ku Soo Bandhigay Maqaaladii Qoraaga Wayn Ee Bashir Sh. Cumar Goth Boorama, October 11, 2010 (Haatuf) - Maqaalada Qoraagan Bashir Goth Waa Bog Cusub Oo Caawa Bilaw Ah Oo Dad Badan U Horseedi doona Inay Wax Qoraan, fikirkooda cabiraan, isla markaana noqdaan kayd iyo Diiwaan xusuus-qor…..Gud. Maskaxmaal-Mud. Maxamed Cali Cismaan (Borama) 10 Oct.10–Bandhig Akhris oo ay si wayn u soo Agaasimeen Naadiga Akhriska ee Maskaxmaal oo ahaa bandhigii 16aad ee Madasha Akhriska ee Maskax-Maal ee Magaalada Boorama ayaa lagu soo bandhigay maqaalada qoraaga Caanka ah ee Bashiir Sh. Cumar Goth oo waqti xaadirkan ku nool dalka Imaaraadka Carabta. Madashan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxa ka soo qayb galay dhagaysigeeda iyo ka qayb qaadashadeeda dadwayne aad u tiro badan oo kala ahaa bahda akhriska, bahda qoraalka iyo dadwayne kale oo xiiso gaar ah u qabay inay dhagaystaan dulucda iyo qoraalada qoraaga Bashiir Sh. Cumar Goth oo ay wax badan maqaaladiisa ama maqleen ama ay akhriyeen. Isku duba ridka hawshan ayaa waxa si wayn isugu hawlay sida akhrinta iyo bandhigida maqaalada qoraaga Miss. Hoodo Maxamed Xasan iyo Mud. Cabdale Cali Yuusuf oo si talantaali ah isku waydaarsanayay habsami u socodkii madashii habeenimadaasi. Ugu horayntii madasha waxa ka hadlay Gud. Madasha Maskaxmaal Mud. Maxamed Cali Cismaan wuxuuna tilmaan ka bixiyay madasha iyo bandhiga Naadiaga Maskaxmaal in uu yahay mid ka duwan kuwii hore looga bartay wuxuuna yidhi “ Waxaa bog cusub oo caawa bilow ah oo dariiq cusub oo ku soo hirasho iyo ku dayasho mudan inoo furi doona Akhyaarta Maskaxmaal,Taas oo ugu filan inta jecel qoraalka ama ay u qorshaysan tahay mustaqbalka inay wax qoraan sidii ay hibadooda qarsoon ee qoraalka u soo bandhigi lahaayeen ama u sii xoojin lahaayeen mihnadooda qoraalka… waxa hubaal ah in Bashiir Sh. Cumar Goth uu yahay qoraa wayn oo astaan u noqon kara awooda qalinka iyo soo bandhigida macnayaasha muuqda iyo kuwa qarsoon ee waaayaha uu qaroogu damacsan yahay inuu ka waramo, waxa aan rajaynayaa in ay dad badan caawa ku dhalan doonto inay dib isku milicsadaan oo ay bilaabaan sidii ay qalinka u qaadan lahaayeen iyaga oo ka midho dhalinaya hamiga ah in qoraalku uu yahay wax wanaagsan oo kayd iyo diiwaan xusuus-qor ah, Isla markaana maguuraan u ah dhaqanka,waayaha iyo marxaladaha kala duwan ee ay bulsho ku jirto kuwaasi oo mustaqbalka dambe aanay xusuusteenu soo wada koobayn ilaa qoraal ku kaydsan bayjaj la xafiday mooyaane. Ayuu yidhi Maxamed Cali. Intaa ka dibna waxaa ka warantay Taariikhda Qoraaga Hoodo Maxamed Xasan oo u bayaamisay ka soo qaybgalayaasha in Qoraaga Bashir Goth ee caawa la soo bandhigayo qoraaladiisu yahay, Qoraa Caalami ah oo u dhashay Somaliland kuna dhashay Borama, dugsiyadana ka baxay Sheekh iyo Camuud Sanadihii lixdanadii iyo bilawgii todobaatanaadkii, waxay intaas raacisay in qoraaga Bashir Goth wax ka qoro, Arimaha Siyaasada, Bulshada, Dhaqanka, Taariikhda, Diinta iyo Dhaqaalaha, taas oo gaadhsiisan heer caalami ah, isla markaana aan ku koobnayn Afrika ee uu ka qoro Aduunka oo dhan, waana Soomaaligii u horeeyay ee lahaada Blog, isla markaana ku biira Qoraayada Aduunka ugu caansan ee Post/Globalka noqdayna qofkii Afrikaana ee ku biira Post/Global, wuxuu ka qaybgalaa doodaha caalamiga ee lagaga hadlayo Afrika, Geeska Afrika,Somaaliya iyo Somaliland. Bandhigan intuu ii socday ayaa waxa ay soo bandhigayaashii madashu carabka ku dhufteen in maqaalada Qoraagani ay aad u badan yihiin isla markaana anaan madal waqti kooban soconaysa lagu soo koobi Karin waxana ay halakaasi ku soo bandhigeen maqaalo 6 ah oo ay ka soo dhex xuleen