Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2418 |
August 01,2010 Sha'ban 19,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Koox Ka Mid Ah Wasiirrada Cusub Ee Madaxweyne Siillaanyo Magacaabay Oo Wasaarado Kala Duwan La Wareegay Iyo Weedhihii Lays Dhaafsaday Hargeysa, August 1, 2010 (Haatuf) - Raxan ka mid ah Wasiirada cusub ee uu todobaadkii hore Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo u magacaabay Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Gaashaandhiga, Hawlaha guud, Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, Ciyaaraha, dhallinyarada iyo dhaqanka, Duulista hawada, Shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Xannaanada Xoolaha, deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, ayaa shalay si rasmiya xilalka Wasaaradahaas ugala wareegay Wasiiradii hore ee Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, isla markaana Masuuliyiintan qaarkood xafiiltan siyaasadeed hore uga dhexeeyey, ayaa weedho duurxul iyo is dareensiin ah ka jeediyey xarumihii ay kala tirsanayeen. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha xilkeeda wareejinayey Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-Cirro), ayaa hadal uu ka jeediyey Xafladdii uu xilka ku wareejiyey wasiirka cusub, waxa uu ugu horreyn ugu mahadnaqay shaqaalaha Wasaaradda guud ahaanba, isla markaana waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka hada ku wareejiyo Wasiirka cusub ee Axmed Siilaanyo u soo magacaabay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo uu sheegay inuu si qalbi furan ugu soo dhawaynayo Wasaarada. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdillaahi-Cirro, waxa uu sheegay in xafiiltan siyaasadeed oo hore soo kala maray Gaboose iyo isaga (Cirro), hase ahaatee, wax xumaan ah oo ka dhexeeyaa jirin, waxaa horena ahaa arrimo siyaasadeed oo wakhtigoodii laga soo gudbay. “Qoladiinan Saxaafaddu waxaad qori doontaan laba nin oo col ah ayaa xilka la kala wareegay, taa ciwaan haka dhigannina. aniga iyo Gabboose col maannaan ahayn ee siyaasadda ayuun baannu isku haynay, maantana waannagaa xilka kala tirsanayna, cadaawad noo dhaxaysaana ma jirto” Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu sheegay in sida Cabdillaahi-Cirro sheegay ay tahay oo aanay jirin wax cadaawad ah oo ka dhexeeya labadooda, isla markaana waxa laysku hayey kaliya ahaa arrimo siyaasadeed oo midba dhinac ka taagnaa, hase ahaatee, aanay iyagu shaqsiyan isku haynin. Waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi “Wax cadaawad ahi nagama dhaxayso aniga iyo walaalkay Cabdillaahi, waxa aannu iskaga soo horjeeday aragtida siyaasadda, taasina wakhtigii ololaha ayay ku dhammaatay, maantana wax ka nooli ma jiraan.” Wasiir Gabboose, waxa uu sheegay inaanay Wasaaradda arrimaha gudaha ee uu maanta la wareegay noqon doonin mid dadka laga jaajuuso ama laga basaaso, oo dadka laga soo xidho, hase ahaatee, ay Wasaaraddu fulin doonto siyaasadda guud ee arrimaha gudaha, arrimahaasna loo dhaafayo hay’adaha Qaranka ugu xilsaaran. “Ma dhici doonto in halkan Wasaaradda dadka laga soo xidho, in qof C.I.D.-du isaga yeedho, ma jiri doonto cid dambe oo bilaa sharci la iska xidhi doono oo Guddiga nabadgalyadu dadkii ay iska xukumaysay ma jirayaan, Guddigaasna waa la baabiiyey..” