Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2436

August 22,2010                                                                              Ramadan 12,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Wasiirka Caafimaadka Oo Ka Mamnuucay Goobaha Gaarka Loo Leeyahay Soo Dejinta Iyo Iibinta Dawladda Qaaxa

“Waxa Dalka Ka Dhacda Dad Aan Iyagu Cudurkiiba Qabin Oo Laga Yaabo Inuu Cuduro Sahlan Qabaan In La Siiyo Dawadii, Markaa Dhib Ka Badan Tii Horeba U Keento” Dr. Ismaaciil Aadan C/Laahi Madaxa La Dagaalanka Qaaxada Somaliland.

Hargeysa, August 22, 2010 (Haatuf) - Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa soo saaray digreeto uu ku mamnuucayo in xarumaha caafimaadka ee sida gaar ah loo leeyahay lagu iibiyo daawada Qaaxada, taas oo uu Wasiirku tilmaamay halista ay leedahay daawadani haddii si khaldan loo isticmaalo ama qof aan u baahnayni uu isticmaalo.

Wasiirka Caafimaadku waxa uu intaasi ku daray inay ahmiyad siinayaan daryeelka Caafimaadka Guud iyo mid gaar ahba, sidaa darteedna laga bilaabo maalintii shalay uu joojiyey meelaha sida gaar ah loogu iibiyo dawadan, Waxanu Wasiirku intaasi raaciyey in laga heli doono xaruumaha Caafimaadka ee ay dawladdu gacanta ku hayso oo kaliya.

Wareegtadan Wasiirka Caafimaadku uu ka soo saaray Joojinta in meelo gaar loo leeyahay lagu iibiyo daawada Qaaxada waxa ay u qornayd sidan:-

“Aniga oo aaminsan tix gelnaya habka ugu wanaagsan ee daawaynta qaaxada, aniga oo eegaya adeegyada daryeelka caafimaadka bulshada Somaliland, anigoo og dhibaatada ka iman karta haddii aan la helin nidaam habaysan oo qaaxada loo xakameeyo, aniga oo ka warhaya in si xun loo isticmaalo daawada qaaxada, aniga oo ka warwarsan adkaysiga jeermiska qaaxada, aniga oo ahmiyad gaar ah siinaya daryeelka caafimaadka mid guud iyo mid gaar ah, aniga oo baryahanba ku foognaa hawlaha qaaxada, laga bilaabo maalinta ku mudaysan wareegtadan, waxa la mamnuucay iibinta iyo soo dejinta daawada qaaxada ee farmasiiyada iyo xarumaha gaarka ah”.

Dhinaca kale Si aanu faahfaahin dheeraad ah uga helno waxa aanu xalay tilifoonka kula xidhiidhay madax la dagaalanka cudurka Qaaxada Somaliland, Dr. Ismaaciil Aadan C/laahi oo isagu nooga xog waramay xaalada cudurka qaaxada, ugu horayna isagoo oo ka hadlaya, dawooyinka uu wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen Xoog) mamnuucay in lagu iibiyo Farmasiiyada iyo dawada qaaxada laftigeeda waxa uu yidhi

“Dawada Qaaxadu bilaash ayey dhamaan xarumaha TB-da ee dalka oo dhan ku taalaa, laakiin waxa jira dawooyin kale oo Xamar inagaga yimaada oo si khaldan loo iibiyo, waxaad arkaysaa dalka Farmasii dadka u qoraya dawadii qofka la siin lahaa lixda bilood mid uu bil qaadanayo ama 15 cisho ah, halkii qofka afar kiniin la iskugu dari lahaa siinaya laba ama xabad oo dano ganacsi uun isagu ka leh, waxa dalka ka dhacda dad aan iyagu cudurkiiba qabin oo laga yaabo inuu cuduro sahlan qabo in la siiyo dawaddii markaa ka dib ay qofkii dhib ka badan tii horeba u keento, dadkaa dawada la siinayo hadii uu ku jiro qof cudurkii qaba oo qofkii dawadii in yar laga siiyo ama dhawskii lagu yareeyo ama daawadii ku haboonayd wax laga dhimo aan laba siinba taas ayaa waxa ay keenaysaa dhib hor leh oo qofkii la soo darso”.

