Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2424

August 08,2010                                                                                Sha'ban 27,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Farax Jacayl Dhib Ma Loo Maraa?

Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa  Farxada Jacayl, dhibta iyo Rafaadka loo maro, Waxaana Qoray:- Yaasin Axmed Maxamed (Yaasin Lucky) (Q4aad)

Zuhuur: sidaa ha odhan Ridwaan waayo hadii aan qof xun ahay xaqiiqada kuuma sheegeen waxaad maqli lahayd Zuhuur waa aroos, balse waxaad ogaataa inaga qalbiga ayaa Ina hagaya halka uu Ina geeyey ayeyna nolosheenu noqneysaa.

Ridwaan: qofkuu doono ha ahaado ka aad jeceshahay ma doonayo in aan ogaado anigu waayo wax walba way dhamaadeen waanad ku mahadsantahay.

Zuhuur: sidaa ha odhan waayo hada qof aan jecelahay ma jiro hadii uu jiro adiga intaas oo dhan wehel kuuma noqdeen adiguna niyada ha iska dilin waayo hore waxaad iigu tidhi qofkaad jeceshahay wuxuu jecel yahay ayaa lala jecelaadaa!!!!

Ridwaan: waa runtaa wax walba waxay leeyihiin bilaw iyo dhamaad waxaana laga yaabaa sida aan kuu jecelahay qof ii jecel aniguna aan u jecelaado oo farxad aan ka helo in aan helo

Zuhuur: waa macquul waayo aniga ayaan dhib kuu ogleyn

Ridwaan: adiga ma kula tahay noloshaada hadii aad ii soo baahatid dib ayaad ii helaysaa maanta adiga oo gacantaada igu fasaxay qalbigana iga jabiyey

Zuhuur: waxaan xasuustaa kelmadii aad i odhan jirtay ee ahayd waxaan ka baqayaa adiga oo i fasaxay in aan dib kuugu soo laaban waayo geedkii aad beertayna midhihiisa qof kale gurto balse rutnii Ridwaan aniga agteyda qaali ayaad ka tahay kumana ilaawayo intaan noolahay.

In yar ayey sii sheekaysteen Ridwaan iyo Zuhuur sheeko caadi ah balse qof walba maskaxdiisa ayaa baxsaneyd oo qalbiga ayuu ka holcayey markii Zuhuur saaxiibadeed u soo gashay ee ay yar sheekaysteen wuxuu Ridwaan ka soo tegay gurigii maalintaasina waxay ahayd maalintii ugu naxdinta badneyd qof walba oo Ridwaan garanayey marka uu arko wuxuu weydiinayey waxa ku dhacay wuxuuse ugu jawabayey waxba ma igu dhicin.

Farxadii Ridwaan waxay isu bedeshay murugo mar walba oo uu arko Zuhuur muuqeeda wuxuu dareemayey murugo sawiradeedii oo dhana wuu jarjaray ifkana wuxuu u nacay iyada balse dadku waxay u haysteen in ay is jecel yihiin waayo Zuhuur marna kamay waramin arinta dhexdooda taalay, Ridwaan marka wax laga su’aalo jacaylkiisa waxaa damqan jiray qalbiga waayo dadku may ogeyn waxa kala kulmay jacaylkii labada sano iyo dheeraadka uu kool koolinayey.

Hore ayaa loo yidhi hubsiino hal ayaa la siistaa Ridwaan hadii uu ogaan laahaa qalbiga Zuhuur arintaasi kuma dhacdeen

Muddo dhawr bilood ah markii uu ku noolaa murugadaa oo xitaa reerkoodu fahmi waayeen dabeecadiisa Lana arkay wiilkii kaftanka badnaa oo aamusan run ahaantiina iska daa jacayle uu nacay oo ka calool xumaaday dumar oo dhan oo uu niyada iska yidhi ma jiro laba qof oo lab iyo dhedig ah oo is aaminay ayuu maalintii dambe wuxuu go’aan ku qaatay in uu ka tago magaalada uu ku nool yahay taas oo ay keenaysay xasuusta ku duugneyd qalbigiisa iyo weliba dadkii oo jacaylkiisa ka wareysanaya mar walba.

Wuxuu Ridwaan niyada iska yidhi ma waxaad joogtaa magaalada waxaand maalin aragtaa Zuhuur oo Nin kale aroosanayo waa maya ee iskaga tag magaaladan.

