Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2428

August 12,2010                                                                              Ramadan 02,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay

Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay

Inkasta oo ay diin fidyayaasha diinta masiixigu galiyaan awood iyo kharash badan sidii ay Afrika ugu fidin lahaayeen diinta masiixiga, haddana islaamku waxa uu Afrika ugu fidayaa si la yab leh isaga oo an haysan urur habaysan ama taageero maaliyadeed. Xaqiiqdan ayaa ka marag ah faraqa u dhexeeya labada diinood. Masiixiyaddu way taag darantahay in kasta oo ay leedahay dugsiyo kiristaan, dhakhtaro, hawlo diin fidineed oo isku duba ridan iyo taageeerada maamulka gumaysiga. Hadana Afrikaanku aad uma galaan, kuwa galaana marka ay arkaan in ay halawsantahay ayey degdeg uga soo noqdaan. Dhinaca kale, in kasta oo aan islaamku  helin cid u bandhigta  habkiisa qurxuda leh oo aanay  muslimiinta  arintan ka shaqaysa intooda badani wadan tusaalooyinka wanaagsan ee islaamka  iyo iyada oo aanay jirin dad muslimiin ah oo wata tababar diin fidineed. Muslimiinta qudh ah ee ay dadkan Afrikaanka ahi inta badan la kulmaani waa dad aan aqoon lahayn. Laakiin intaas ayaa ku filan in ay soo jiidato diinta islaamku Afrikaanka si ay u soo galaan. Sidaa daraadeed ayaan ugu oomanaa in aan habeeyo barnaamij qorshaysan oo ku saabsan fidinta diinta islaamka, laakiin ayaan daro, gacmahayga waa la xidhay. Si kastaba ha ahaatee marna iloobi maayo arinkan oo aan haddii Ilaahay yidhaahdo  isku deyi doono in aan ugu shaqeeyo sida ugu wanaagsan in kasta oo aan ka fogahay dhulkaasi.

In aad la yaabto ma aha taageerada uu wargayska "Islaamik Rifiyuu" ee ka soo baxa Woking  siiyo Xabiib Burqiiba, haddii aad ogtahay dugsi fikradeedka uu wargayskani ka tirsan yahay. Waa dad ka tirsan dalkeena, aadna waa aynu u naqaan. Waxa ay ka tirsan yihiin kooxda Laahoor ee ah Xerta Mirsa Qulaam Axmad Qaadiyaani, oo ah kii sida foosha xun ugu dhiiraday in uu sheegto nabinimo been ah. Xertiisa in tooda badani waxa ay si joogta ah wargaysyada ugu qoraan in uu Mirsa ahaa nabi, oo qofkii diida nabinimadiisa ay ku sheegaan kaafir. Wiilka uu dhalay Mirsa Qulam Axmad (Bashiir- ud-diin Maxamuud) ayaa hogaamiya kooxdan. Qaybta ka go'day oo ah ta gacanta ku haysa wargayska " Islaamik Rifiyuu" ee ka soo baxa masaajidka Woking ee ku yaal Iglan. Waa ay ka maagaan in ay si cad ugu sheegaan Mirsa in uu ahaa Rasuul, laakiin waxa ay hadalka dahsoon ku yidhaahdaan "Nabi" wax ayna ugu yeedhaan Masiixa la balanqaaday, Mujaddid iyo Mahdi. Labadaasi kooxood ee reer Qaadiyaan waxa ay ahaayeen kuwa ay dawladd Ingriisku markii ay gumaysan jirtay Hindiya iyo Baakistan ay aad u door bidi  jirtay.  Waxa ay haysteen taageerada  ilaalinta iyo dhiirigelinta gumaystaha Ingriiska. Dalka gudihiisa waxa ay ka helijireen jagooyinka  ugu wanaagsan, xagga dibaddana waxa ay ahaayeen kuwa aad loo aaminay ee daacadda u ah imbiraadooriyadda Ingriiska. Dawladda Ingriisku way u dulqaadan jirtay dacaayaddooda ku saabsan Islaamka, waayo waxa ay ahayd mid aan dhibaato lahayn. Hawlaha ay qabtaana waxa ay u ahaayeen gabasho hawlaha ay u qabtaan imbiraaliyadda Ingriiska. Mawlaanaa Muxamad Cali oo ah ninkii macnaha Quraanka u badelay afka Ingriisigu, waxa uu ahaa hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Axmadiyadda Laahoor ee uu ka abuurmay "Xidhiidhka Diin faafinta iyo Suugaanta ee Woking" oo kutaal Ingriiska taas oo soo saarta "Islaamik Rifiyuu".

 

Dadkani waxba ulama kala hadhaan sidii ay isugu muujin lahaayen in ay yihiin qaar iftiimaya oo horusocod ah sida reer Galbeedka, sidaa daraadeed ayay si soo dhowayn leh ugu qayliyaan talaabo kasta oo lagu cusboonaysiinayo Islaamka Baakistaan ama dalalka kale ee Islaamka. Dhawaan Xeerka Qoyska Baakistaan waa la cusboonaysiiyey si looga dhigo mid la socda habka ay reer Galbeedku wax ku qiyaasaan, taas oo ay u sacabiyeen qorayaasha wargeyska "Islaamik Rifiyuu".

Qiimayntaadii ku saabsanayd Jaamicaddaha Masiixiga ee Bayruut iyo Qaahiri waa mid sax ah. Waxa  laga yaabaa in ay ku xiiso geliso marka aad ogaato in dugsiyada Masiixiga ee ku yaal Baakistaan ay soo saaraan qaar la mida kuwa ay Jaamicaddahaasi so saarayeen qarni iyo badhkii u dambeeyay. Dabaqadda sare, maal qabeenka iyo Shaqaalaha dawladda ee ka shaqeeya meelaha sare ayaa caruurtoodu marka ay afar ama shan sanno gaadhaan u dira dugsiyadaasi oo ku aamina. Waxa ay bartaan sida afka Ingriisiga loogu hadlo halkii ay Urduuga ka baran lahaayeen.