Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2433

August 18,2010                                                                              Ramadan 08,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay

Waxaa Tarjumay Abshir A/Xasan [Qaybtii 13aad]

Marka ay ardayda "horusocodka" ahi ii sheegaan in ayna dalalkoodu noqon karin dalal diimeed ilaa ay gaadhaan horumar dhaqaale iyo nolol heer sare ah, markaas oo kale iima banaana xusidda wax kale oo aan ahayn ereyadii Nabi Ciise(NKH) ee lagu soo wariyey Cahdiga Cusub markii uu ku yidhi kuwii raacsanaa:-"Marka hore doona boqortooyada samada, markaasaa dabadeed ay idiin sugnaan in aad heshaan wax yaabaha maadiga ah oo dhan". Kuwa horusocdka ahi arintan dhanka kale ayey kaga yimaadeen! Waxa ay inagu qanciyaan in marka ay gaadhaan horumar maadiya  ay dabadeed u helayaan wakhti ay ku darsaan arimaha Ruuxiga ah. Laakiin waayo-aragnimada ayaa muujisay in aanay arintu sidan ahayn, waayo qofka qaata fikradani waxa uu ku mashquulaa doonista arimaha maadiga ah, waxa aanu iloobaa gabi ahaanba dhinaca nolosha ruuxiga ah.

Sababaynta aan caqligalka ahayn ee ay kuwani adeegsadaan waxa ay aad iigu cadaatay markii uu macalinkayga masaajidka igu bara afka carabigu igu yidhi Kamaal Ataaaturk ayaa Turkiga ka mamnuucay in ay xajka soo gutaan. Waayo xaaladda dhaqaale ayaa aad u xumayd. Dadkuna waxa ay la liiteen gaajo. Markaa suurtagal ma ahayn in ay dawladdu ogolaato in lacag adag dibadda dalka looga saaro. "Tani waxa ay ahayd arin garawshiiyo leh" sidaa waxa ku andacooday macalinkaygii. Isaga oo hadalkii sii watana waxa uu yidhi" Sida islaamku ina farayana Xajku waxa uu ku waajibay qofka awood u leh in uu guto". Waxa uuse iloobay in uu sheego in qodobadaa Ataaturki mamnuucday oo qudha tegitaanka Maka loo tagayo in la soo guto Xajka! Socdaalada kale ee dalalka dibadda, gaar ahaan Yurubta Galbeed iyo Maraykanka waa la ogolaa oo waliba si rasmi ah ayaa dadka loogu dhiiri galinayay in ay meelahaa soo booqdaan.

Shirarka uu yeesho Ururka Ardayda Muslinka ee Jaamicadda Kolombiya, waxa yool uu weeraro u ahaa habka waxbarashada ee islaamka caadada u ah, sida waxbarashada Jaamicadda Al-Ashar, Dinbool iyo madarasadaha islaamka ee kale. waxa ay yidhaahdaan  kuwa meelahaa wax ku bartaa, waxa ay awoodooda saaraan dul ka xafidka, waxa kale oo ay is hortaagaan madax banaanida fikirka iyo abuurista waxyaabo cusub. Ardaydaasi kama war qabaan in canaanta ay u jeedinayaan madarasadahaasi ay iyaga laftooda haysato kun  jeer. Anigu uma arko  in ay reer Galbeedku leeyihiin madaxbanaani fikradeed iyo abuuris fikrado cusub. Garaadkooda kuma fikiraan, waxa ayse ku celceliyaan wixii loo laqimay sida  shimbirka babqaaga! Sidaa daraadeed, inkasta oo ay arday badani ku soo xoonto jaamicadaha Maraykanka sida tan Kolombiya, hadana ma jiro qof qudha oo lagu sheeki karo in uu yahay aqoonyahan run ah.

Macnaha runta ah ee "Islaam" waa isku dhiibka iraadada Alle. Suurtagal  ma aha in uu qof u dhawaado Alle isaga oo aan isku dhiibin shareecada Ilaahay iyo amaradiisa oo aan ku fulin nolol maalmeedkiisa. Qofkaas oo kale marna kama shakiyo xikmadda Alle (sida uu arday ku jira Jamicadda Kolombiya iigu yidhi way banaantahay imika in uu qofka muslinka ahi cuno hilibka doofaarka, waayo kuwa xiligan rabeeya doofaaradu waxa ay si wanaagsan u yaqaanaan sida ay si caafimaad leh ugu rabayn lahaayeen. Sidaa daraadeed ayuu hilibka doofaarka cudurkii uga tegay!) Muslinka dhabta ahi marna ma diido xikmad lagu sheegay Quraanka isaga oo mar marsiiyo ka dhiganaya in aannu arinkaasi la socon xiliga. Yoolka ugu sareeya ee noloshu waxa weeye in uu qofku u noolaado sida uu Ilaahiisu doonayo in uu u noolaado. Cadhada uu Ilaahay ka cadhaysiiyo wax kaga murugo badani ma jiro. Waa in aannu qofku u arkin ku dhaqanka shareecada islaamku  in uu yahay culays korkiisa saaran ee uu u arkaa in uu yahay raaxo. Waa na halkan meesha ay Yuhuudda Ortodhaqaska ah iyo Islaamku ay isaga yimaadaan.

La soco……..

Maalin walba Yuhuudiga caabudka ahi waxa uu halka uu wax ku caabudo ku akhriyaa Axkaamta soo socota oo ka mid ah shareecada Muuse (Nabad gelyo korkiisa ha ahaato e":)

"Adigu waad jeceshahay Alahaaga, Ilaahayna waxa aad ka jeceshay qalbigaaga, ruuxaaga oo dhan, awoodaada oo dhan. Ereyadan aan Anigu kugu amrayo (Muusow) ha ahaadaan kuwo qalbigaagu qabto. Waxa aad si hufan ugu dhigtaa iyaga caruurta, kuna akhri marka aad fadhido gurigaaga, markaad safarka tahay, marka aad fadhiisanayso iyo marka aad kacayso. Adigu  si astaan oo kale ah gacantaada ugu xidho, waxa ay ahaan mid goor walba hortimaad indhahaaga. Adigu ku xaradh tiirarka albaabka aqalkaaga iyo kadinkaba," VI: 4-9 Dhiteronomo.

Dhinaca kale, kuwa casriga ahi halkii ay Ilaahay isugu dhiibi lahaayeen ayey doonayaan in uu Ilaahay iyaga isku dhiibo!.

Waxa aan waraaqdan ku soo lifaaqay tafaqyatirka tirsigii Juulay 1961 ee majaladda "Islaamik Rifiyuu" waxa ku yaala ammaan ay u soo jeedisay go'aanka cusub ee Xeerka Qoyska Falastiin.  Adiga oo mahdsan ka soo faalood.

Walaashaadii Islaamka:

MARYAN JAMEELA

Lahoor, Diisambar 16, 1961.

Gacaliso Maryan Jamiila,