|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2425 |
August 09,2010 Sha'ban 28,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Farax Jacayl Dhib Ma Loo Maraa? Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa Farxada Jacayl, dhibta iyo Rafaadka loo maro, Waxaana Qoray:- Yaasin Axmed Maxamed (Yaasin Lucky) (Q5aad) Ridwaan muddadii uu magaalada joogay wuxuu la kulmay dhalin yaro badan oo ay is yaqaanaan ogaana inuu yahay qoraa arimaha Jacaylka wax ka qora waxaana uu fursad u yeeshay inuu Wareysi siiyo raadiyaha magaaladii uu joogay markaas kaas oo ahaa mid laga dhegaysan jiray waddanka oo dhan Waryaysi ka dib waxa uu weriyihii weydiiyey Ridwaan in uu qof jecel yahay iyo in kale run ahaantiina qof walba oo codkiisa gartay ogaana jacaylka isaga iyo Zuhuur wuxuu afkiisa ka sugayey inuu yidhaahdo gabadha aan aduunka ugu jeclahay waa Zuhuur, balse Ridwaan arintaas wuxuu kaga jawaabay ma jirto qof aduunka joogta oo aan jeclahay, balse waanu rajanay jacayl daacad ah. Wuxuu Ridwaan ku odhan jiray Zuhuur waxa balan ah maalinta u horeysa ee aan fadhiisto TV ama Raadiyo waxaan ku dhawaaqayaa inuu yahay magacaaga balse taasi may dhicin is bedelka la soo darsay darteed Zuhuurna nasiib way u yeelan weyday dadka hortooda in ay ka maqasho magaceeda iyada oo uu ka soo baxayo afka Ridwaan. Muddo markii uu joogay magaaladaa ayuu si toos ah uga soo amba baxay waddankiisii hooyo Ridwaan isaga oo aaminsanaa in isbedel aad u wanaagsan uu ka helayo waddanka uu aadayo ee aanay cidi u joogin. Ridwaan wuxuu ku soo degay guriga saaxiibkii Zaki waxaana si aad ah u soo dhaweeyey Zaki iyo reerkoodii maadaama oo ay aqoon hore u lahaayeen Ridwaan heer ay dareensiiyeen inuu la nool yahay reerkoodii oo aanu ahayn qof qariib ah waxayna tusiyeen in wax ka maqan aanay jirin oo ay yihiin dadkiisii, kelmada u horeysay ee uu Zaki saaxiibkii weydiiyey ayaa waxay ahayd saaxiib iiga waran gabadhii aad sida aadka ah u jeclayd waxaan is lahaa hadda ninkii odayga ahaa Aabo ayuu noqonayaa. Run ahaantii Ridwaan kelmadaasi waxay ku noqotay waran wuxuuna saaxiibkii u sheegay been taas oo ahayd tii u horeysay una dambeysay ee uu saaxiibkii u sheegay waayo mararka qaarkood naftu waxay ka fursan weydaa inay been sheegto wuxuuna yidhi saaxiib Zuhuur waxay doonaysay in aan arooso markii aan u tegay, balse anigu ma awoodin aroos markii aan ku idhi ma awoodayana way iga cadhootay qalbigeedana sidaa ayaan ku dhaawacay. Wakhti dheer kumay qaadan inuu la qabsado magaalada waayo markii horeba isaga oo magac ku leh dadka oo dhan garanayaan ayuu ka tagay, riyadiisii ahayd in uu Qoraa noqdana wuuxu ka sii watay halkii oo wuxuu soo saaray Buugaag qisooyin jacayl ah kuwaas oo dadku aad u jecelaadeen mar walbana ka soo dalban jireen in uu soo saaro Buugaag kale. Ridwaan markii hore dumarka iyo sheekadooda wuxuu uga joogay axdigii iyo balantii uu ka qaaday Zuhuur isna lahaa jacaylka khalad ha ka gelin balse markii dambe wuxuu ka niyad jabay dumarka oo dhana wuxuuna saaxiibkii dhawr jeer xitaa ku yidhi saaxiib hadii aad kala hadheen Zuhuur maxaad suuqa u geli wayday ee aad uga eegan weyday qof calafkaaga ah wuxuuna ugu jawaabi jiray Ridwaan mar walba “Aniga gabadhii calafkayga iyo dookhayga ahayd qalbigeygana dareemi lahayd una noqon lahayd daawada weli ma iman aduunka”. Waxaa jira cudro badan oo jacaylku reebo marka uu qofka ku dhaco cuduradaas oo soo baxa