Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2422

August 05,2010                                                                                Sha'ban 23,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

 Ramadaanta Iyo Faa’iidada Laga Helo Soonka

Bisha Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhida,mudanna in laga faa'iidaysto oo la Waana bil ay dadka islaamka ahi si wayn u dareemaan oo mudo badan sugaan. Bisha Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhida,mudanna in laga faa'iidaysto oo la kasbado kheyraadka iyo barakooyinka ay wadato,taas oo ku xidhan dadaal iyo niyad wanaagsan,waa bil khayr badan oo Shayaadiintu xidhxidhan tahay.
Bisha Ramadaan waa bisha 9aad ee bilaha Hijriga ah,waxana la sharciyeeyey oo la waajib yeelay bishii Shacbaan ee Sannadkii Labaad ee Hijriyada.
Bisha Ramadaan waa bil uu Illaahay subxaana watacaalaa,u doortay inay ahaato bil loo soomo oo loo afxidhnaado Illaahay dartii,oo laga dheeraado cuntada,cabbidda iyo shahwad iyo denbiga kale oo dhan. Soonku waxa uu ka mid yahay cibaadooyinka Alle ku waajib yeelay dadka oo dhan. Cibaadadu waa ta Alle subxaana watacaalaa inoo abuuray,oo Alle mooyee ma jiro cid kale oo xaq lagu caabudaa:
Alle (SW) waxa uu quraanka inoogu sheegay oo yidhi Uma aan abuurin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyaane wax kale, kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan,Illaahay ayaa Raasiq ah,oo leh quwad xoog leh. Cibaadadu waa dhamaan wax Alla wixii qofka ka soo fula ee uu ku kaco ama sameeyo,ee isugu jira waxa uu niyadda ka doono iyo waxa uu qowl ama hadal ahaan u yidhaahdo,ama waxa uu hawl ahaan ama ficil ahaan u sameeyo ee ula yimaaddo: Waxa kale oo Alle quraankiisa ku yidhi waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)salaaddayda iyo camalkayga dar Alleed,iyo noloshayda iyo dhimashadayduba Alle ayay u sugan yihiin,oo wax shariig ah ma laha, sidaas ayaana lay amray,waxanan ahay Muslimiinta ka ugu horreeya. Cibaadada Alle innagu waajib yeelay waxa ka mid ah Soonka,waana Rugniga 4aad ee Arkaanta Islaamka,waxana qofku isu afxidhayaa dar Alle,oo cuntada iyo cabbidda iyo sahwada ka soomayaa,sidoo kale isha iyo hadalka xun ee aan wanaagsanayn. Aayad kale oo ka mid ah Baqara ayaa Alle waxa uu ku yidhi Dadkii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow waajib ayaa laydinkaga yeelay Soonka sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka horreeyey,waxa la arkaa inaad cabsataane.
waxa iyana sunne ah oo la soomaa 6da shawaalka,ee ah bisha ku xigta bisha Ramadaan,oo ilaa bilowgeeda iyo dhamaadka bishaa shawaal aad ama lixda maalmood isku xejin karto,ama kala googoyn kartid. Waxa Illaahay subxaana watacaalaa raxmaddiisa kaga dhigay 30 kii casho ee Ramadaanta in maalintiiba la mid tahay toban casho oo halkaa ay ku noqonayso in aad soontay in le'eg 300 oo casho,haddaad 6da shawaal ku darto,maalintiiba ay kuula mid tahay toban iyana waa 60 casho,markaad isu geyso waa adigoo sannad soomay 360 maalmood,waa fadliga Alle iyo naxariistiisa uu Addoomadiisa ugu nimceeyey. Qofku soonka waxa uu ku kasbadaa derejo iyo ajar badan,oo khayrkiisa lama koobo: Aayad kale oo kamid ah Baqara ayaa Alle waxa uu ku leeyahay: in aad soontaan ayaa idiin khayr badan haddaad garanaysaan ood ogtihiin.
Illaahay subxaana watacaalaa wuxu kitaabkiisa kariinka ah ku sheegay oo yidhi:Waajib ayaa laydinkaga yeelay Soonka sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka horreeyey,waxa la arkaa inaad cabsataane. Cabsida Illaahay waa mid koobsanaysa ficilka aad samaynayso iyo dareenkaaga hoose oo aad ka dhigto saafi oo niyad wanaagsan iyo rajo fiican mar kasta ku jirto camalkuna rumeeyo. LASOCO..