Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2433

August 18,2010                                                                              Ramadan 08,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Muniirow Inaaderkey Baad Tahey Oo Waan Ka Naxaya Weligaa Iska Ilaali Inaad Bohol Ku Dhacdo

Waxaan marka hore salaamaya dhamaan dadka akhriya maqaalkan anigoo leh ramadaan kariim.

Muniirow waxaan is lahaa, hadii uu mudo UK joogey, hadii oo uu rabi nasiib u siiyey inuu ka mid noqdo raga daadihiya shebakada weyn ee Hadhwanaagnews, hadii wareysiyo qaadey oo isagoon aqoon u laheyn dadka u sheegtey inuu yahey saxafi weyn oo waliba laga dhegaystey, waxaan is lahaa maruun uun buu ka weynaan oo ka ilbixi inuu qalinka ku dul kufo oo isagoo xiiqsan oo jibo qabyaaladeed wado uu maalin walba u jawaabo nin xigaalka uun ka mida oo meel dheer ka jooga

Waa lagu digtaa

Ruux haduu kuu daraan jirey

War dayaayey waa ka Muniir

Sii dabeyshadaye.

Muniirow Inaaderkey Baad Tahey Oo Waan Ka Naxaya Weligaa Iska Ilaali inaad bohol ku dhacdo.

Colka beri haraatiyey

Hubka Mudug ku talax tagey

Alleylehe hubsiimiyo haki

Buu u baahna.

Qoodh iyo xaradey mey aheyn inaad Haatuf iyo Yusuf Cabdi Gaboobe isku qaado oo aad wax ka sheegto. Oo ma waxaad dooneysay inuu Yusuf Cabdi Gaboobe guulwadeeeyo marka Muj Silaanyo xilka Madaxweynenimo qabto, oo Haatuf noqon doonto Xidigtii Oktober. Mida kale markii KULMIYE mucaaradka ahaa gar mey aheyn lakiin bal

dawba ka dhig in la xiiqsanado oo, maanta sowtii hubka la dhigey ee la qaboobey, maxaa kuleylka keenay.

Inadeer ha boodin oo yaan laga garan ee is daad raaci Meeshu waa Qaran iyo haykal dawladnimo, ma aha reero iyo badownimo weligaa il isku qabo oo jidhka is geli, Yaa is gaadheyba gormaad Hunqaaco iyo odey ku maahmaheysaa.

Waxaan kugu dhaafaya inaader weligaa dib ha u siqiirin ee ka weynow inaad Huryo qod yeelato, oo aad noqoto saamka diyaaradaha eryada. Fahanoo iska daa ninkii xagaa cadceedu nooga soo baxdo soo eegaba inaad midh cas ku rido.

Lama baraq nuglaade

Waa daris bari hore

Kaa baaqdey adigoo

Mawluhu ku barayee.

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

omardool@hotmail.com

Oslo Norway