maqaalada tirade badan ee qoraaga kuwaasi oo ay si macnayaal badan samaynaysa ugu soo koobeen intii ay madashu socotay waxana ay kala ahaayeen maqaladaasi: 1. Adopt villages, not pet children oo la daabacay 6 November 2006 2. African Women: The better half oo la daabacay Saturday, February 4, 2006 3. Back to Africa oo la daabacay 2 January 2006 4. Singing into a vacuum : the torment of a Somali playwright oo la daabacay July 2, 2005 6. Obituary: The body retires but the dream remains oo la daabacay September 12, 2003 6. Shunning extremism on both sides oo la daabacay September 10, 2010 Waxa kale oo madashan ay Naadiga Maskaxmaal habeenkani ku qaadaa-dhigeen micnaha ay xambaarsan yihiin maqaaladani, kuwaasi oo noqnaday kuwo si muuqata u qabsaday shucuurta dhagaysatayashii kala duwanaa ee madasha, waxa si gaar ah loo xusi karaa maqaalada kala ah African Women, iyo Back to Africa oo ay soo bandhigtay Hoodo Maxamed Xasan kuwaasi ay ku falnqaysay qaabka uu qoraagani u soo taabatay mushkiladaha maanta haysta bulshadeena, waxa ay hoodo suuraysay xaalka ay gabadhu/hooyadu ku sugan tahay maanta ee uu qoraagu tilmamay iyo sida ay duruufahaasi u yihiin kuwo laga run sheegay, loona baahan yahay in loo guntado sidii loo xalin lahaa. sidoo kale maqaalka uu qoray Bashiir Sh. Cumar Goth ee kaga waramay waayihii macalinkiisii ahaana siyaasigii iyo mudanahii waynaa ee AHUN Bashiir Faarax Kaahiye oo uu magaciisu ahaa Obituary: The body retires but the dream remains waxa uu ahaa mid badi dadkii madasha fadhiyay ee dhalinta ahaa u iftiimiyay waayahii AHUN Bashiir Faarax Kaahiye oo badidooda uu warkiisu ku ahaa mid teel-teel ah ama aanay aqoon badan u lahayn. Dhinaca kale waxa iyaguna xiiso gaara lahaa oo madasha uu Mud. Cabdale Cali Yuusuf ku soo kordhiyay in Ee Bashiir Sh. Cumar Goth aanu ahayn qoraa kaliya balse uu yahay mu’alif suugaan yahan ah oo marar badan maqaaladiisa micno gaar ah ay u sameeyaan suugaanta farshaxanimada leh ee uu u adeegsanayo sida ku cadayd maqaalkii ahaa “Singing into a vacuum : the torment of a Somali playwright” oo qoraagu kaga hadlay suugaanta Soomaalida gaar ahaana meelo ka taataabanayay heesihii Abwaan Cali Sugule “ Af Qalaad Aqoontu Miyaa,?… Maya, Maya.. Mahee waa intu qofba Eebe geshaa.. Taas oo uu soo bandhiguhu si gaar ah u soo xigtay maasno uu tiriyay Bashir goth sanadii 1999. taasi oo uu ku cabirayay in rajo badani ay jirto oo maalin maalmaha ka mid ah uu maqli doono in dhaqanka, luqada iyo dalkuba heli gurmad, waxaana maqaalka ka keenay madal Arday wax ku baratay UAE loogu sameeyay qalinjabin. waxana ka mid ahaa maansadaasi: “Dalkaygow wallaahiye Warwarkiyo waxyeeladu Cidna lama walaaloo Qofna weerka dhiilada Wehel looma siiyoo Kuma waaro ciilkee; Waxad wayda haysaba Waagii dhawaayoo Walaacani ku haystiyo Walbahaarku wuu tegi; Wallee maalin dhow waqal Weelka loo dareershiyo War caloosha deeqoo Gaajada badh wiiqoo Wadnaha ii qaboojiyo Weedh aan ku diirsado Waayeelka hirarkiyo Ababshaha wardoonkiyo BBCiidu way werin…” Si kastaba ha ahaatee madashii habeenimadaas oo aan la soo wada koobi karayn micnaha ay samaynaysay ayaa waxa halkaasi la isku waydaarsaday su’aalo iyo aragtiyo kala duwan oo ku wajahan maqaalada la soo bandhigay in qoraaga laf-ahaantiisi kuwaasi oo dhinacyo badan laga eegay, inkastoo hadaba la isla waafaqay inuu Qoraagan Bashiir Sh. Cumar Goth yahay shaqsi qalinka u adeegsada ku soo bandhigida dareenada kala duwan ee ay hibanayso laabtiisu. Dad badan oo xiiseeya Qoraaladiisu waxay ku Amaanaan Bashir in uu meel haboon ka istaago cabirka qoraalkiisa, isla markaana uu shiishka saaro meel aad u haboon. |