marka qofku uu waayo lamaanihiisa uu nolosha ka doortay hadiise uu helo cuduradaasi kuma soo baxaan oo halkooda ayey ku qarsoonaadaan, hadaba aynu is weydiinee maxaa ka mid ah cudurada qofka laga dareemo marka uu waayo lamaanihiisa. Waxay culumada jacaylku baadhitaan ku sameeyeen cuduradaas ugu danbeyntiina waxaa laysla meel dhigay cudurada qofka ku dhaca inay noqonayaan lix kuwaas oo kala ah In qofku uu ku dhaco cudur ah is bedel kaas oo laga dareemo oogada jidhkiisa, inuu qofku ka niyad jabo dhamaan dadka kale uu jeclaan karo sida haddii uu dhedig yahay wuxuu nacaa labka haddii uu lab yahayna wuxuu nacayaa dhediga isaga oo aminsan in dhaawaca qalbigiisa qof daawo u noqonaya oo kale aanu helayn ilaa naftuu jecladay maahane, feker badan kaas oo mararka qaarkood tusay inuu guursan doono nololna la wadaagi doono qofkii uu jeclaaday ee noloshiisu dooratay, Aamusnaan iyo degenaan taas oo qalbigiisu tustay in aamsunaantu uga roontay inuu dadka dhex galo oo la sheekaysto, haddii uu arko qof ka sheekaynaya qiso jacayl ama uu arko buug qiso jacayl ah sidoo kale Film jacayl hore ayuu kala boodaa isaga oo jecel in uu dhegaysto hadalada macaan ee lamaanayaasha buuga ku qoran ama uu daawanayaa is leeyihiin, qof uu ku kalsoonyahay maahee qof kale ma uga sheekeeyo jacaylka dhabta ah ee ku dhacay marka uu qofkaa uga sheekeenayna wuxuu u badiyaa in khalad walba oo dhacay uu isagu sameeyey amaana waa u dhameystiraa nafta uu jeclaaday. Arimahaas aynu kor ku soo xusnay oo dhan iyo wax la mid ah nolosha Ridwaan lama soo gudboonaan ilaahay waa ilaswiiyey Zuhuur iyo xasuusteedii. Maalinba maalinta ka dambaysa Zuhuur waxay si fudud uga sii dhamaanaysay qalbiga Ridwaan muddadii uu halkaas joogayna wax warqad aha ma telefoon ah Kama helin isaguna ma doonayn inuu ka helo wax war ah. Maalin ayaa Ridwaan oo jooga gurigooda ayaa waxa la soo hadlay wiil ay aqoon isku lahaayeen wuxuuna u sheegay in haddii wax hawl ah aanu hayn uu u yimaado si uu u caawiyo nin oday ah oo magiciisa la yidhaahdo Axmed ninkaas oo baasaaboorkiisa lagu haystay immigration-ka, Ridwaan oo ahaa wiil naxariis leh arintaas wuu ka ogolaaday markii uu u yimina wuxuu oday Axmed u sheegay in muddo laba usbuuc ah baasaaboorkiisu uu yaalay immagrationka taasina ay dhib u keentay tegitaanka saddex qof oo uu adeer u yahay oo ay isku waddan aadi lahaayeen oo iyagu haysta baasaaboorkoodii oo fiise loo saaray. Ridwaan wuxuu u sheegay oday Axmed wixii dadaalkiisa ah in aanu waxba ka hakran ee uu u qaban doono wuxuuna bilaabay in uu dhex galo arimihii odayga isaga oo wax walba la soo dhameeyey. Ridwaan iyo ninkii odayga ahaa si fiican ayey isku dhex galeen dabeecad ahaan iyo sheeko ahaana way isla keeneen waxaad moodeysay laba nin oo saaxiibo ah sida ay u kaftamayeen wuxuuna Axmed odhan jiray Ridwaan hablahayga mid aan ku siiyo aad ayey u qurux badan yihiin oo waan hubaa in aad ka helayside balse Ridwaan oo aad u xishoonaya ayaa odhan jiray maya maya kuu soo dhawaan mayo. Maalin ayaa Ridwaan ooo suuqa jooga waxaa la soo hadlay oday Axmed wuxuuna ku yidhi iikaalay adeer waxaan doonayaa caruurta aan adeerka u ahay in aan tigidhadii diyaarada u soo gooyo, Ridwaan marnaba kama soo hor jeesan jirin go’aanka oday Axmed wuxuuna isla markiiba si degdeg ah ugu yimi halkii uu joogay iyaga oo aaday xafiiskii diyaaradaha waxaana sii raacay axmed seedigii oo xiligaa ka yimi. La soco…... |