Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2420 |
August 03,2010 Sha'ban 21,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Farax Jacayl Dhib Ma Loo Maraa ? Waa Sheeko Aad U Xiiso Badan Oo Ka Waramaysa Farada Jacayl,Dhibta Iyo Rafaadka Loo Maro ,Waxaan Qoray :Yaasiin Ahmed Maxamed ( Yaasiin Lucky Qabtii 1aad) iska celin kari waayey raacina kari waayey go’ankii hooyadii waayo waxaa waday qalbigiisa. Habeen ay isniini soo gelaysay ayuu Ridwaan garaacay telefoonka Zuhuur waxaana xiligaa ka qabatay Zuhuur habaryarteed una sheegtay in ay meel dhaw ka soo laabaneyso Zuhuur Muddo yar ka dib ayuu Ridwaan ku celiyey telefoonkii waxaana ka qabatay Zuhuur oo cod aad u macaan ku tidhi waa qofma markii uu intaas Ridwaan maqlay wuxuu degdeg u tuuri gaadhay gacantii Telefoonka wadnihiisana waxaad moodeysya in durbaan laga tumayey. Cod aad u jilicsan oo xabeeb jiq ku tahay ayuu Ridwaan ku yidhi Zuhuur ma I garaneysaa, Zuhuur ayaa ugu jawaabtay haa waxaad tahay Ridwaan!! Run ahaantii wuu u qaadan waayey Ridwaan sida ay Zuhuur codkiisa u soo saartay wuxuuna yidhi walaalo sidee ku gartay codkeyga, Zuhuur intay yar qososhay ayey ku tidhi walaalo habeenkii aad xaflada joogtay ayaan ku maqlay adiga oo wiil la hadlay markaas codkaaga sidaa ayaan ku gartay. Xidhiidhka Ridwaan iyo Zuhuur wuxuu ka bilaamaya habeenkaa iyada oo marba marka ka dambeysa sheekooyin iyo wada hadal is waydaarsanayeen waxayna ku wada hadli jireen telefoonka wakhti aad u dheer hadana sidaas oo ay tahay Ridwaan umuu sheegan jirin wixii qalbigiisa ku jira baqdin uu ka baqayey darteed balse farxad waxaa u hayd xiliga uu la hadlayo. Dhanka kale Zuhuur way dareensaneyd in uu Ridwaan si aan la soo koobi Karin u jecel yahay waayo hadalada naxariista leh, wejigiisa farxada ka muuqata marka ay aragto iyo talada wanaagsan ee uu mar walba siiyo ayey ku ogaatay balse waxay ahayd gabadh waxayna dooneysay in ay ogaato wax walba iyada oo rabtay in ay afkiisa ka maqasho. Sheekadoodu waxay noqotay mid aad u dheeraata waxaana ogaaday ardeydii, macalimiintii iyo dhamaaan dhalin yaradii labadooda macarifada u lahaa, Ridwaan hooyadii xitaa waa la yaabtay wiilkeedii oo telefoon uun dhegta ku haya mar walba, balse hooyadii maadaama oo ay si aad ah u jecelayd dhawr jeer ayey ku tidhi hooyo telefoonkan aad ku hadleysaa waa maxay wuxuuna Ridwaan ugu jawaabi jiray hooyo waxaan la hadlayaa saaxiibkay. Ridwaan iyo Zuhuur way Maqli jireen kelmadaha xanta ah ee tilmaamay in ay is jecel yihiin kana soo yeedhay dhanka bulshada hadan dheg umay dhigi jireen, kaftankooda iyo sheekadooduna waxay ahayd mis si aad ah u sii dheeraata heer hadii aan midkood ka kale la hadlin ama codkiisa uuna maqlin uu dareemi jiray culeys iyo murugo. Balse dadku marna may ogeyn in aanay jacayl isku soo bandhigan labadan qof, qofka arkaana wuxuu dhaar ku Mari jiray waa is jecel yihiin. Ridwaan jacaylka uu Zuhuur u hayey wuu ku balaadhay wuxuuna maalintii dambe go’aansaday in uu u sheego jacaylkiisa wuxuuna telefoon u diray Zuhuur isaga oo ku yidhi waxaan doonayaa si degdeg ah in aan u kulano Zuhuur oo naxday ayaa ku tidhi walaalo maxaa kugu dhacay, Ridwaan se ayaa ka shaki saaray in aanay dhibaato jirin una sheegay in uu doonayo in uu wax u sheego markii ay ku tidhi telefoonka iiga