Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2431

August 16,2010                                                                              Ramadan 06,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Farax Jacayl Dhib Ma Loo Maraa?

Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa  Farxada Jacayl, dhibta iyo Rafaadka loo maro, Waxaana Qoray:- Yaasin Axmed Maxamed (Yaasin Lucky) (Q11aad)

Ridwaan: waxaan is leeyahay in aan la soo koobi Karin wax bad aduunka ku taala iyo wax buuro ku yaala waxaa ka culus jacaylka aad I jeceshahay waana ogahay in aad naftaada iga jeceshahay aniguna kula mid ayaan ahay

Farax: xabiibi jacaylka sidan oo dhan culeyska u ah maxaad iigu beertay.

Ridwaan: Aduunka wax walba oo aad u baahatid dhakhso ayaad ka soo helaysaa waxaana kaa xiga lacag, balse jacayl dhab ah oo daacad ah waxa hela dad yar oo ilaahay ugu talo galay adiguna dadkaas ayaad ka mid noqotay.

Farax: Ax gacaliye waxaad ku sameysantahay jidhkayga iyo aniga oo dhan mar keliyana ma kaa maarmi karo oo waan kuu jecelahay si xad dhaaf ah.

Ridwaan: Aniguba xubi waan ku jecelahay in aan la soo koobi Karin weliba gacaliso waxaan doonayaa in aan nolosha wadaagno oo aan noqdo saygaaga.

Farax kelmadaa waxay ka sugeysay maalmo badan waxayna ku tidhi xubi qofka aan aduunka u joogo waa adiga markaas sidee ku diidaa, waan kugu raacsanahay gacaliye ee waxaad inooga dhigtaa sanadku markuu dhamaado.

Ridwaan: Anigu waxaan gacaliso jecelaan lahaa isla bisha lixaad in aan nolol wadaagno

Farax: haye xubi waan kugu raacsanahay ee reerkayga u sheeg.

Ridwaan kelmadaas aad ayuu ugu farxay wuxuuna dareemay farxad saa’id ah waayo waa markii u horeysay ee jacaylkiisu ku tidhi nolol ila wadaag wuxuuna ku yidhi “Gacaliso waa balan in aad noqotid xaaskayga weliba bishan gudaheeda balse maxaan kuugu abaal gudaa.

Farax: gacaliye adiga ayaa hore u yidhi labada qof ee is jecel ma isku abaal gudaan mana isku mahad celiyaan wax walbana waa isku leeyihiin sidaa darteed waa mid aad muteysatay adigu waayo runtii jacaylka iyo kalsoonida adiga ayaa iga keensaday.

Maalintaas waxay go’aan ku gaadheen inay midoobaan oo nolol wadaagaan waxayna balan iyo cahdi ku qaateen inay is xalaashadaan oo noqdaan laba qof oo iska soo agtoosa ahna nin iyo Ooridiisii waxayna isku dhiiri geliyeen in aanay labadooduba kala biqin waalidood.

Laba maalmood ka dib ayaa Ridwaan la hadlay Aabihii oo ku noolaa mid ka mid ah waddamada debadaha wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu guursado run ahaantiina Aabihii waa ku raacay arintaas wuxuuna ku yidhi Aabe anigu wax walba oo aad jeceshahay aduunka waan kuu sameenayaa waayo si aad ah ayaan kuu jecelahay, basle waxaad ii sheegtaa yaad dooneysaa in aad nolosha la wadaagtid.

Ridwaan wuxuu bilaabay inuu Aabihii uga sheekeeyo gabadha qalbigiisa qaaday ee uu jecel yahay iyo weliba sidda uu ugu kalsoon yahay inay ogoshahay guurkiisa iyo nolol la wadaagidiisa.

Ridwaan Aabihii wuxuu ku yidhi Aabe qof dumar ah la iskuma haleyn karo waayo balanta way ka bixi yaqaaniin markaas kalsooni buuxda ma ka haysataa inta aynaan ku ceeboobin reerkooda oo hadhawto la odhan gabadh meesha ma idiin joogto wuxuuna hadal u sii raaciyey beri ayaan kula soo hadlayaa ka sii feker waayo in sharafteenu hoos u dhacdo ma doonayo.

Ridwaan wuxuu xasuustay noloshiisii hore iyo sida ay Zuhuur wacadkii iyo balantii ugaga baxday, balse wuxuu kalsooni buuxda ku qabay Farax wuxuuna ogaa inay tahay wadnihiisa isla markiibana wuxuu telefoonkii ku celiyey Aabihii kuna yidhi Aabe kalsooni waan ka haystaa adigu la hadla waalidkeeda telefoonkoodu waa kane iina weydii gabadhooda si aan nolol ula wadaago hadii sharaf dhac kaaga yimaadana ifka intaan ku noolahay ha i sheegan oo dhankaaga waan ka dhimanayaa.

