|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2424 |
August 08,2010 Sha'ban 27,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Shirkada Turkish Airlines Oo Shaqaalaheeda Ku Amartay Inay Miisaanka Iska Ridaan Shirkada Diyaaradaha Turkiga ee Turkish Airlines ayaa ku wargalisay Shaqaalaha Diyaaradaha Shirkada inay Baruuurta iska ridaan oo ay is dhuubaan muddo lix bilood ah gudahood hadaanay sidaa yeelina dib loo eegi doono heshiiskooda shaqada isla markana laga eryi doono shaqooyinkooda. Shaqaalaha Shirkada ee loo sheegay inay Baruurta iska ridaan ayaa 13 ka mid ahi dumar yihin iyadoo waliba lagu wargaliyey inaan mushahar la siinayn hadaanay iska ridin baruurta saaran sida uu faafiyey wargeyska Haber Turk. " Culayska iyo Dherarkuba waa qodobo muhiim u ah diyaaradaha, waa qiimayn muhiim u ah muqaalka iyo awooda uu qofku ku dhaqdhaqaaqayo" ayaa lagu sheegay War qoraal ah oo shirkadda Turkish Airlines ay soo saartay. Izzet Levi oo ka mid ah shaqaalaha shirkada ayaa u sheegay Wargeyska Haber Turk in isaga lagu wargaliyey inuu culayskiisa ka dhimo 22 Pounds oo u dhiganta 9.9 kg haddii uu doonayo in uu shaqadiisa kusoo sugnaado. Shirkada Turkish Airlines waa shirkada Afraad ee ugu weyn Yurub ee Dhinaca Rakaabka |