Dhawr jeer markii hooyadii ka maqshay in uu magaalada ka tegayo waxay weydiisay sababta uu uga tegayo wuxuuna ugu jawaabay nafteyda iyo noloshayda iyo himilada aan higsanayo ayeyna anfacayn magaaladani waana mid loo baahan yahay in aan ka tago, hooyadiina way ku raacday go’aanka wiilkeeda waayo weligeed wiilkeedu wax uu jecelaaday kamay hor istaagin waxayna tidhi hooyo anigu waxaan jecelahay mar walba garabkaaga in aan taagnado balse hooyo waan ku fasaxayaa kuuna duceenayaa waayo kuma raaci karo

Maalintii uu Ridwaan ka tegayey magaalada ayuu maalin nimadkii kala hadlay telefoonka Zuhuur isaga oo aan u sheegin in uu beri tegayo waxayna sheekadoodu u dhacday sidan

Zuhuur: haye Ridwaan in dhaweyd waa lagu waayey ee maxaa kugu dhacay?

Ridwaan: aniga ayaa go’aansaday in ayaan is arkin wada hadlina waayo aragaaga iyo codkaagu dhaawaca igu yaala ayuu qolofta ka qaadayaa waxaana kuula soo hadlay in aan kuu sheego tegitaankeyga

Zuhuur: miyaanad degayn halkan oo wax barasho bilaabeyn waa maxay halkaad aadeysaa?

Ridwaan: maya waayo in aan ku ilaawo oo xasuustaada oo dhan iska tirtiro ayaan doonayaa

Zuhuur: hadaba anigu si sahal ah ma kugu laawayo waayo agteyda qaali ayaad ka tahay

Ridwaan: waxaad ogaataa in aana soo laabaneyn heer ay noloshaydu is bedesho oo aan gaadho noloshii aan ku haminayey ee ahayd riyadeyda

Zuhuur: wax walba oo aad jeceshay waan kuugu duceenayaa iyo horu markaaga waana hubaa in riyooyinkaagu kuu rumoobayaan

Ridwaan: mahadsanid

Zuhuur: ma xasuusataa in aad tidhi mahdsanid labada qof ee is jecel isma yidhaahdaan markaas ha i odhan waa mid aan isku leenahay ee waxaad ii sheegtaa goortaad tegaysid

Ridwaan: dhawana ayaan tegi rabaa hadii ilaahay nafta ii daayo

Zuhuur: isoo ogeysii walaalo xiligaas?

Ridwaan: hadii uu wakhtigu ii saamaxo

Zuhuur: miyaad ii cadheysantahay?

Ridwaan: qofka qalbigaaga ku jira ayaa loo cadhoodaa waxaanad ogaataa intii aad hadhaw odhan lahayd waan jeclaa Ridwaan jacayl dhab ah in aan tegayo aniga oo wax yar oo dareen ah niyadeyda kuugu jirin.

Isla subax nimadkiiba Ridwaan wuxuu ka ambabaxay magaaladii uu ku nooolaa isaga oo aaday waddankii uu hore uga yimi oo aan u joogin hal qof marka laga reebo saaxiibkii markiise uu subax nimadkii Baabuurka fuulay ayuu la hadlay Zuhuur saaxiibadeed una sheegay in uu tegayo in yar kadinba waxaa ku soo dhacay massege uga yimi dhanka Zuhuur talaw muxuu noqonayaa Massege-kaasi waxa uu u qornaa sidan “walaalo qalbi waxaa ii sheegtay in aad tegayso saaxiibtay aniga telefoonka lacag ayaan iigu jirin waan kula soo hadli lahaaye balse waxaan ku leeyahay kulan dambe oo xiiso leh waxaad jeceshahayna hel ”

Micno sidaa u sii weyn ma ugu fadhiyin la hadalka ama war kehelida Zuhuur waayo qofka binu aadanka ah hadii uu wax naco waa sida uu u nacay.

Markii uu Ridwaan ka yimi magaaladii wuxuu yimi magaalo kale oo uu degan yahay wiil ay saaxiib ahaayeen isaga oo ka codsaday maadaama oo uu waddankaas ku socodo in uu soo maro oo in muudo ah la joogo markii Ridwaan ku soo degay waxaa si aad ah u soo dhaweeyey saaxiibkii oo ay ilaa yaraantiisii saaxiib ahaayeen kelmad uu weydiiyeyna waxaa u horeeysay Zuhuur iiga waran maxaad u guursan weydya gabadhaas sida xad dhaafka ah aad isu jeceshihiin,kelmadaas markii uu maqlay qalbiga ayaa damqaday wuxuuna saaxiiibkii ku yidh marka ilaahay ka dhigo ayaan is guursaneynaa waana wanaagsantahay dumaashidaa.

La soco…...