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Gabboose, waxaanu u mahadceliyey warbaahinta iyo qaybaha kale ee bulshada. Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad, oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay si fiican isu yaqaannaan Taliye ahaan iyo Wasiirka cusub ee wasaaraddaas maanta la wareegay Dr. Gabboose, oo uu sheegay inuu si fiican u soo dhawaynayo. Sidoo kale wasiirka cusub ee wasaarada xanaanada xoolaha loo magacaabay Dr. Axmed Xaashi Oday ayaa shalay si ramiya xilkii ugala wareegay wasiirkii hore Dr Idiris Cabdi Ibraahin, xafladii xil wareejinta oo lagu qabtay hotelka maansoor ayaa waxa ka soo qayb galay hay’adaha samafalka ee ay ka mid tahay FAO iyo hay’adaha kale ee xanaanada xoolaha caawiya, shaqaalaha iyo marti sharaf kale, ayaa wasiirkii Hore waxa uu ka waramay intii uu xilka hayay waxyaabaha u qabsoomay oo uu sheegay inay meel hoose ka bilaabeen maantana wasaaradu heer sare gaadhay, waxana mahadnaq u jeediyay ha’adaha wasaarada xidhiidhka la leh oo uu sheegay inay si hagar la’aan ah ula shaqeeyeen, wasiirka hore waxa uu ka waramay gaadiidka inta dawladu u iibisay inay yar yihiin, balse gaadiidka badankiisa ay hay’adaha mashaariicda ay ka heleen ay ku wareejiyeen. Dhanka kalena waxa uu mahad naq u jeediyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaarada oo uu sheegay inay ahaayeen qaar hawl kar ah, islamarkaana uu ku faanayo sida wacan ee ay ula soo shaqeeyeen, waxanu intaa ku daray in wasiirka cusub yahay mid aan ku cusbayn wasaarada, islamarkaana yahay mid ay wada shaqayn jireen oo wasaarada ka war haya, mashruuc oo kastana la heshana ka war hayay, waxana uu tilmaamay inuu yahay nin ka soo bixi kara hawsha qaranku u igmaday. Wasiirka cusub ee xanaanada xoolaha Dr. Axmed Xaashi Oday, ayaa isaguna hadal kooban oo uu xaflada ka jeediyay sheegay, inuu hawsha halkaa ka sii ambaqaadi doono, isaga oo tilmaamay, in sida loogu talo galay u gudan doono xilka loo dhiibay, waxanu mahadnaq u jeediyay hay’adahii ka soo qayb galay xaflada xil wareejinta. Wasiirka Cusub ee Wasaarada Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed X. Cali Cadami, ayaa shalay si rasmi ah xilkii Wasaaradaasi ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Md. Saleebaan Warsame Guulleed iyo Wasiir Ku Xigeenkiisii Md. Axmed Maxamed Filanwaa. Xafladii xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta Wasaaradaasi waxa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, Agaasimeyaasha Waaxaha iyo Shaqaalaha Wasaaradaasi. Wasiirkii Hore ee Gaash-dhiga Md Saleebaan Warsame Guulleed, oo ka hadlay xafladaasi ayaa ugu horrayn soo dhaweeyay Wasiirka cusub oo uu sheegay inuu si niyad sami ah ugu wareejinayo xilka Wasaaradaasi waxaanu tilmaamay in Wasiirka cusubi uu yahay nin oday ah oo waayo arag ah oo Wasaaradan wax weyn ku soo kordhin kara, isagoo arimahaas ka hadlayana wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Md Saleebaan Warsame Guulleed waxa uu yidhi “Wasiir, waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay inaan kugu wareejiyo xilka Wasaarada Gaashaan-dhiga oo ah hawlbowlaha qaranka, waxay ka kooban tahay sadex waaxood oo waaweyn oo kala ah Agaasinka guud, Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Waaxda Garsoorka oo ah Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida. Waxaan ka cudurdaaranayaa in xarunta wasaarada Gaashaan-dhigu aanay