sheegana wuxuu ku yidhi waxaan jecelaan lahaa marka hore in aan ku arko Zuhuurna way ka aqbashay. Ridwaan wuxuu ka fekerayey sidii uu ugu sheegi lahaa jacaylkiisa Zuhuur jacaylkaas oo ahaa mid hayey mudo ku dhaw 6 bilood. Wuxuu isla markiiba soo aaday dhankeeda markii uu la kulmayna sheekadoodu waxay u dhacday sidan Zuhuur: maxaa kugu dhacay walaalo ee aad maanta xiligan iila balantay? Ridwaan: waxba may igu dhicin balse waxaan doonayey in aan arin kuu sheego Zuhuur: dhib ma leh waad ii sheegi kartaa Ridwaan: wax kale maaha ee waxaan kuu sheegayaa in aan ku jeclahay muddo dheerna aan six ad dhaaf ah kuu jecelaa Zuhuur: waan kuu ogahay walaalo jawaabna waan kuu hayaa balse waxaan kaaga soo sheegayaa telefoonka Ridwaan iyo Zuhuur salaan ka dib waa kala tageen Ridwaana wuxuu niyada iska lahaa go’aankeedu muxuu noqon doonaa, In yar markii uu ka sii maqnaa ayey la soo hadashay kuna tidhi run ahaantii aniguba waan kaa helay waana ku jeclahay si xad dhaaf ah balse waxaan doonayaa in xiriirkeenu inaga inagu eekaadoo oo waalidkeen aanu ogaan ilaa inta an go’aan qaadaneyno. Ridwaan: waa balan taasi hana ka welwelin Xiriirka jacaylkoodu wuxuu ka bilaabmay halkaas waxayna noqdeen laba qof oo lagu daydo runtiina Ridwaan wuxuu Zuhuur u jecelaaday si xad dhaaf ah oo aan la soo koobi Karin hadh iyo habeena wuu ka fekero jiray. Si walba oo xidhiidhka Zuhuur iyo Ridwaan u dheeraaday hadana labadoodaba waalidkood ma uu ogaan arimahooda jacaylka Ridwaan wuxuu xasuus u haystay oo daawan jiray mar walba sawirada Zuhuur gaar ahaan sawir ku dhex jiray furihiisa kaas oo hadh iyo habeen wehel u ahaa oo uu daawan jiray markuu ka maqan yahay iyo mar walba oo ay la soo hadasho. Maalin ayaa Ridwaan oo hooyadii la fadhiya qolka fadhiga waxaa si lama filaan ah jeebkiisa uga soo dhacay furihii shondodiisa oo uu ku jiro sawir ay leedahay Zuhuur isla markiiba waxaa aragtay Ridwaan hooyadii waxayna ku tidhi wiilkeedii wa’ayo sawirkaasi itus Ridwaan wax walba oo dhaca hooyadii kuma soo af celin jirin wuxuuna si degdeg ah ugu dhiibay furihii oo sawirkii ku jiiro Markii hooyadii aragtay sawirka meesha ku jira in uu gabadh yahay ayey cadhootay waxayna wiilkeedii ku dhuftay dhirbaaxo aad u daran iyada oo ku bilawday canaan “bal waxaad jeebka ku sidatid day’a wax barashaan kuu dirsaday ee ma dumar ayaan kuu dirsaday, hadalkii dhaadheeraa ee Ridwaan hooyadii waxaa ku soo baxay reerkoodii oo dhan waxayna hooyadii markiiba jejebisay oo dhulka ku dhuftaay sawirikii ugu jirya silsiladii uu furuhu ugu xidhnaa sawirkiina way jeex jeexday. Si walba oo loo canaantay Ridwaan wuu u dulqaatay waayo wuxuu ogaa maalin in uu jacaylkiisa helayo sidoo kale Zuhuur way ogeyd in uu Ridwaan si saa’id ah u jecel yahay aaduunkana aanay ka soo helayn sida uu u jecel yahay qof u jecel waxayna si aad ah u jecelayd sheekadiisa iyo kaftankiisa mar walbana waxay u dherareysay aragiisa. Kadib markii Ridwaan hooyadii ogaatay in uu wiilkeeda jacayl hayo waxaa dhanka guriga laga saaray cunaqabteyn iyo cidhiidhi taas oo ahayd mid hooyadii is lahayd wiilkaaga dib ugu soo celi waxayna hooyadii u diiday in uu ku hadlo telefoonka guriga iyada oo walaalkii ka yaraa uu mar walba ku dadaali jiray sidii uu walaalkii Ridwaan u heli lahaa. La Soco...................... |