Aabihii wuuxu ku yidhi Aabe waxaad tahay wiilkaygii dhankaygana Kama dhimanaysid runtiina waxaaba I deeqaday sidda aad ugu kalsoontahay gabadha reerkoodana wanaag ayaan ka filayaa.

Dhawr maalin ka dib ayaa Ridwaan Aabihii la hadlay Farax adeerkeed wuxuuna u sheegay in wiilkiisa u doonayo gabadh la yidhaahdo Farax wuxuuse Farax adeerkeed ku yidhi way jirtaa gabadhaasi ninkaana aniga ayaaba aqoon u leh hadii ay Farax heshiiyeen maba yaalo wax kale oo waan isa siineynaa.

Farax xiligaa guriga maysan joogin markii ay timi ayaa hooyadeed iyo adeerkeed labada dhinac ka galeen kuna yidhaahdeen wiil miyaad kula soo heshiisay in aad is guursataan waxayna ugu jawaabtay haa waayo waxaan ugu jecelahay aduunyada, kelmadaasi markii afkeeda ka soo baxday adeerkeed aad ayuu ugu farxay wuxuuna ku yidhi gabadheydii waa balan in aan oofiyo balantii aan kaa qaaday noloshana waad la wadaageysaa isaga.

Ridwaan iyo Farax waxay nasiib u yeesheen in waalidiintoodu ku waafaqaan jacaylka dhabta ah ee ay wadaageen sidoo kale Ridwaan hooyadii ayaa kala soo hadashay waddankii uu ku noolaan jiray waxayna ku tidhi aad ayaan ugu farxsanahay horumarka aad ku talaabsatay wiilkeygii waxaanad ogaataa talaaba walba oo aad noloshaada u qaadeysid ha xumaato ama ha wanagsanaatee adiga ayaa xor u ah.

Ridwaan iyo Farax waxay noqodeen laba lamaane oo isku mehersan waxaaana hambalyadooda laga sii daayey websetyo iyo joornaalo badan oo caalamka ka soo baxa waxaana madasha meherkoodu ka dhaceyey ka soo qayb galay dad aad u fara badan waxayna Farax iyo Ridwaan rumeeyeen riyadoodii iyo hadafkii noloshooda waxaana mid walba la ilmeeyey farxad iyo kalgacal uu u qabo kan kale waxayna isku lahaayeen markii ay isla soo hadleen isla maalintaa “Hada dhab miyaa oo nolosha miyaan wadaagnay Farax”.

Habeen ayaa Ridwaaan oo fadhiya qolkiisa hortiisa ayaa wuxuu kor u eegay cirka wuxuuna ku arkay xidigo aad u qurxo badan waxaana xiligaas maskaxdiisa ku jirtay xaaskiisa uu aduunka ugu jeclaa isaga oo marba marka ka dambeeya uu isla meel dhigayey xidigaha iyo quruxda xaaskiisa Farax isaga oo leh indhaheeda iyo xidigtaa bishmaheeda iyo xidigtaa timaheeda iyo xidigtaa heer uu ku gaadhay xili dambe.

Nolosha Ridwaan iyo Farax iyada oo markii horeba masuuliyad saarneyd ayaa waxaa hadana ay qaadeen masuuliyad aad u weyn oo ka sii culus waxayna Farax ku tidhi gacaliyaheeda maxaad gacaliye ii sameyn waayo waan ogahay in aad si xad dhaaf ah ii jeceshahay wuxuuna Ridwaan ugu jawaabay gacaliso anigu dheeman iyo dahab midna ku siin mayo, balse waxaan ku siinayaa qalbigeyga runtiina waxaad tahay xaaskeyga xalaasha ah qof aan adiga ahayna nolosha la wadaagi maayo”.

Farax waxay u faraxday si saa’id ah waxayna ku tidhi runtii gacaliyey anigu waxaan is lahaa markii hore gacaliyahaaga wax yaabo badan kala tali, balse illaahay ayaa sharaf iyo wanaag kuu dhameeyey runtiina maskax wanaagsan waad u dhalatay waana ogahay in aad tahay indhahayga iyo farxadeyda, balse gacaliye naag walba waxay jeceshahay in ninkeedu keli ku noqodo waxaan kaa codsanayaa in aadan weligaa naag kale ila guursan oo aanad i nicin.

La soco………...