Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2425 |
August 09,2010 Sha'ban 28,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland Iyo Kuwa Taabacsan Maxamed Siciid Atan Oo Dagaal Ku Dhex Maray Buuralayd Galgala Boosaaso, August 9, 2010 (W.Wararka) – Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland iyo koox taabacsan Maxamed Siciid Atam ayaa waxa uu shalay dagaal ku dhex maray Buuralayda Galgale oo 20 Km u jirta magaalada Boosaaso. Dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo kuwa ka amar qaata wadaad la yidhaa Atam oo la sheegay in uu xidhiidh la leeyahay kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab. Dagaalkaas oo bilaabmay shalay galinkii hore ayaa waxaa uu ka qarxey meel u dhaw dooxa la yidhaa Sugurre oo mudooyinkii u danbeeyay ay ku sugnaayeen ciidamo daacad u ah ninka la yidhaa Maxamed Saciid Atam, kawaasi oo dagaal kula jira ciidamad maamul goboleedka Puntland. Dagaalka ayaa waxaa uu ka bilaabmay markii ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen fadhiisimo ay ku sugnayeen Ciidamada uu hogaamiyo Max’ed saciid Atam, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal culus oo qaatay in ka badan 5 sacadood. Dad goob joogayaal ayaa ku waramaya in dagaalka la isku adeegsaday hub cul culus oo ay ka mid yihiin madaafiicda ka dhacda qoriga Pm-ka kuwaasi oo dhawaqooda laga maqlayay Magaalada Boosaaso ee Xatunta gobolka bari, waxaana dagaaladu marka ay qarxeen ay ku faafeen deegaano kale oo ku dhow dhow buurta Galgala. Ciidamada dagaalka ku jirey ee maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo wasiirka amniga maamul goboleedka Puntland General Yuusuf Axmed Kheyr. Saciid Cabdi Faarax oo loo yaqaan Tuutaweyne oo ah taliyaha Ciidamada Darawiishta maamul goboleedka Puntland oo la hadlay warbaahinta Garoowe, ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaasi ciidamada amaanka ee Puntland ay ku gacan sareeyeen, isagoo sheegay inay bur buriyeen fadhiisimo ay lahaayeen ciidamada Max’ed Saciid Atam. Waxaanu sheegay in dagaalkaasi uu yimid ka dib markii ay wada tashiyo ay sameeyeen Masuuliyiinta maamulkaas kuwaas oo uu tilmaamay inay garwaaqsadeen inay la dagaalamaan ciidamada Max’ed Saciid Atam, waxaanu intaas ku daray in dagaalka kaga geeriyoodeen sedax askari islamarkaana ay kaga dhaawacmeen 7 kale, waxaana uu sheegay in dhinaca ka soo horjeedana ay ka dileen ilaa 15 dagaalyahan islamarkaana ay la wareegeen goobihii ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Atam sida uu hadalka u dhigey. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hogaamiyaha dagaalka kula jira Maamulka Puntland oo ku aadan ka hadalka dagaalka shalay iyo sheegashada Maamulka Puntland oo ah inay guulo ka gaadheen dagaalkii ka dhacay buuraha Galgala. Dad goobjoogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 10 qof oo dhamaantood ay sheegeen inay ahaayeen dhinacyadii dagaalamayey, waxana ku dhaawacmay in ka badan 20 kale kuwaasi oo qaarka mid ah dhaawacooda la geeyay Cisbitaalka Magaalada Boosaaso. Dagaalada ayaa waxaa ay saameeyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqii ka jiray Magaalada Boosaaso, waxaana yaraaday isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga ee Magaalada Boosaaso. |