Dr. Ismaaciil isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Waxa jirtay warqad uu hore u soo saaray wasiirkii Xasan Ismaaciil Yuusuf, markii danbana uu cusboonaysiiyey wasiirkii hore ee caafimaadka ee geeriyooday (AHN) Cismaan Qaasim Qodax, maanta-na ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka Dr. Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen Xoog) oo sheegaysa in aan suuqa si gaar ah loogu iibin Karin daawada qaaxada, arintaas waxa looga danleeyahay in dadka cudurku haleelo ay qaataan daawada xarumaha qaaxada ee dalka yaala ee bilaashka ah ee wakhtigii dhicista iyo wakhtiga ay soo baxdayba ku qoran yahay, isku darkii la isku darayna la hubiyey oo laga fiirsaday, miisaankii qofkana lagu fadhiisinayo, hadii arintaas wax ka qabashadeeda aynaan ka wada qayb qaadana waxay keenaysaa, in ay noqoto Aids hawada lagu kala qaado oo aynu dareemi karno khatarta uu dadkeena u keeni karo.

Wareegtadan uu hada soo saaray wasiirka caafimaadka Dr. Xuseen Xoog horena ay u soo saareen labadii wasiir ee ka horeeyey waxay ka hortagaysaa khataro badan oo inagu soo fool leh iyo in dadkii laga siiyo lacag iyadoo aanu hayno mid ka tayo badan oo bilaa lacag ah”

Madaxa qaaxada Somaliland Dr. Ismaaciil Aadan C/laahi mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd sida uu u arko wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaarada Caafimaadka, waxa uu yidhi “Runtii waxaan u arkaa shaqsigii ugu haboonaa ee loo magacaabi lahaa wasaarada caafimaadka somaliland in uu yahay Dr. Xuseen Maxamuud Maxamed  (Xuseen Xoog), waxaanan aaminsanahay in uu yahay nin fahmi kara baahida caafimaad ee bukaanku u baahan yahay isla markaana garan kara ninkan bukaanka u shaqanaynaya baahidiisa, markaa waxaan isleeyahay waxa uu wax wayn ka tari karaa siyaasada caafimaad ee dalka, waxa kale oo aan aaminsanahay in uu kor u qaadi doono aqoonta shaqaalaha caafimaadka.”

Dr. Ismaaciil isagoo si guud mar ah uga hadlaya xaalada uu hada marayo cudurka qaaxada, waxa uu yidhi “Xanuunka qaaxadu somaliland marka la eego, waxaan odhan karnaa ilaa 250 qof ayuu ku dhacaa 100,000 ee qofba sanadkiiba, ilaa 160 qof oo ka mid ah 250-kii qof dadka xaaqadadooda cudurka laga helo oo qaadsiin kara bulshada inteeda kale, oo qofka xaaqadiisa uu jeermisku ku jiro hadii aan la dawaynin wuxuu sanad gudihii qaadsiin karaa 15 qof, qof wal oo shan iyo tobonkaa qof ka mid ahina wuxuu qaadsiin karaa 15 qof oo kale, markaa anigu waxaan ku suuraynaa lahaa inay Qaaxadu hadii aan arimahaa aan soo sheegney wax laga qaban in ay noqon karto ama u dhiganto Nuclear Bam-ka caalamka laga mamnuucay.

Hadaan iyadana ka hadlo Number-ka sanadkii laga  daweeyo cudurka qaaxadu waa ilaa 4,000 qof ayey noqonayaa celceliska dadka laga daweeyaa qaaxada, dadkaas kala badh 50% waxa lagu daweeya caasimada Hargeysa inta kalena gobolka kale ee dalka, markaa runtii waxa jira dadaal badan oo loo galo arimahaas, taasina waxay keenaysaa in dadkaas laga daweeyo cudurkaas 90% ay ka bogsadaan cudurkii, heerka aynu ka gaadhney la dagaalanka cudurka qaaxada inta gaadhayba way iska yartahay, taasna waxa mahadeeda iska leha Ilaaha inoo fudeeyey in aynu sidaa wax uga qabano”.