dayactir lahayn nasiib wanaagse imika ayaa la dayactirayaa oo waxaad dhawaan ku shaqayn doontaa Xarun Wasaaradeed oo dayactiran” Wasiirkii hore wasaaradaas Md Saleebaan Warasame wuxuu ka dayriyay Gaadiidka iyo qalabka Garsoorka Ciidamada qalabka sida waxaanu tilmaamay inay baahiyo badani ay xafiiska u yaalaan. “Wasaarada Gaashaan-dhiga waxa laga dugsanayaa waa difaacii wadanka, dad badan oo cadow ah ayaa Somaliland moodi jiray diin aan qolof ama dahaad adag lahayn. Laakiin waxaynu leenahay qolaf adag oo ah ciidanka qaranka oo runtii mudadii ay dhisnaayeen waxaanay salka u dhigeen aasaaskii ciidanka. Waxay fuliyeen oo ay qeyb ka qaateen sugitaankii nabadgelyada gudaha. Waxa kale oo ay door libaax ka qaateen digaafa iyo maamul fidinta. Ciidankeena qaranku waxay qaateen tababaro heerkoodu kala duwan yihiin. Ciidanka qaranku waxay ka qeyb qaataan daminta shaqaaqooyinka gudaha waxaanay illaa Imika gacanta ku hayaan shaqaaqadii Ceel-bardaalle.” Md. Saleebaan Warsame Guulleed , wuxuu sheegay in ciidamada qaranku ay gaadheen xuduudaha Somaliland oo dhan barri ilaa galbeed “Wasiir, waxa dhegahayga ku soo duulayay Ciidan beeleedyo ku sugan cidhifka bari ee Somaliland oo dadka deegaanku soo codsadeen inaan laga qaadin waa khalad in magaca Ciidanka qaranka loo nisbeeyo” Wasiirka Wasaarada Gaashaan dhiga Somaliland Md. Axmed X. Cali Caddami, oo ka hadlay xafladaasi ayaa ugu horayn ka waramay fikradii uu ka haystay Wasaarada Gaashaan dhiga iyo wixii uu maqlay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaanu yidhi “Anigu waxaan Wasaarada Gaashaan dhiga u aqaanaa adduunkuna u yaqaanaa afar Wasaaradood ayaa qaab dhismeedka dalka ugu muhiimsan Wasaarada Arrimaha Gudaha, Gaashaan-dhiga, Maaliyada, markaan cabiro wixii aan soo arkay iyo wixii aan akhriyaba waan u hanweynaa wasaarada Gaashaan dhiga, waxaan u haystay in xul ahaan la iigeeyay ee uma aan qabin in muquuno ahaan la ii geeyay.markii aan suuqa galay marka aan si dhab ah u kaftamo xoogaa mooraal jab ah ayaa igu dhacay oo waxa laga dhigay nin meel cidla ah lagu tuuray. Waan yaabay oo waxaan idhi xaggee ayay salaadu ka xidhmi la’dahay. Saaka waxa ii soo noqonaya mooralkii oo waxaan ogaaday in Wasaaradani tahay sidii aan markii horeba fikrada uga haystay.dadka qaar waxay igu yidhaahdaan Cadamiyoow nin nabadeed ayaad ahayde maxaad meeshan khatarta ah uga cuudubilaysan weyday, waxaan dadkaas u sheegayaa inaan wali ahayn nin nabadeedkii.” Wasiirkan cusubi wuxuu sheegay inuu saraakiisha iyo hawl wadeenada wasaarada kula shaqayn doono jawi wada tashi, waxaanu ka dalbaday inay ula shaqeeyaan sidii ay ula soo shaqeeyeen Wasiirkii iyo Wasiir Ku Xigeenkii hore. Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Gaashaan dhiga Md. Axmed Maxamed Filanwaa, oo sheegay in mudadii xilka wasaarada hayeen ay dedaal weyn muujiyeen waxaanu bogaadiyay shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradaasi oo uu xusay inaanay waxba qaban kareen haddii aanay iyagu gacan siin. Sidoo kale, waxa madashaasi ka hadlay oo soo dhaweeyay Wasiirka cusub isla markaana Wasiirkii iyo Wasiir Ku Xigeenkii hore sii sagootiyay Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaan-dhiga Md. C/Kariim Xaahi Cilmi. Dhinaca kale Wasiirka cusub ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid iyo Wasiir Ku Xigeenkiisa Md. Cali Cabdi Saa’iq, ayaa shalay xilkii Wasaaradaasi kala wareegay Wasiirkii Hore Md. Siciid Sulub Maxamed, oo muddo 7 sanadood ah hayay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradaasi. Xafladii xil wareejinta Wasaaradaasi waxa ka soo qeyb galay Wasiir Ku Xigeenkii hore Md. C/Risaaq Bacaluul, ee Wasaaradaasi iyo Agaasimeyaasha waaxaha ee Wasaarada Hawlaha guud. Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha guud Md. Siciid Sulub, oo warbixin dheer halkaasi ka soo jeediyay ayaa ka waramay waxqabadkiisii waxaanu soo bandhigay wadooyin wadan oo ay dayactir ku sameeyeen, buundooyin iyo buundooyin laga hirgeliyay deegaano badan, isagoo arimahaas ka hadlaya wasiirkii hore ee Hawlaha guud iyo guryeynta Md Siciid Sulub waxa uu yidhi “Waxa la yidhaahdaa Dood tuhun baa dilay Axsaabta mucaaridka ahi ama qofka tallada dibada ka joogana waxa laga yaabaa inuu wax dareemayo marka uu arko rag xafiisyo fadhiya, laakiin haddii aad xukuumada cusub tihiin maanta ayay idinkana idiin bilaabantay” Wasiirkii hore wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyay waajibaadka wasaaradaasi iyo halka uu marayo hawsha dhismaha biriijka labaad ee caasimada Hargeysa, waxaanu tilmaamay in biriijkaasi ay u hadhsan tahay wax ka yar 25% isla markaana lacagtii lagu dhisayay gacanta lagu hayo. Waxa kale oo uu sheegay in biriijka weyn ee Hargeysa ay muddo laba jeer ah dayactir balaadhan ku sameeyeen oo uu aad u wanaagsan yahay. Wasiirka cusub ee Wasaarada Md.Xuseen Axmed Caydiid, oo ka hadlay xafladaasi wuxuu u mahad celiyay Wasiirka xilka ku wareejiyay iyo Hawl wadeenada Wasaaradaasi waxaanu yidhi “Waxqabadkaasi aad nooga waranteen dalkiina ayaad u shaqayseen ee Ilaahay ha idinka abaal mariyo. Anaguna waxaanu ilaahay ka baryaynaa inaanu wax ku darno mooyaane’e inaanay halkan ay maanta joogto ka soo siibanin.waxqabadkuna wasaarad walba wuxuu ku xidhnaanayaa sida dhaqaalaha iyo dakhliga ina soo galaa leeg yahay.waxaanu idiin balan qaadaynaa waxqabadka aad na tusteen inaanaan khasaarin. Wasaaradu waa meel iska hawl badan oo iska buuq badan meelo badan oo ummaddu ay hunguraynayso ayaa jira.imikadaasi ayaad arkaysaa Telefoonada nagu soo dhacaya. Waxaan ilaahay ka barayayaa inuu nagu asturo xilkan. Adigana (Wasiirkii hore) halkii ilaahay uu idin geeyaba ha idinku gargaaro.” Wasiirka cusubi wuxuu sheegay inuu jecel yahay inay aad u wada naaqishaan Wasiirkii hore hantida ma guurtada ah ee ay kala wareegayaan. Waxaanu tilmaamay in mudada ay xafiiskan hayaan hufnaan ku maamuli doonaan waxaanu shaqaalaha iyo madaxda waaxaha Wasaarada ka dalbaday inay ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn jireen Wasiiradii hore. Labada Wasiir ee xilka la kala wareegayay waxa kale oo ay kormeer ku soo mareen dhammaan waaxaha iyo xafiisyada ay ka kooban tahay Wasaarada Hawlaha Guud. Wasaaradaha kale ee iyagana shalay lala kala wareegay, ayaa Masuuliyiintii la kala wareegay weedho kaftan, soo dhawayn iyo dardaaran ah isaga jeediyeen, si cad ayaanu mid waliba midka kale uga tirsaday xilalka, qalabka, gaadiidka, hantida iyo shaqaalaha Wasaaradahaas. Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka oo markii hore shalay loo ballansanaa in lala kala wareego ayaa ka baaqday in shalay la kala tirsado, hase ahaatee, maanta loo balabsan yahay, kuwaas iyo kuwo kaleba la filayaa in lala kala wareegi doono. |